Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Maxay yihiin dhibaatooyinka naga soo gaaray Isbadelada cimilada?

    Video content

    Video caption: Dhibaatooyinka ay horseedeen Isbadelada cimilada
  2. Hogaamiyaha ruuxiga Iiraan oo difaacay 'militariga Iiraan'

    Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei
    Image caption: Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei

    Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei ayaa difaacay militariga dalkaas kaddib markii dhawaan xukuumadda Tehran ayaa qiratay in diyaaraddii rakaabka ee Ukraine aan si ula kac aheyn loo soo riday.

    Wuxuu sheegay in ciidammadii Kacaanka ee ka dambeeyay masiibadaas ay 'ilaaliyeen ammniga Iiraan'

    Aayatullah ayaa maanta salaadda jimcaha dadweyne ku tujiyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Tehran markii ugu horreysay muddo siddeed sanno ah.

    "Malaayin Iraaniyiin ah iyo kumanaan Ciraaqiyiin ah ayaa u baroordiiqay dilkii Janaraal Suleymaan" ayuu yiri Aayatullaah Cali Khamenei.

  3. Natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug oo lagu dhawaaqay

    Maxamed Nuur Gacal , guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug
    Image caption: Maxamed Nuur Gacal , guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug

    Waxaa hadda lagu dhawaaqay natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug oo hadda lasoo gabagabeeyay tirinta codadka.

    Waxaana ku guuleystay xildhibaan Maxamed Nuur Gacal oo helay codad gaarayo 54 cod halka Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 cod.

    Waxaa hadda lagu dhawaaqay in Dr Maxamed Nuur Gacal uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

  4. Tirinta codadka doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug oo hadda socota

    Waxaa hadda si rasmi ah u bilaabatay tirinta codadka doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug oo ay ku kala tartamayaan Cabdinaasir Aadan Cismaan iyo Maxamed Nuur Gacal.

    Waxaana goordhaw lagu wadaa in natiijada shaaca laga qaado.

  5. Doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug oo bilaabatay

    .

    Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah hadda uga bilaabatay codeynta doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug.

    Xidhibaanada ayaa hadda dooranaya guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaas.

    Waxaana ku kala tartamaya jagada guddoonka baarlamaanka xildhibaanada kala ah, Maxamed Nuur Gacal iyo xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan.

    Waxaa la filaya in lagu dhawaaqo natiijada marka lasoo gabagabeeyo codeynta.

  6. Aaayatulaah oo markii ugu horreysay muddo 8 sano ah tujinaya salaadda Jimcaha

    Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Ayatullaah Cali Khamenei
    Image caption: Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei

    Hogaamiyaha ruuxiga Iiraan Aayatullah Cali Khamenei ayaa maanta salaadda jimcaha dadweyne ku tujinaya misaajid ku yaal caasimadda Iiraan ee Tehran.

    Waa markii ugu horreysay muddo siddeed sanno ah uu hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan uu dadweynaha dalkaas tujiyo salaadda jimcaha.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay jirto carada ka dhalatay diyaaraddii Ukraine laga laha ay militariga Iiraan soo rideen toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Hoggaanka waxaa soo wajahay cadaadis xooggan oo ka dhashay dhaqaale xumida kaddib cunaqabateynta Mareykanka ee kusoo rogay Iiraan.

    Arbacadii, madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani wuxuu shacabka dalkaas ka codsaday inay midnimada ku dadaalaan.

    Ruuxaan ayaa sidoo kale militariga ugu baaqay inay sharraxaad ka bixiyaan dhacdada lagu soo riday diyaaraddii rakaabka ee Ukraine.

  7. Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo dhisaneyso garoon cusub

    .

    Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeyso dhismaha garoon cusub oo ay ku kaceyso ilaa 5 Bilyan oo doolar.

    Waxay sheegtay in garoonka laga dhisayo duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa lagu dhameystirayo muddo lix bilood gudahood.

    Garoonkan cusub ayaa qaadi doonaa 100 Malyan oo rakaab ah sannadkiiba, sida laga soo xigtay madaxa fullinta ee shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya.

