Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Coronavirus: Dareenka shacabka Muqdisho ay ka muujiyeen in guryaha la joogo

    Video content

    Video caption: Dareenka shacabka Muqdisho ee ku aadan in guryaha la joogo si looga hortaggo Coronavirus
  2. Qaabka loo aasayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Cadde

    Magaalada London waxaa maanta lagu aasaya Ra'iisul Wasaarihii ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo dhawaan cudurka Coronavirus ugu dhintay isbitaal ku yaalla magaalada London.

    Iyadoo laga taxadarayo faafitaanka xanuunka dowlada Ingiriiska waxay xaddiday tirada dadka ka qaybgalaya aaska. Shacni Nuur Cadde oo ah gabadh uu marxuumka dhalay ayaan ka wareysanay , waxay u warrantay weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Catoosh.

    Video content

    Video caption: Sida loo aasaya Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Cadde
  3. Dal karantiilay dhammaan wasiiradiisa iyo xildhibaanadiisa

    Botswana waxaa lagu soo rogay xayiraad soconeysa muddo 21 maalmood ah
    Image caption: Botswana waxaa lagu soo rogay xayiraad soconeysa muddo 21 maalmood ah

    Botswana ayaa muddo 14 cisho ah karantiishay dhammaan 57 xildhibaan kaddib markii kalkaaliye ka howlgalayay baarlamaanka dalkaas laga helay cudurka Covid-19 ee uu sababo feyraska Corona.

    Waxaa go'aanka karantiilka qasabka ah ee la geliyay xildhibaanada ku dhawaaqay agaasimaha caafimaadka ee dalkaas, sida laga soo xigtay qoraal ay dowladda soo dhigtay barta Twitter-ka.

    Bostwana waxay Khamiistii xaqiijisay 7 qof oo uu ku dhacay Coronavirus, waxaan kamid ah shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarunta baarlamaanka ee dalkaas, waxay xilliggaas lahaayeen kalfadhi.

    Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa ka qeybgalay kalfadhiga ay xildhibaanada lahaayeen, waxaana dalkaas looga dhawaaqay xaalad deg deg ah muddo lix bilood ah.

    Botswana waxay haatan xaqiijisay ilaa 13 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.

    Waxaana dalkaas lagu soo rogay xayiraad soconayo muddo 28 maalmood ah si looga hortaggo Covid-19.

  4. Yoweri Museveni oo gurigiisa ku jimicsanaya

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa baahiyay muuqaal muujinayo isaga uu gurigiisa jimicsi ku sameynayo si uu ugu dhiirogeliyo muwaadiniinta dalkaas inay guryahooga joogaan si looga hortaggo cudurka Coronavirus.

    Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa la arkayay isaga oo kabo la'aan ah xilli loo tirinayay jimicsiga u sameynayay.

    Arbacadii Museveni waxaa la mamnuucay in jimicsi lagu sameeyo goobaha ay dadka ku kulmaan kaddib markii baraha bulshada lasoo geliyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya dad koox koox ah oo jimicsi ku sameynayo gudaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

    Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Museveni uu shaaca ka qaaday in uu is caateeyay si uu diiradda caafimaadkiisa.

    Bishii January wuxuu Museveni lugeeyay ilaa 200 Kiiloomitar, wuxuuna maray deegaanka Luweero triangle halkaas oo fariisin u aheyd dagaalkii uu awoodda kula wareegay.

    Uganda waxay xaqiijisay 53 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.

    View more on twitter
  5. Mid kamid ah waaliddiinta gabdhihii lagu kufsaday Afgooye oo ka warrantay xaaladdooda

    Horraantii waxaa kufsi loogu gaystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose labo gabdhood oo oo da'doodu tahay afar jir iyo sadex jir .

    Dhacdadaan ayaana argagax ku riday waalidiinta dhalay carruurtan kufsiga loo gaystay iyo bulshadii la kulantay iyadoo si kale baraha bulshada aad loog hadal hayay dhcdaan foosha xun.

    "Hadda wey iska fiican yihiin marka ilmaha habeen 12-saac ayaan waaynay..labo saac marka ay aheyd iyagoo meesha yaalla aan soo aragnay meesha ay diyaaradda ku dageysay Afgooye" sidaas waxaa yiri mid kamid ah waaliddiinta gabdhaha.

    Talaadadii wasiirka Wasaaradda Haweenka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Fa'za Shariif Nuur ayaa BBC-da u sheegtay inay jiraan dad loo soo qabtay falkaas, halka kuwo kalena wali lagu raad joogo.

