Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah hannaanka Doorashada Soomaaliya

    Laba isbahaysi oo ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ayaa shalay waxa ay Maxkamadda Sare ee dalka ay geeyeen dacwad ka dhan ah qaabka loo soo xulayo xubnaha labada Aqal.

    Sharcigan ayaa waxaa la meelmariyay bilowgii sanadkan markaas oo xildhibaannada Golaha Shacabka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen. Hasayeeshee xildhibaannada ka soo horseeda ayaa sheegaya inuu hareer marsan yahay qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

    Dadka dooddaas qaba waxaa ka mid ah xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah gudoomiyaha Dallada Hiigsi iyo xisbiga NDP.

    Video content

    Video caption: .
  2. Isuduwaha caafimaadka ee degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo: Tirada dadka dhintay ee muujiyay calaamadaha cudurka korona waa lix qof

    .

    Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa sii kordhaya tirada dadka dhintay iyagoo leh astaamaha Fayraska Korona iyo kuwa u jiifa calaamadaha xanuunkaasi.

    Sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay ayaa la sheegay inay dhinteen lix qof oo markii hore lagu arkay xumad daran, qufac, dhadhanka iyo urta oo ka tagta iyo neefta oo qabata. Beledxaawo malaha shaybaadh lagu ogaan karo haddii xanuunka dadkani u dhinteen uu yahay COVID-19 iyo haddii uu yahay cudur kale balse kooxda caafimaadka ee magaalada ayaa horey Muqdisho ugu diray baaritaannada labo qof oo midkood cudurka laga helay.

    Dhawr iyo toban qof oo kale oo laga qaaday baaritaano la xiriira Fayraska Korona ayaa maanta Xamar loo duuliyay baaritaannadii laga qaaday. Adeega caafimaadka ee magaalada ayaa aad u liita.

    Dadka deegaankuna kuma baraarugsanna khatarta cudurka iyagoo aan dhag jalaq u siin talooyinka caafimaadka ee ka hortaga Xanuunnka COVID-19 Isuduwaha caafimaadka ee degmada Beledxaawo Axmed Caddow ayaa sheegaya inay kordheen dadka leh astaamaha Fayraska Korona maalmihii la soo dhaafay.

    "Tirada la jiifta xanuunka waxay gaarayaan afartameeyo, dadka u dhintay ee muujiyay calaamadihii cudurkana waa dad gaaraya lix qof. Dadka xanuunka u jiifa calaamadaha lagu arkay waxa kamid ah qufac, cunihii oo xanuunaya, qandho daran, urtii oo ka tagta, iyo xanuun ay jirka ka dareemayaan" Ayuu yiri Axmed Caddow.

    Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay guud ahaan Soomaaliya ayaa gaaraysa 1,976 iyadoo tirada u dhimatayna lagu sheegay 78. Illaa hadda waxa cudurka ka bogsaday 348.

  3. Fariin uu Facebook ku qoray nin jooga baadiyaha Kenya oo dood kulul ka dhalisay Maraykanka

    .
    View more on twitter

    Fariin uu barta Facebook ku qoray Alex Ndiritu, oo ka soo jeeda magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa dood kulul dhalisay Maraykanka.

    Alex ayaa muuqaal si toos ah looga baahinayay barta Facebook ku reebay fariin ah in dibaxayaasha ku sugan Maraykanka ay “gubaan aqalka cad ee Maraykanka”.

    Fariintan ayaa hadal hayn ka bilawday baraha bulshada iyada oo muwaadiniinta Maraykanka ay la wadaagayeen FBI-da iyo CIA.

    Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd.

    Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles.

    Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

    Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

    View more on twitter
  4. Dilkii George Floyd: Kummanaan dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay UK

    .

    Kummanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London oo ka caraysan dilkii loo gaystay nin madow oo aan hubaysnayn ee ay boolis ku dileen dalka Maraykanka.

    Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin “caadalad ha loo helo dilkii George Floyd", dilkii uu askari boolis caddaan ah uu u geystay nin madow ah.

    Derek Chauvin, ayaa lagu xukumay dil kaddib markii uu dilay nin madow oo aan hubaynayn, askariga ayaa sidoo kale shaqada laga tiray.

    Xilligii uu socday banaanbaxa booliska ayaa xiray dad gaaraya ilaa shan qof.

    Mudaharaadyada ayaa lagu qabtay fagaaraha Trafalgar ee ku yaala banaanka safaaradda Maraykanka.

    Maraykanka

    Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd.

    Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles.

    Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

    Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

    Magaalada Minneapolis oo ah goobtii ay booliiska ku dileen George Floyd, ayaa waxaa la xiray darawal gaari kuwa xamuulka qaada ah oo gaariga si xawaara ah u waday kuna socday dhanka dibadbaxayaasha.

    Ciidamo ay tiradooda dhan tahay 5000 ayaa loo daadgureyay magaalooyiinka ay dibadbaxyada ak socdaan si ay booliiska gacan u siiyaan.

    .