Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Somaliland oo amar ku bixisay in masaajidyada la xiro

    Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay inay soo rogayso ammaro cusub oo looga hortagayo faafidda cudurka COVID-19, kadib markii ay maanta soo baxday in saddex kiis oo cusub lagu arkay dad kala jooga Hargeysa iyo Boorama.

    Wasiirka caafimaadka ee Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi, ayaa BBC-da u sheegay in cudurka laga helay 3 qof ooh or leh, waxaana markaas tirada guud ee dadka Somaliland looga helay coronavirus ay noqonayaan 5 ruux.

    Tallaabooyinka loo qaaday si loo yareeyo fiditaanka xanuunkan, waxaa ka mid ah in la xiro masaajidyada.

    “Qodobbada lasoo saaray waxaa ka mid ah in dadka la amray inay ka maqnaadaan masaajiddada muddo 4 isbuuc ah oo ka billaabaneysa 15-ka bishan, oo qofku uu gurigiisa isaga tukado si loo yareeyo faafidda cudurka,” ayuu yiri wasiirka.

    Waxyaabaha kale ee la mamnuucay waxaa ka mid ah goobaha la isugu imaado. Makhaayadaha cuntada ayaa loo oggolaan doonaa oo kaliya in dadku ay raashinka ka qaataan oo aysan ku dhex cunin.

    .
  2. Coronavirus: Maxay tahay sababta ay Spain u khafiifinayso bandowga?

    .

    Spain oo ka mid ah dalalka uu aadka u saameeyay xanuunka Covid-19 ayaa haatan bilowday iney khafiifiso tallaaboyinka xayiraadihii lagu soo rogay dalkaasi, kuwaasi oo dhaqaaleheeda la dagay.

    Shaqaalaha ka hawlgala warshadaha iyo dhismooyinka ayaa loo ogolaaday iney dib ugu laabtan shaqada balse waa iney si adag u raacaan tallooyinka bad-qabka.

    Hase yeeshee bulshada inteeda kale ayaa ku sii jiri dooona guryaha ilaa amar dambe.

    Ku dhawaad 17,500 ayaa fayraska ugu dhimatay dalkaasi Spain, balse waxaa hoos u dhacday tirada dadka u dhimanaya xanuunkan.

    Talyaaniga oo ah dalka ugu daran yurub marka laga hadlayo saamaynta xanuunka Corona, kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 19,900 oo qof ayaa isagana loo ogolaan doonaa in qaar ka mid ah shirkadda dalkaasi ay shaqadooda dib u bilaabaan maalinta Talaadada ah.

    Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi Spain ayaa sheegay in tirada maalin laha ah ee dhimashada dalkiisa ay hoos u yara dhacday, iyadoo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 517 oo dhimasha ah, Axaddina ay tirada dhimashada ahayd 619 oo kiis.

  3. Qisada jacaylka casriga ah ee Qays iyo Layla

    .

    Lammaane u dhashay dalka Talyaaniga ayaa jacayl isku qaaday intii xayiraadda lagu soo rogay maagalada Verona.

    Lammaanahan ayaa isku qaaday jacayl kaddib markii ay iska arkeen balkoonada xaafadda ay ku noolyihiin.

    Michele D’Alpaos, oo 38 sano jir ah , iyo Paola Agnelli, 39 sano jir ah ayaa maalin walba soo wada fadhiisan jiray balkoonka si ay hees u wada dhagaystaan.

    “Waxaaan soo fadhiistay balkoonka si aan u ilaaliyo walaashay balse waxaan xaqiiqsaday in qof kale oo dariska ah uu taaganyahay balkoonka nagu xiga waxaan isweydiiyey, “Ala muxuu qurux badanyahay”.

    “Markii ay heesta dhamaatay waxaan fariin ugu diray barta Instagram. Intii aan ku jirnay xayiraadda waxaan awooday inaan buug jacayl ah qoro xilliga lagu jira Coronavirus.”

    “Wixii habeenkaas ka bilawday xirriir ayaan isku soo bandhignay, waxaana ku dadaalnay sidii aan jacaylkeena ku hormarin lahayn.”

  4. Tirada Coronavirus ee Soomaaliya

    107 Tirada dadka baaritaanada lagu sameeyey Soomaaliya

    20 Tirada dadka la karantiilay

    21 Tirada kiisaska la xaqiijiyey

    2 Tirada dadka u dhintay Coronavirus

    1 Dadka ka soo bugsooday

    14 Xarumaha go’doominta

  5. "Waayahaygii Wuhan iyo go'doonkii coronavirus"

    Video content

    Video caption: "Waayahaygii Wuhan iyo go'doonkii coronavirus"
  6. Maamulka Trump oo lagu eedeeyay inuu iska dhaga tiray talooyinka caafimaadka

    Dr Anthony Fauci, oo ah mid ka mid ah khabiirada caafimaadka ee dalkaasi sidoo kalana ah udub dhexaadka la dagaalanka Coronovisus ee dalka Mareykanka ayaa New York Times u xaqiijiyay wararka sheegaya in maamulka Trump oo iska indha tiray digniinada caafimaadka ee bulshada ku dhawaad muddo bil ah.

    Sida lagu daabacay New York Times Fauci iyo saraakisha caafimaadka ee kale ayaa ku baaqay kala fogaanshaha bulshada bishii Febraayo balse madaxweynaha ayaa gaashaanka u daruuray baaqaas.

