Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. War deg deg ahKiisaska coronavirus ee Jabuuti oo gaaray 732

    .

    Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 141 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

    Waxa jira walaac Ku adaan cudurkan tiirada guud ee dadka u haayo cudurkan corona ayaa hada ah 732 qof dalka djibouti iyada oo ay kisas cusub oo gobolada ah ay jiraan halka tiirada dhimashada ay wali tahay 2 qof dhanka kale waxa ka bogsaday cudurkan 3 qof tirada dadka caafimaday waa 76 qof guud ahan sida ay Wasaarada sheegtay.

    Iyada oo ay magaalada bando saaran tahay 24 ayaa hadana su'asha dadka aay isweydiinayan ay tahay cudurkan oo aad u sii fafaaya maalinta kasta.

    Iyado oo ay dowladu kordhisay waqtigan Bandowga wadanka iyada oo la gaarsiyay ilaa 28 bishan. Waxa dalka soo gala wali qaadka oo ka yimaada dalka Ethiopia waxa jira in meelaha qaar dadka aay isku soo uruuran waana sababta keeni karta iin cudurkan uu faafo.

  2. Sida uu coronavirus u saameeyay ardeyda Soomaalida ee Mareykanka

    Coronavirus ayaa saameeyay ardeyda Soomaalida ee Mareykanka taas oo sababtay in carruurta loo qeybiyo kumbuutaro, gurigana loogu geeyo cunto.

    Video content

    Video caption: Sida uu coronavirus u saameeyay ardeyda Soomaalida ee Mareykanka
  3. Shirkadda Taleefannada Itoobiya oo sameysay arrin aan horay looga baran

    .

    Shirkadda keli ah ee adeegga isgaarsiinta ka bixisa dalka Itoobiya ‘Ethio Telecom’ ayaa maanta ku dhawaaqday adeegyada ay bixiso iney dib u habeyn iyo qiima dhimis ballaadhan ku sameysay.

    Maareeyaha guud ee shirkadda ‘Ethio Telecom’ Firehiwot Tamiru waxay sheegtay tallaabbada ay shirkaddu qaadday iney uga gol leedahay si ay qayb uga noqoto dagaalka lagula jiro Covid-19.

    Waxayna shirkaddu sheegtay adeeg bixinta cusub iney ugu magac dartay “Guriga Joog fadhigaagana ku hel adeeg hufan”.

    Shirkaddu waxaa kale oo ay sheegtay iney qiima dhimis aad u badan ku sameysay wicitaannada dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, adeegga interneetka iyo farriimaha qoraalka ee la iisu diro si ay shacabka dalkaasi ay u helaan xogta la xiriirta Covid-19 ee dalka.

  4. Dhakhaatiir caafimaad oo ka socda Shiinaha oo Itoobiya soo gaaray

    .

    Kooxda dhakhaatiirta caafimaadka dalka Shiinaha ka socota waxay soo gaareen magaalada Addis Ababa.

    Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Shiinaha ayaa sheegtay dhakhaatiirta iney ka yimaaddeen Sichuan si ay taageera caafimaad ay u siiyaan dalka Itoobiya ee la daalaa dhacaya Coronavirus.

    Kooxda dhakhaatiirta uu Shiinaha u soo diray dalka Itoobiya ayaa noqonaya qaybihi ugu horreeyey ee Afrika soo gaara, wuxuu Shiinaha dhakhaatiir la mid ah uu u diray dalka Brurkinafaso tani iyo marka uu cudurka ka dillaacay qaaradda Afrika.

    “Taageerada waa mid muujineyso midnimada iyo aragtida guud ee ah in la dhiso bulsho bani-aadaminimada ku mideysan sida uu horay u sheegay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in Itoobiya iyo Shiinaha iskaashi istiraatiijiyad ku dhisan uu ka dhaxeeyo” ayaa lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxday dalka Shiinaha.

    Koxda dhakhaatiirta oo ka kooban 12 oo lagu sheegay kooxdi ugu horreysay waxay tababarro iyo talooyin siin doonaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka Itoobiya ee ku howlan xakameynta iyo la dagaallanka Covid-19.

  5. Maxay tahay saameynta ay Afrika ku yeelanayso joojinta maalgelinta WHO ee Mareykanka

    .

    Barnaamijyada ku saabsan cidhibtirka cudurka dabeysha, dagaalka ka dhanka ah HIV iyo duumada ee qaaradda Afrika si weyn ayey u saameyn doontaa haddii go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku joojinayo maalgalinta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu ansaxiyo Congress-ka.

    Madaxa WHO ee Afrika Matshidiso Moeti ayaa ka codsaday Mareykanka inay ka fiirsadaan go'aanka Madaxweyne Trump.

    Mareykanka, oo ahaa kaaliyaha ugu weyn ee WHO, ayaa joojiyey qoondeeyntii hay'adda ee ahayd $ 151m (£ 120m), inta lagu guda jiray labadeeda sano oo maalgelineed.

