Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Jabuuti: Guddiga farsamada ee labada dhinac oo howshoodii billaabay maanta

    .

    Waxaa maanta howshoodii billaabay guddiyo farsamo oo ka soo shaqeynaya sii ambaqaadista wahadallada bilowga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Guddiyadan ayaa lagu wadaa inay sii ambaqaadaan wadahallada bilowga ah ee shalay Jabuuti ka furmay.

    Warsaxaafadeed ay shaacisay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka uu u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

    “Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?”

    Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti ayaa waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

    War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.

  2. Hoobiyayaal xalay lagu weerraray saldhigga Amisom ee Balcad iyo madaafiic ay kaga jawaabeen.

    Indhawaallaba waxaa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo qiyaastiina 30 km waqooyi uga beegan caasimadda Muqdisho ku soo laalaabanayay weerrarada Al-Shabaab ay ka gaystaan kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jira naf iyo maalba.

    Xalay oo u dambeysay wuxuu ururkaasi madaafiic ku weerraray saldhiga ciidammada Midowga Afrika ay ku leeyihiin magaaladaasi, ciidamaduna waxay ku jawaabeen madaafiic kale inkastoo illaa hadda aan la soo werin khasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay.

    Dhinaca kale wali waxa socda baaritaanka ciddii ka dambeysay dil wadareed bishii hore dhamaadkeedii duleedka Balcad loogu gaystay 8 dhalinyaro ah oo todobo kamid ah ay ahaayeen shaqaale caafimaad oo ka hawlgalayay tuullada Gololeey.

    Haddaba si aan u helno warrarka la xiriirra Weerrarada Balcad iyo halka uu marayo baaritaanka dilkii dhalinayaradaasi, waxan la hadalnay wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamad Cabdiraxmaan Kheyre, wuxuna u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo marka hore weydiiyay iska hor'imaadkii xalay ka dhacay Balcad.

    Video content

    Video caption: .
  3. In ka badan lixdan qof oo Soomaali ah oo ku xayiran dalka Cumaan

    Wararka ka imaanaya dalka cumaan ayaa sheegaya in in ka badan lixdan oo qof Soomaali ah ay ku xayiranyiihiin dalkaasi kuwaas oo ay aheed in ay halkaa ka soo baxaan oo tagaan dalka Soomaaliya gaarahaana magaalada Boosaaso.

    Qaar ka mid ah dadkaas xayiran oo BBC-da la soo xiriiray ayaa safaaradda Soomaaliya ku leeldahay dalkaasi ku eedayay in ay is hortaagtay safarkoodii Dadkaas ku xaniban cumaan waxaa ka mid ah Muxyadiin Cali Olol oo BBC-da la soo xiriiray waxaana uu u waramaya wariyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayre.

    Video content

    Video caption: .

    Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cummaan Cabdiweli Cali Axmed Jeylaani ayaa beeniyay in safaaraddu joojisay safarka dadkaasi Soomaalida ah ah ee doonayay in ay dib ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya .

    Waxaa sidoo kale safiirku sheegay in arrintaan ay ku lug leeyihiin muqalasiin ajaanib ah .

  4. Basaas Mareykan ah oo Ruushka uu xabsi ku xukumay

    Paul Whelan

    Ruushka ayaa 16 sano oo xarig ah ku xukumay Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka oo ay u haysatay dambi ah inuu basaasi jiray.

    Ninkan oo lagu magacaabo Paul Whelan, ayaa lagu xiray huteel ku yaala Moscow 18 bilood ka hor, kaddib markii lagu helay xog sir ah oo dowladda Ruushka gaar u ahayd.

    Maxkamadda magaalada Moscow ayaa ku heshay dambi ah inuu helay xog aanan la shaacinin.

    Whelan oo sidoo kale haysta sharciyada UK, Canada iyo Ireland ayaa horay u dafiray eedeymahan, wuxuuna sheegay in uusan haynin xog ku saabsan dowladda Ruushka.

  5. Madaxweyne Deni : Marna ma ogolaan doono natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland

    .

    Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta ka furmay Xarunta Golaha Wakiilada maamul-goboleedka Puntland.

    Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid shir ka socda dalka Jabuuti ee dhex maraya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland aysan akhbali doonin natiija walba ee ka soo baxda wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

    “Waxaan cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland oo aysan Puntland qayb ka ahayn. Puntland waxaa Somaliland kala dhexeeyo khilaaf dhuleed taas oo u baahan inaan xal ka gaarno” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf ayaa sidoo kale sheegey in aysan qayb ka ahayn shirkaas aysanna aqbali doonin.

    Hadaladan ayaa ku soo beegmaya xilli Jabuuti uu shalay ka furmay shir dhex maraya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti ayaa waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

    War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.