    "Arrintaas, ka maamul ahaan, ka hooyo ahaan, ka gabar ahaan aad baan uga xumahay. Waxaan hadda ku jirnaa sidii dhammaan dadka ku lugta leh falkaas lagu soo qaban lahaa laguna horkeeni lahaa sharciga. Baaritaan badan ayaa socda, dadna waa lasoo qabtay, marka wixii faahfaahin ahna laamaha amniga ayaa soo bandhigi doona", ayey tiri.

    Haddaba shan maalmood kadib waa side xaalka labada gabdhood, Bella Sheegow oo la hadashay mid ka mid ah waalidiinta dhalay labadan gabdhood ayaa warbaxintaan inooga soo dirtay magaalda muqdisho.

    Video content

    Video caption: Waa sidee xaaladda gabdhihii lagu kufsaday Afgooye?
  6. Xaaladda Soomaalida ku sugan magaaladii uu Corona ka soo billowday ee Wuhan

    Markii uu magaalada Wuhan ka bilaabmay cudurka ayaa waxaa markii dowladda Shiinaha joojisay dhaqdhaqaaqa shacabka, balse markii uu cudurka soo ritay dad badan ayaa waxay dowladda ku soo rogtay magaaladaasi xayiraad guud.

    Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha iyo guud ahaan dalkaasi waxaa ku sugan Dad Soomali ah oo intooda badan halkaasi Jaamacado ka dhigta.

    Cabdi Casiis Fatxi Cali waxa uu ka mid yahay ardeyda dhigata jaamacadda magaalada Hankou ee ku talla magaalada wuhan waxaa uuna BBC uga waramay sida ay xaaladdu tahay.

    Waxaa uu sheegay Cabdi casiis in xaladdii ay dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku jirtay magaalada Wuhan ay wax badan imika iska baddaleen.

    Halkan ka akhri faahfaahinta;

  7. Coronavirus: Jaamacadda PSU Garowe oo soo saartay walxo jeermiska la iskaga nadiifiyo

    Video content

    Video caption: Jaamacadda PSU ee Garowe
  8. Cumar Filish: Dad badan ayaa Coronavirus ugu ildaran gudaha Muqdisho

    Guddoomiyaha gobolka ayaa hadalkan sheegay xilli uu saaka dhagax dhigayay waddada Janaraal Daa'uud oo burbursaneyd
    Image caption: Guddoomiyaha gobolka ayaa hadalkan sheegay xilli uu saaka dhagax dhigayay waddada Janaraal Daa'uud oo burbursaneyd

    Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in cudurka coronavirus ay dad badan ugu ildaran yihiin gudaha magaalada caasimadda ah, halka qaar kalana ay u dhinteen kuwaas oo qaarkood uu isaga laf ahaantiisa yaqaan.

    "Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku in aanay ka warqabin cudurkaas waa soo gaaray dad badan ayaa u ildaran qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo...qaar aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay oo qaarna la aasay qaarna aan hadda weli la aasin arrintaas marka waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo" ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

    Cumar Filish, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay halis weyn oo ah in dadka magaalada ay ka feejignaadaan oo ay qaataan tallooyinka caafimaad guryahoodana ay joogaan.

    Walwal iyo walaaca ayaa ku sii kordhay dadka ku nool magaalada Muqdisho kaddib markii cudurka coronavirus uu isbitaal magaaladaas ku yaal ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya cudurkaas ugu dhinta.

    Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay 12 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.

  9. Coronavirus: Bangiga Adduunka oo ka digay in uu hoos u dhici doono dhaqaalaha dalalka ka hoseeyo saxaraha Afrika

    Bangiga Adduunka wuxuu sheegay in cudurkan safmarka ah uu saameyn ku yeelanayo dhaqaalaha qaaradda Afrika
    Image caption: Bangiga Adduunka wuxuu sheegay in cudurkan safmarka ah uu saameyn ku yeelanayo dhaqaalaha qaaradda Afrika

    Bangiga Adduunka ayaa saadaalinaya in dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ay markii ugu horreysay muddo rubuc qarni geli doonaan dhaqaale-kuduudsi, xilli cudurka Covid-19 uu ragaadiyay dhaqaalaha caalamka.

    Baanka ayaa sheegay in dhaqaalaha gobolkaasi uu sanadkan hoos u dhici karo ilaa (-5.1%). Cudurkan safmarka ah ayaa saameeyay 52 dal oo Afrika ku yaal, waxaana ilaa hadda qaaradda ugu dhintay 558 qof.