    Mar la weydiiyay sababta maamulka Trump uu dhagaha kaga fureystay farriinta Dr Fauci waxa uu CNN u sheegay: '' Sidii aan horay u sheegayba, waxaanu ka eegnaa ku dhaqanka talooyinka caafimaadka marka aan talooyinka jeedinaynayno, inta badan waa la qaataa taloooyinkaasi mararka qaarna lama qaato.''

    Fauchi ayaa sheegay, in haddii uu Mareykanka mar hore soo roogi lahaa bandow, nolol badan la badbaadin lahaa.

    Mareykanka ayaa wuxuu diiwaan geliyay 555,000 oo kiis, halka dhimashaduna ay gaadhay 22 kun.

    Trump
  7. Rajo laga qabo helidda tallaalka fayraska Corona?

    Talaal loogu talagalay la dagaalanka Coronavirus ayaa lagu wadaa inuu diyaar noqdo bisha Sebteembar sida laga soo xigatay barafasoor ka howlgasha Jaamacadda Oxoford.

    Professor Sarah Gilbert ayaa BBC-da u sheegatay in la wado isku dayo lagu sameeynayo talaalka xanuunka Covid-19 loona baahan yahay in si tartiib-tartiib ah loo wado geeddi socodka soo saarista tallaalka.

    ''Waxaanu dooneeynaa inaan ku bilowno soo saarid caddadeedu badan tahay si ay dad badan u qaataan talaalka'', ayay tiri.

    ''Ma ahan arrin cusub in shirkadaha ay soo saaraan tallaal cusub ka hor inta aysan ogaan wax tarkeeda. Ma jirto cid dooneyso in iyadoo haysta tallaal uusan hadana u shaqeynayn''.

    ''Si dhakhsiya waa inaan u bilownaa si aan qiyaas ahaan u helno ilaa bilyan taalaal.''

    Tallaal
  8. Kiisas cusub ee Coronavirus oo laga helay Somaliland

    Wasiirka Caafimadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi

    Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhaqaaqday ee Somaliland ayaa maanta xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo Caabuqa CoronaVirus ah, 2 kamid ah saddexdan kiis ayaa laga helay magaalada Hargeisa, halka qofka kalena yahay magaalada Borama.

    kiisaskan cusub ee la helay ayaa waxay ka mid yihiin natiijada 26 qof oo dhawaan dheecanadooda loo diray shaybaadhada dalka dibadiisa kadib markii looga shakiyay xanuunkan, sidaasina ay maanta wasaaradu ku xaqiijisay in saddexdaasi qof laga helay xanuunka.

    Ddhanka kale wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan laba qof oo cusub oo iyagana looga shakisanyay xanuunka, halka labadii qof ee hore caabuqa looga helay ay iyagana xaaladoodu meel fiican marayso.

    Tirada guud ee dadka ilaa hada laga helay coronovirus Somaliland ayaa noqonaysa 5 qof, marka loo geeyo laba qof oo iyaga hore looga helay xanuunkan.

  9. 87 sano jir xiddig ku noqday fariimo uu ku shaaciyey baraha bulshada

    .

    Muddo ka yar saddex bilood, 87 sano jirkaN ah ayaa helay taageero aad u badan kaddib markii uu muuqaaladiisa ku baahiyey barta TikTok.

    Dadka ugu badan ee ku taxan barta TikTok ayaa ah kuwa da’yar.

    Muuqaalada uu ku baahiyey barta TikTok ayaa waxay dhiirageliyeen dad badan oo karantiil ku jiray.

    Waxaa hadda bartiisa ku taxan dad gaaraya 1.5 milyan.

  10. Shiinaha oo ka cabsanayo in Coronavirus dibadda kaga yimaado

    .

    Shiinaha ayaa diiradda saarayo kiisaska cusub ee dibadda kaga imaanaya.

    Waxay aaminsanyihiin in dadka dibadda ka imaanaya ay fayraska dib ugu soocelinayaan dalka.

    Muddo bilooyin ah haatan, subax walba abbaaraha 03:00, saraakiisha Shiinaha ayaa isku soo ururiya xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan faafitaanka fayraska, si ay dunida ula wadagaan. ilaa iyo 7-dii April, waxay diwaan-gelisay 81,740 kiisas iyo 3,331 dhimasho.

    Dalkaas oo ah halka uu ka soo bilowday fayraska ayaa ammaan ku muteystay sida uu wax uga qabtay xasaradda. Agaasimaha Guud ee Hay`adda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku ammaanay Shiinaha sida dardarta leh ee ay wax uga qabatay xanuunka.

    Balse iyadoo ay jiraan erayadaas diirran ee ka soo baxay WHO, waxaa shaki laga muujinayaa xogta rasmiga ah iyo sheegashada guulaha ku aaddan in Shiinaha uu ka gaaray xakameynta fayraska.

    Toddobaadkii la soo dhaafay, wasiir sare oo ka tirsan dowladda Britain, Michael Gove ayaa BBC-da u sheegay "Qaar ka mid ah wararka ka soo baxaya Shiinaha ma caddeynayaan baaxadda, dabeecadda iyo faafitaanka fayraska".

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale toddobaadkii hore sheegay in tirada khasaaraha dhimashada iyo kiisaska xanuunka ee Shiinaha ay u muuqdaan kuw aan laga run sheegin.

  11. Tallooyin iyo tusaaloyin ku saabsan hasaawaha xilliga karantiilka Coronavirus

    Video content

    Video caption: Tallooyin iyo tusaaloyin ku saabsan hasaawaha xilliga karantiilka Coronavirus