    Sidaa daraadeed, WHO ayaa horay u heshay $ 50m (£ 40m), laakiin hakinta la soo jeediyay ayaa halis gelineysa howlaha ururka ee qaaradda.

    WHO waxay door muhiim ah ka ciyaartaa kobcinta iyo la socoshada tilmaamaha caafimaad ee ku saleysan caddayn caafimaad ee adduunka oo dhan. Nidaamyada daryeelka caafimaad ee daciifka ah ee Afrika ayaa intabadan ka faa iideysta shaqadan.

    WHO ayaa sidoo kale $ 300m u qoondeysay la dagaallanka coronavirus ee Afrika lixda bilood ee soo socota, halkaas oo ay jiraan in kabadan 18,000 oo kiisas ah oo la hirgeliyey.

  6. Wadaaddada Muslimka ah ee Pakistan oo wacad ku maray iney tukanayaan salaadda Jimcaha

    .

    Qaar ka midah wadaaddada Islaamka ee Pakistan ayaa sheegay inay tukanayaan salaaddii Jimce dalka oo dhan, iyada oo ay jirtay mamnuucid la joojiyey isu imaanshaha dad badan, si looga hor tago fiditaanka Covid-19.

    Toddobaadkan Horraantiisii, koox wadaaddo ah ayaa sheegay in bandawgu uu san qabanaynin masaajidda. Waxa ay sheegeen, in dadka waaweyni ay kula taliyeen in gurigooda ay iskaga tukadaan, masaajidduna ay raacayaan qorshaha kala fogaanshaha bulshada.

    "Xaaladahan hadda jira, shanta salaadood oo ay la socdaan tallaabooyin taxaddar leh, waa muhiim"

    Joojinta Pakistan, ee meelaha la isugu yimaaddo waxa u jirey toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin tiro badan ayaa se diyaar u ah inay u soo baxaan salaadda.

    Ku dhawaad 7,000 oo qof ayaa la ogaaday inay xanuunkan qaadeen, dalka oo dhan, iyadoo la soo diwaangeliyey 120 dhimasho ah illaa hadda.

  7. WHO oo ka digeysa in Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto Covid-19

    .

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digeysa in Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto xanuunka saf-marka ah Covid-19.

    Qaaradda ayaa waxaa sare u sii kacaysay tirada dadka uu soo ridnayay fayraskan toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga xaqiijiyay 17,500 oo kiis iyo 900 oo dhimasha ah.

    Xanuunkan ayaa waxaa horay xuddun u noqday waddamo dhawr ah oo uu kow ka yahay Shiinaha oo ahayd halkii uu ka soo bilowday coronavirus waxaana naftooda ku waayay in ka badan 4,600 oo qof.

    Talyaaniga ayaa xigay oo uu fayraskan ku dul habsaday kaasi oo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan dunida isagoo ay ku dhinteen dad ka badan labaan kun oo qof.

    Kaddibna Spain ayuu fariisimo ka sameystay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof.

    Mareykanka oo ka mid ah dalalka quwadaha sheegta ayuu aad u halakeeyay, halkaas oo ay ku dhniteen tirada ugu badan adduunka ee fayraska. 33,500 ayna kor u dhaaftay dhimashada dalkaasi.

  8. Sannad kaddib ayay dhulka ku soo laabteen balse duni isbadashay ayay la kulmeen

    Bal qiyaas haddii aad dhulka ku soo laabato sannad kaddib, iyadoo xaaladda ay isbadashay.

    Taasi waa xaaladda ay wajahayaan Oleg Skrypochka, Jessica Meir iyo Andrew Morgan oo hawada sare ee caalamiga ah ku maqnaa tan iyo bishii July 2019-kii.

    ‘’Qaab-muuqaalka dhulka waa sidiisii balse way adag tahay in la aaminoisbadallada dhacayay tan iyo markii aan dhaqaaqnay,’’ Meir ayaa sidaasi u yiri muuqaal.

    Saddexda Cirbixyeen waxay meeraha dhulka yimaadeen 05:16 GMT. Skrypochka iyo Meir waxay hawada sare ku maqnaayeen 205 maalmood halka Morgan-nna uu maqnaa 272 maalmood.

    Halkan ka daawo muuqaalkooda markii ay imanayeen:

    View more on twitter
  9. Mayarka Khartuum oo salaadaha jameecada darteed loo eryay

    .

    Raysal wasaaraha dalka Suudan ayaa shaqada ka eryay duqa magaala madaxda dalkaasi Khartuum, kaddib markii uu gaashaanka u daruuray amarka dowladda ee lagu mamnuucay isu imaanshaha goobaha diimaha, taasi oo looga gol-leeyahay ka hortagga faafidda xanuunka Covid-19.

    Janaraal Axmed Abdun Hammad Muxammed ayaa diiday inuu meel mariyo go’aanka lagu mamnuucay salaadaha jameecada ee misaajiddada iyo isu imaanshaha kaniisadaha. Amarkaasi ayaa lagu waday inuu dhaqan-galo Sabtida berri ah.