    Wuxuu garoonka ku fadhin doonaa 35 kiiloomiitar oo dhul isku wareeg ah gudaha magaalada Bishoftu oo dhacda koonfur bari Addis Ababa.

  8. Wasiir Beyle :Adduunka dad deyn lagu yeesho anaga ugumana horeyn

    Shirka looga hadlkayey arrimaha deyn cafinta soomaaliya ayaa shalay lagu soo gababeeyey caasimadda Addis Ababa, kaas oo 6-dii bishan ka furmay dalka itoobiya. Shirkan oo ay kasoo qayb galeen hay’adda lacagaha adduunka iyo hay’ado kale ayaa lagu lafa gurayey hanaanka deyn cafinta somalia.

    Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa dhawaan shaacisay in toddobo dal oo ay Soomaaliyaa ku jirto aysan ka codeyn doonin shirweynaha Qaramada Midoobey wixii ka danbeeya bisha September deymaha lagu leeyahay awgeed.

    Haddaba halka ay wax marayaan ayaa Weriyaha BBC-da Cabdirizaaq Xaaji Catoosh ka wareystay Cabdirahman Ducale Beyle oo ah wasiirka maaliyadda ee Somaliya.

    View more on facebook
  9. Jarmalka oo xal diblumaasiyadeed u raadinayo colaadda Libya

    Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Heiko Maas
    Image caption: Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Heiko Maas

    Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas ayaa lagu wadaa inuu wadahadallo kula yeesho magaalada Banqazi, Janaraal Khaliifa Haftar.

    Maas oo toddobaadkii hore la hadlay ra'iisul wasaaraha Libya Fayez Al Siraaj ayaa maanta wadahadalladan u matalaya Midowga Yurub ka hor shirka la filayo in maalmaha soo socdo lagu qabto magaalada Berlin si xal waaro loogu helo colaadda ka taagan Libya.

    Janaraal Khalifa Xaftar kaas oo xoogaggiisa ay dagaal adag kula jiraan dowladda ay Qaramada Midoobeey taageereyso ee caasimadda dalkaas, wuxuu dhawaan tagay magaalada Moscow isagoo aan saxiixin heshiiska xabad joojinta, sida ay warbaahinta sheegeen.

    Waxaa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamayo Libya in xal diblumaasiyadeed ay u raadiyaan joojinta dagaallada.

  10. Wiil bartay aqoon caafimaad oo Soomaalida ku yar

    Ismaaciil Axmed Maxamed wuxuu ku takhasusay cilimiga neerfaha, seedaha iyo xubanaha jirka (Daaweynta muuqata ee jirka), wuxuu ka sheekeynayaa waxa ku kalifay inuu barto cilmigan.

    Video content

    Video caption: Wiil bartay aqoon caafimaad oo Soomaalida ku yar
  11. Macalimiinta ka howlgala bariga Kenya oo doonayo in la hubeeyo kaddib weeraradii Shabaab

    .

    Ururka macalimiinta ee Kenya ayaa ku baaqay in la hubeeyo macalimiinta ka howlgalo deegaannada ay ka dhaceen weerarada dalkaas isla markaasna macalimintaas la siiyo tabbabar militari iyo qoryo si ay ammaankooda u sugaan.

    Saraakiil ka tirsan ururka macalimiinta dugsiyada hoose ee Kenya ayaa arrintani sheegay kaddib markii ay la kulmeen macalimiin kasoo cararay deegaanka Kamuudey ee ku yaal duleedka Gaarisa kaddib weerarkii dhawaan ka dhacay halkaas.

    Weerarkaas waxaa lagu dilay saddex macalin.

    Xoghayaha guud ee ururkaas, Akelo Misori wuxuu sheegay in saraakiisha booliska ee loo daabulay deegaannada dhaca bariga iyo goobolka xeebta ee Kenya aysan ku filneyn amnigooda sidaas darteed ay macalimiinta u baahan yihiin in la siiyo qoryo.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarada inta badan ay dhaceen xilli habeen ah markaas oo booliska ka tageen agagaarka Iskuullada.