    Afrika ayaa kamid ah meelaha ugu dambeeyay ee uu gaaray cudurka Covid-19, jawaabta ay dalalka bixiyeenna waxa ay ahayd mid degdeg ah, xuduudaha oo ay xirteen, bandow iyo karantiilka dadka usoo safray.

    Durbadiiba waxaa hakad galay ganacsiga qaaradda. Bangiga Adduunka ayaa sheegay in helitaanka wax-soo-saarka beeraha oo yaraaday, alaabaha kala duwan oo sidii hore aan dalalka u gaarin iyo shaqo la’aan baahsan ay dhalin karaan cunno yari soo foodsaarka qaaradda.

    Saameynta ugu badan ayaa waxa ay gaartay dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Afrika. Nigeria iyo Angola waxaa la degay suuq xumida shidaalka, halka uu yaraaday dakhliga macdanta ka soo gala dalka Koonfur Afrika.

    Waxaa xirmay wax-soo-saarka beeraha ee ay dalalka Itoobiya iyo Kenya u dhoofiyaan dibedda, halka ay joogsadeen dhaqaalaha dalalkaasi ka soo gala dalxiiska, maalgashiga tooska ah iyo lacagaha dibedda laga soo diro.

    Waxaa xaaladda uga sii daray caqabadaha kale ee ay kamidka yihiin ayaxa ku degay qeybo kamid ah Bariga iyo Bartamaha Afrika, abaarta saameysay Koonfurta Afrika iyo coladaaha hareeyay dalal dhawr ah.

    Bangiga Adduunka ayaa ku taliyay in la hakiyo bixinta deymaha lagu leeyahay waddamada Afrika, si dalalkaasi ay u helaan dhaqaalo ku dhaw 80 bilyan oo dollar oo ay wax uga qabtaan xaaladda hadda taagan.

    Waxa ay sidoo kale ugu baaqday qaaradda inay ka baaraandegto sidii ay lacag kaash ah, cunno iyo adeegyada asaasiga ah u siin lahayd dadkeeda ugu saboolsan.

  10. Madaxa ha'yadda WHO oo ku baaqay in aanan la siyaasadeyn la dagaallanka Covid-19

    Tedros Adhanom Ghebreyesus
    Image caption: Tedros Adhanom Ghebreyesus

    Madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagu la jiro cudurka Coronavirus xilli ha'yadda uu madaxa ka yahay ay dhaleeceen kala kulantay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu ku baaqay in aanan wax siyaasad ah la gelin dadaallada looga hortaggayo cudurka Covid-19 isla markaana arrintaas lasoo afjaro.

    Trump wuxuu sheegay inuu joojin doono maaligelintii uu Mareykanka siin jiray ha'yadda.

    Wuxuu ku eedeeyay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka inay u shaqeyso Shiinaha.

    Dr Tedros wuxuu beeniyay hadallada uu jeediyay Trump isla markaana sheegay in dal kasta ay u adeegaan xilli dunida ay la dagaallameyso cudurka Covid-19.

  11. Hogaamiyeyaal Afrikaan oo difaacay ha'yadda WHO iyo ninka madaxda ka ah

    .

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku tilmaamay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka iyo ninka madaxda ka ah Tedros Adhanom Ghebreyesus inay qabteen howl weyn kaddib markii ay dhaleeceen uga timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ay u shaqeyso Shiinaha isla markaana uu si weyn u maalgeliyo Mareykanka.

    Trump wuxuu ku hanjabay inuu joojin doono maalgelintii ay ku bixin jireen Ha'yadda Caafimaadka Adduunka.

    Mar sii horreysay, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat , madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame iyo madaxweynaha Namibia Hage Geingob waxay difaaceen madaxa ha'yadda WHO.

  12. Ku dhawaad 1.5 malyan oo qof uu ku dhacay Coronavirus

    Guud ahaan dunida, wuxuu cudurka Corona ku dhacay ku dhawaad 1.5 malyan oo qof.

    Halkan waxaa idiin kuugu soo gudbineynaa dalalka ugu badan ee xaqiijiyay kiisaska Coronavirus.

    Mareykanka wuxuu ku dhacay 432,132 qof

    Spain 148,220 kiisas

    Talyaaniga 139,422 kiisas

    Jarmalka 113,296 kiisas

    Faransiiska 83,080 kiisas

    Shiinaha 82, 867 kiisas

    Iiran 64,586

    UK 61,474

    Turkiga 38,226

    Belgium 23,403

    Halka ku dhawaad 330,000 qof oo ku dhacay cudurka ay ka badbaadeen, halka in ka badan 88,500 qof ay u dhinteen Covid-19.

  13. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .