Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. War deg deg ahKenya oo xaqiijisay dad hor leh oo ku dhacay Coronavirus

    Kenya waxay xaqiijisay 22 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaas.

    Waxay guud ahaan tirada kiisaska cudurka Corona ee Kenya ay gaarayaan 81 qof

  2. Somaliland oo cafis u fidisay in ka badan 500 maxaabiis

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
    Image caption: Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa cafis u fidisay 574 qof uu xiran dambiyada fudud, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

    Maxaabiistan ayaa laga sii deynaya xabsiyada Somaliland laga bilaabo maanta.

    "In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus" ayaa lagu sheegay wareegtada.

    Ha'yadaha xuquuqul insaanka ayaa dhawaan kula taliyay madaxweynaha Somaliland inuu xabsiyada kasii daayo maxaabiista loo heysto inay galeen dambiyada fudud si looga hortaggo feyraska Corona.

    Shaley ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ay xaqiijisay in labo kiis oo coronavirus ah laga helay gudaha Somaliland.

  3. Natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

    Cali Saciid Fiqi
    Image caption: Cali Saciid Fiqi

    Waxaa lagu dhawaaqay in Cali Saciid Fiqi uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii uu ku guuleystay codad gaarayo 83 cod .

    Halka murrashaxii la tartamayay Maxamad Cabdiraxiim Nuur uu helay 2 cod halka ay halaabeen codad gaaraya 8.

  4. Tirinta codadka doorashada guddoonka baarlaamanka K/Galbeed oo socota

    Waxaa bilaabatay tirinta codadka doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in sacaadaha nagu soo aadan lagu dhawaaqo natiijada.

  5. Coronavirus: Islaamka iyo aafada Covid-19: Sidee loo aasayaa qofkii dhinta?

    .

    Tan iyo intii aafada Coronavirus ku habsatay dunida ee dadka tirada badan ugu dhinteen cudurkan, dunida daafaheeda, waxa fududaatay hadal haynta arrin ay dadku, si kasta oo ay u kala diin iyo dhaqan duwanyihiin ba, ka gaabsan jireen oo aanay jeclayn soo hadal qaadkeeda.

    Waa geerida iyo aaska dadka dhinta oo aadamuhu ka simanyihiin cabsida ay ka qabaan, soo hadal qaadkoodana ay u yaqaanaan saad baas.

    Way ka fursan weyday oo waxa qasab noqotay in qoomiyad kastaa ka fikirto oo ka dooddo sida ugu haboon ee qofkii u dhinta fayraska halista ah ee Covid-19, aaskiisa loo waafajin karo diinta bulshadaasi haysato iyo hab dhaqankeeda tacsida loo dhigo iyo baroor diiq wadareedka dhaqamada qaarkood u gaarka ah.

    Halkan ka akhri faahfaahinta:

  6. Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo bilaabatay

    Waxaa si rasmi ah u bilaabatay doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanada ayaa haatan codeynaya.

    Waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka u tartamaya xilldhibaan Cali Saciid Fiqi iyo xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

    .
  7. Coronavirus: Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

    Nuur Cade- ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
    Image caption: Nuur Cade- ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa u xaqiijiyay BBC-da.

    Maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Britain.

    Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayay, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra'isulwasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo .

    Waxaa uu Ra'iisul Wasaare ahaa tan iso 2009-kii, Nuur Cadde inta aanu noqon Ra'siulwasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

  8. Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay bilaabato

    Doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed

    Waxaa socotaa qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas ku sugan xildhibaanadii dooran lahaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

    Waxaana gordhaw lagu wadaa inay bilaabato codeynta.

    Doorashada guddoomiyaha waxaa ku kala tartamaya Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

  9. Somaliland oo laga helay kiisas coronavirus ah

    .

    Wasaaradda Caafimaadka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa goor dhaweyd xaqiijisay in labo kiis oo coronavirus ah laga helay gudaha Somaliland.

    Labada qof ee laga helay cudurka loo bixiyay Covid-19 ayaa midi yahay qof Soomaali ah oo magaalada Burco jooga, halka ka kalena yahay nin u dhashay Shiinaha ah oo Berbera jooga.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Muqdisho uga xaqiijisay 3 kiis oo kale.

  10. Intee ayay qaadan kartaa in la helo tallaalka fayraska Corona?

    Video content

    Video caption: Dadka waxay is wedinayaan waqtiga uu qaadan karo in tallaal loo helo Coronavirus.
  11. Sida ugu fudud ee aad ku ogaan karto in aad qabto cudurka Coronavirus

    Video content

    Video caption: Sida ugu fudud ee aad ku ogaan karto in aad qabto CoronaVirus
  12. Xiisad ka taagan duleedka Kismaayo

    Magaalada Kismaayo
    Image caption: Magaalada Kismaayo

    Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen miliishiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

    Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso maydadka dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay aaggaasi kuwaas oo yaalla halkii dirirtu ka dhacday sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah culimada magaalada ee wadahadallada ku lugta leh.

    Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso maydadka dadkii ku dhintay dagaaladii shalay ayaa haddana waxa dhinaca kale socda is urursi ay sameynayaan kooxaha dagaalka ku lugta leh.

    Dagaallada u dhexeeya miliishiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

  13. Tanzania oo xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee u dhintay cudurka Covid-19

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee uu dhintay cudurka Covid-19 ee ku dhaca neefmareenka kaas oo sababa feyraska.

    Qofka cudurka u dhintay wuxuu u dhashay Tanzania, waxaa uu qabay xannuuno kale.

    Tanzania waxay xaqiijisay 18 qof oo uu ku dhacay coronavirus halka hal qofna uu ka kacay.

  14. Madaxweyne hore oo Afrikaan ah oo u dhintay Coronavirus

    Joachim Yhombi-Opango (Bidix) wuxuu u cararay Faransiiska sannadkii 1997
    Image caption: Joachim Yhombi-Opango (Bidix) wuxuu u cararay Faransiiska sannadkii 1997

    Madaxweynihii hore ee Congo, Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku dhintay magaalada Paris kaddib markii uu ku dhacay cudurka Corona.

    Waxaa uu jiray 81, qoyskiisa waxay sheegeen inuu xanuunsaday markii uu ku dhacay feyraska Corona.

    Mr Yhombi-Opango wuxuu Congo ka talinayay sannadkii 1777-dii ilaa 1979-kii, xilliggaas oo xukunka ka tuuray madaxweynaha haatan xilka hayo ee Congo Denis Sassou Nguesso.

    Sannado badan ayuu xirnaa, wuxuu noqday ra'iisul wasaare tan iyo sannadkii 1997-dii oo uu dalkaas ka qarxay dagaallo sokeeye.

    Wuxuu u cararay dalka Faransiiska ka hor ina uusan kusoo laaban dalkiisa halkaas muddo 10 sanno ah uu dibad joog ahaa.

  15. Madaxda IGAD oo shir ay muuqaal ku galeen uga hadlay Covid-19

    Madaxda IGAD ee shirka deg deg ah yeeshay
    Image caption: Madaxda IGAD ee shirka deg deg ah yeeshay

    Madaxda ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta shir muuqaal ah oo toos ah kaga hadlay cudurka Coronavirus ee saameeyay dalal ka tirsan gobolka.

    Waxayna ka wada hadleen dadaallada looga hortaggayo cudurka Covid-19.

    Madaxda ka qeybgashay shirka waxaa kamid ah, Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamdook, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweyne ku-xigeenka South Sudan, Riek Machar iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shirka
    Image caption: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shirka
  16. Somaliland oo karantiishay dad looga shakiyay Coronavirus

    Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici
    Image caption: Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in ay ka war sugayaan xukuumadda Jabuuti si loo xaqiijiyo dadka ay sheegeen inay xadka ka tallaabeen oo ay qabaan cudurka Coronavirus.

    Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa intaasi ku daray in ay hayaan dad ay cudurkaasi uga shakiyeen oo ay ka qaadeen baaritaan kaas oo natiijadiisa la sugaayo.

    Cabdiraxmaan Saylici oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Coronovirus ayaa ka dhawaajiyay in dadkaas la karantiilay ay gaarayaan 6 qof.

  17. War deg deg ahTirada kiisaska cudurka Corona ee Kenya oo kordhay

    Kenya waxay xaqiijisay 8 qof kale oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas,Mutahi Kagwe.

    ilaa iyo hadda waxay Kenya xaqiijisay 50 kiis oo cudurka Corona ah.

    Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay inay u muuqato in cudurka uu ku faafayo gudaha dalkaas.

  18. Nin looga shakiyay in 40,000 qof uu qaadsiiyay Coronavirus oo dhintay

    Gobolka Punjab wuxuu xaqiijiyay 30 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona
    Image caption: Gobolka Punjab wuxuu xaqiijiyay 30 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona

    Mas'uuliyiinta ku sugan gobolka Punjab ee dalka Hindiya ayaa karantiilay 40,000 qof oo ka kala soo jeedo ilaa 20 tuulo kaddib markii lala xiriiriyay inuu cudurka qaadsiiyay waddaad u dhashay dalkaas.

    Waxaana arrintan la ogaaday markii uu geeriyooday waddaadka 70 jirka ah.

    Waddaadkan ayaa iska dhaga tiray inuu si iskiis ah isu karantiilo kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka, sida saraakiil ku sugan dalkaas ay BBC u sheegeen.

    Ninkan oo magaciisu lagu sheegay Baldev Singh ayaa wuxuu booqday munaasabad diimeed ay lahaayeen bulshada Sikha ee dalkaas ka hor inta uusan geeriyoon waddaadka.

    Munaasabadda oo lix maalmood socotay waxaa maalin kasta ka qeyb galayay 10,000 qof.

    Toddobaad uun kaddib markii uu geeriyooday waddaadka, 19 kamid ah qoyskiisa ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

    "ilaa iyo hadda, waxaa inoo suurogashay in aan soo qabanno 550 qof oo la kulmay ninkan, waxaana sare u kacaya tirada dadkaas, waxaan xirnay tuulooyinka ku hareereysan meelihii uu booqday" waxaa sidaas BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan gobolkaas.

    Hindiya waxay xaqiijisay 640 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona, 30 kamid dadkaas waxay ku nool yihiin gobolka Punjab.

  19. Sucuudiga oo sii deynaya maxaabiis

    Libya waxay xaqiijisay 8 qof oo uu ku dhacay coronavirus
    Image caption: Libya waxay xaqiijisay 8 qof oo uu ku dhacay coronavirus

    Sacuudi Carabiya waxay amar ku bixisay in xabsiyada laga sii daayo 250 qof oo loo heysto inay galeen dambiyo fudud.

    Waxaa sidoo kale tallaabo noocan ah ku dhawaqaay dalalka Baxreyn, Masar iyo Suuriya, Iiraan waxay sidoo kale sii deysay maxaabiis si looga hortaggo cudurka Corona, inkasta oo ay jiraan maxaabiis baxsatay.

    Liibiya ayaa kamid noqotay dalalka shaaca ka qaaday sii deynta maxaabiista si looga hortaggo in cudurka uu ku faafo dalkaas.

    Dowladda uu caalamka ictiraafsan yahay ee Libiya ayaa amar ku bixisay sii deynta in ka badan 400 maxbuus.

  20. Coronavirus: Diyaarad dusha kala socotay banddowga Suudaan oo lasoo riday

    Khartuum waxaa lagu soo rogay banddow
    Image caption: Khartuum waxaa lagu soo rogay banddow

    Ciidammada ilaalada madaxtooyada Suudaan ayaa soo riday mid kamid ah diyaaradaha aanan cidna wadin taas oo la sheegay inay dusha kala socotay banddow lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay wargeyska Al-Saxya.

    Ciidammada ayaa soo riday diyaaradda xilli ay Jimcihii mareysay hawada guriga uu deganyahay madaxweynaha Suudaan, Janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan, sida uu wargeyska sheegay.

    ilo xog-ogaal ah ayaa wargeyska u sheegay in diyaaradda Drones-ka ay lahaayeen ciidammada amniga ee Suudaan taas oo waday howgal ay dusha kala soconeyso banddowga lagu rogay dalka Suudaan Isniintii lasoo dhaafay balse ay u gudubtay marin khaldan.