    Guddiga shaqaaleysiiyo macalimiinta Kenya ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay duleedka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxay sheegeen in dowladda ay si dhaw ugala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga macalimiinta ka howlgala deegaannadaas ee kasoo jeedo gobollada kale ee Kenya.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan ururada macalimiinta ee dalka Kenya ayaa ku hanjabeen in macalimiinta ka howlgala waqooy bari ee kasoo jeedo gobollada kale ee dalkaas inay kasoo daadgureyn doonaan halkaas .

    Waxay macalimiinta sheegeen in tallaabadan ay ku dhaqaaqi doonaan waa haddii dowladda aysan wax ka qaban amniga gobolkaas.

  12. Sucuudiga oo xiray dad si sharci darro ah uga ganacsanayay dhoofinta Harmacadka

    .

    Saraakiisha ammaanka dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay xireen tiro dad ah oo lagu eedeeyay in xayawaanka Harmacadka ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen isla markaasna ay u dhoofinayeen dalkaas.

    Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay wadeen ka ganacsiga xayawaanada duurjoogta gaar ahaan Harmacadka.

    Warbaahinta gudaha ee Sucuudiga ayaa ku warrantay in raggan safrinayay Harmacadka ay kasoo tallaabeen xadka uu dalkaas uu la wadaago Yemen.

    Saraakiisha ammaanka waxay qabteen raggan xilli ay jawaanno kusoo dhex qariyeen Harmacadka, kaddib waxay saraakiisha fureen jawaannada, waxay ku arkeen Harmacadka.

    Qaar kamid ah xayaawanada duur joogta ayaa laga safriyaa dalalka bariga Afrika si looga iibiyo dalal ku yaal khaliijka halkaas oo lagu xannaaneysto.

    Dadka u doodo ilaalinta duur joogta ayaa sheegay in badan oo kam id ah xayaawanada duur joogta la safriyo ay dhexda ku dhintaan isla markaasna waxay ka digeen in ganacsigan sharci darrada ah uu halis ku hayo Haramacadka ku nool dalalka sida Soomaaliya iyo Itoobiya.

  13. Somaliland oo xukun dil ah ku ridday lix qof

    Xukuumadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbaanida ee Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay lix qof oo muddo u xirnaa dad la sheegay inay horay u dileen.

    Dilkan toogashada ah oo ka dhacay xabsiga Mandheera, raggan ayaa markii hore ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

    Waxaan arrintaas ka waraysanay Sadiiq Maxamed Burmad, weriyaha BBC-da ee Hargeysa.

    View more on facebook
  14. Jeel Ogadeen: Dadka "lama socdaan dacwadda lagu oogay eedeysanayaasha"

    Jeel Ogaadeen
    Image caption: Jeel Ogaadeen

    Ha'yadda Human Rights Watch ayaa warbixin kasoo saartay xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya gaar ahaan dhacdooyinkii waaweyn ee ka dhacay gobollada qaar ee dalkaas oo uu kamid yahay gobolka Soomaalida.

    Ha’ayadda waxay soo hadal qaaday tacaddiyaddii ka dhacay xabsigii jeel Ogaadeen ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxay sheegtay in dadkii loo heystay inay ka dambeeyeen dhibatooyinkii ka dhacay xabsigaas aysan dadweynaha war ka heyn halka dacwaddooda ay mareyso iyo halka ay wax marayaan marka ay timaaddo halkii ay ku dambeeyeen dadkii lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen jeel ogaadeen.

    Ha'yadda ayaa sidoo kale sheegtay in horumaro badan aan laga gaarin arrinta ah in lala xisaabtamo dadkii horey tacaddiyada uga geystay Itoobiya si caddaalladda loo horkeeno.

    Waxay sidoo kale HRW sheegtay in 11 sanno kaddib ha’yadda laanqeyrta cas ay dib ugu howlgashay gobolka soomaalida ee dalka Itoobiya si ay gargaar ugu fidiyaan dadka ay saameeyeen dagaallada qowmiyadaha.

  15. Qaar kamid ah soomaalida Mareykanka oo codsanayo in loo cusbooneysiiyo sharci muhiim ah

    .

    Xildhibaanada kala ah IlhanCumar, Pramila Jayapal, Yvette D. Clarke, iyo Adam Smith ayaa warqad u direen xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo iyo Xoghayaha waaxda amniga gudaha Chad Wolf, kaas oo ay ku codsanayaan in Maamulka Trump uu u ogolaado in waqti lagu daro sharciga TPS, oo ah sharci ku meel gaar ah oo la siiyo Soomalida qaxootinimo ku jooga Wadanka Mareykanka.

    17-da bisha Maarso ee sanadkan, Soomali badan ayuu ka dhacayaa sharcigan, taas oo saameyn ku yeelaneysa dadka Soomalida ah ee aan haysan sharcigan, sidaa darteedana dib loogu celinayo dalka Soomaliya.

    Xalimo Xassan Cabdi oo ku nool gobolka Tennessee oo ku yaala Koonfurta Mareykanka ayaa BBC u sheegtay in warqadda TPS ay ka caawiso inay ku joogaan dalkaas isla markaasna ay codsanayaan in warqaddaas loo cusbooneysiiyo.

    Xaliima waxay sidoo kale sheegtay in codsi ay u gudbiyeen xildhibaanada qaar si waqti loogu daro xilliga uu dhacayo sharciga kumeel gaarka ah.

    "Sharciga TPS waa waxa dhan aan waddanka ku joogno, waan ku shaqeysannaa....waxaana rajeyneynaa inay inoo ogolaadaan oo ay codkayagii aan dhiibannay wax inoogu qabtaan" ayay tiri Xaliima.

  16. Guddiga doorashooyinka Itoobiya oo soo jeediyay waqtiga la qabanayo doorashada guud

    Sawir hore (Doorashadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 2015)
    Image caption: Sawir hore (Doorashadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 2015)

    Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa soo jeediyay in 16-ka bisha Agoosto ee sannadkan la qabto doorashada guud ee la filayo in dalkaas ay ka dhacdo.

    Waxay sidoo kale guddiga soo saareen jadwalka doorashada oo qabyo ah kaas oo muujinayo in 7-da bisha Apriil ay bilaabaneyso xilligga la diiwaan gelinayo codbixiyaasha.

    Waxaa jiray baaqyo kasoo baxayay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka Itoobiya kuwaas oo ku baaqayay in dib loo dhigo doorashada ilaa sannadka dambe.

    Doorashada Itoobiya ayaa 5 shano hal mar la qabtaa balse ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan sheegay in muhiim ay tahay in doorashada la qabto xilliggii la qorsheeyay.

  17. Diyaarad hawada ku jirto oo shidaal ku dul daadisay Iskuullo

    .

    Diyaarad rakaab ah ayaa shidaalka daadisay xilli ay hawada mareysay, wuxuu shidaalka ku kor daadatay ardey wax ka dhiganeysay dhowr Iskuul oo ku yaalla halkaas, diyaaradda ayaa si degdeg ah ugu soo degtay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles ee dalka Mareykanka.

    Ugu yaraan 60 qof oo u badnaa ardey ayay waxyeello kasoo gaartay shidaalka ay daadisay diyaaradda, waxaana dadkaas soo gaaray dhibaatooyinka dhanka caafimaadka ah sida inay ku dhibtoodeen neefsiga.

    Waxay arrintani ka dambeysay markii diyaaradda ay cilad ku timid matorkeeda.

    Shidaalka diyaaradda ay hawada ku sii deysay waxaa uu saameeyay ilaa lix Iskuul, dadkii ay waxyeelleynta kasoo gaartayna waa la daweeyay.

    Elizabeth Alcantar oo ah Mayarka deegaanka Cudahay ayaa sheegay inuu ka xun yahay tallaabada ay ku dhaqaaqday diyaaradda.

    Maamulka diyaaradda ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay daadisay shidaalka xilli ay hawada mareysay si ay u yareyso culuskeeda markii ay si deg deg ah uga soo caga dhiganeysay garoonka diyaaradaha ee aggaas.

    Allen Kenitzer, oo ah afahayeen u hadlay maamulka hawada federaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay "in maamulka hawada ay si qotodheer u baarayaan dhacdadaas isla markaasna ay jiraan qaabab gaar ah oo ay diyaaradaha shidaalka u qubi karaan marka ay hawada marayaan.

    "Qaababkaas waxay yihiin in diyaaradaha ay shidaalka ku sii deyn karaan hawada gaar ahaan deegaanno loogu talagalay oo aysan dadka daganeyn, gaar ahaan hawada sare" ayuu yiri Allen Kenitzer.

  18. Al Shabaab oo dib u qabsatay Tooratoorow

    Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa shaley gaaray deegaanka Tooratoorow
    Image caption: Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa shaley gaaray deegaanka Tooratoorow

    Wararka laga helayo deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xooggaga Al-Shabaab ay dib u qabsadeen kadib markii ay shalay halkaa gaareen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

    Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo u hadlay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka shalay uu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidanku ku bartilmaameedsadeen xarumaha garsoorka ee Shabaab.

    Wuxuu sheegay in ciidammada markii ay howlgalka kasoo fuliyeen ay dib ugu soo laabteen saldhigyadii ay markii hore ka baxeen.

    "Ciidammada wey tageen, howlgal qorsheysan ayay ka sameeyeen, howlgalkaas qorsheysan ujeeddadii laga lahaa waa lagu guuleystay. Ciidammada waxay kusoo laabteen halkii ay ka baxeen" ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo u hadlay wasaaradda warfaafinta.

  19. Dalalka reer Yurub oo soo bandhigay farsamo lagu xallin karo muranka nukliyeerka Iiraan

    Iiraan waxay sheegtay inay hakisay u hogaansamidda heshiiska iyadoo uga falcelineyso cunaqabateynta Mareykanka
    Image caption: Iiraan waxay sheegtay inay hakisay u hogaansamidda heshiiska iyadoo uga falcelineyso cunaqabateynta Mareykanka

    Dalalka kala ah Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa sheegay inay bilaabeen hannaan rasmi ah oo xal loogu raadinayo xadgudubka ay Iiraan ku sameysay heshiiska caalamiga ah ee Nukilyerka.

    Saddexdan waddan ayaa sheegay in meel ka dhaca lagu sameeyay heshiiskaas, ee looga hortaggayay bacriminta Nukliyerka Iiraan isla markaasna ay waayeen tallaabo kale.

    Balse waxay dalalka ku rajo weyn yihiin in kala aragti duwanaanshaha ku aadan heshiiska lagu xalin karo qaab farsamo oo wanaagsan balse haddii ay taasi guuldareysato in dalalka reer Yurub ay cunaqabateyn kusoo rogi karaan Iiraan.

    Arrintan ayaa imaaneysa xilli Iiraan ay sheegtay inay hakineyso fulitaanka heshiiska Nukliyerka taas oo ay jawaab uga dhigeyso cunaqabateynta uu kusoo rogay Mareykanka.

  20. Dad Youtube isticmaalo oo loo heysto xuquuqda sawirkan

    Sawirkan ayaa kamid ah muuqaallada loo heysto
    Image caption: Sawirkan ayaa kamid ah muuqaallada loo heysto

    Labo qof oo kamid ah dadka muuqaalada geliyo barta Youtube ayaa loo heystaa xuquuqda muuqaallo ay geliyeen bartooda Youtube-ga.

    Shakhsiyaadkan ayaa lagu amray inay bixiyaan ilaa 6,000 oo doolar ama in hawada laga saari doono bartooda.

    Baraha kala ah MxR iyo Potastic Panda waxay ku caan baxeen inay soo bandhigaan muuqaallo kala duwan oo khuseeyo dhacdooyinka marka taagan.

    Waxaana lagu heystaa inay jebiyeen xuquuqda lahaanshaha muuqaallada iyo sawirrada.

    Waxaana loogu hajabay in hawada laga saari doono tan iyo inta ay ka bixinayaan lacagta ganaaxa ah.