Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Mid ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee muddada dheer shaqaynayey oo Muqdisho ku geeriyooday

    Magalada Muqdisho waxaa saaka ku geeriyooday allaha u naxariistee danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise dheere) oo ahaa ruug caddaa muddo dheer ka soo shaqaynayey arrimaha diblomaasiyadda.

    Wuxuu muddo dheer Soomaaliya safiir uga soo ahaa dalalaka Carabta, isagoo wakhtiyadii dambena ka mid ahaa la taliyeyaasha wasaaradda arrimaha dibadda ee khibraddoodu tahay xiriirka dalalaka Carabta.

    Taariikhdiisa ayaan goor dhoweyd ka waraysanay danjiraha Soomaaliya u fadhiya South Sudan Xuseen xaaji Axmed oo ay shaqada isku soo gaareen.

    Video content

    Video caption: .
  2. Post update

    Dhoofka Muuska Soomaaliya ayaa aad sare ugu kacay muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana arrintaas weriyaha BBC-da Bidhaan Xaaji uga waramay Dr Ibraahim Dhaqane Cali oo ka tirsan hay'adda Geel oo dowladda Soomaaliya gacan ka siisa hawlaha dhoofka.

    View more on facebook
  3. WhatsApp oo bilaabayso adeeg ay dadka lacagaha isugu diri karaan

    .

    Shirkadda Facebook ayaa shaacisay adeeg cusub oo hab digital ah oo lacagaha la isugu diri karo waxna lagu iibsan karo oo ay ku darayso barteeda WhatsApp.

    Adeeggaan oo lacagaha la isugu diri karo waxna lagu iibsan karo ayaa markii ugu horreysay Brazil laga hirgeliyay.

    WhatsApp ayaa u ogolaanaya dadka isticmaala aaladda inay lacagaha isugu diraan si bilaash ah ayna sidoo kale wax ku iibsadaan.

    Mark Zuckerberg, aasaasaha shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqay in ay dhawaan adeeggaan ku sii fidin doonan dalalka kala ah Hindiya, Indonesia iyo Mexico.

  4. Post update

    Aniisa Xaaji Muumin oo hore wasiir uga ahaan jirtay Puntland ayaa hadda xil sare looga magacaabay dalka Maraykanka.

    View more on facebook
  5. Dagaal dhexmaray ciidamada Shiinaha iyo Hindiya

    .

    Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Hindiya ayaa ku dhimatay dagaal kala dhexeeyay ciidamada Shiinaha ee ku sugan dhulka muranka ka taaganyahay ee Ladakh.

    Sarkaal u hadlay ciidamada Hindiya ayaa sheegay in “ saraakiil ka kala socota laba dhinac ay kulan ka yeelan doonan sidii arrinkan xal loogu heli lahaa”.

    Shiinaha ayaa Hindiya ugu baaqay inaysan qaadin wax tillaaba ah oo sii xumayn karta xiriirka labada dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Shiinaha ayaa sidoo kale Hindiya ku cambaareeyay in xuduuda dalkeeda ay ku soo xad gudbeen ayna halkaas weerar ka gaysteen..

    Weerarkan ayaa imaanaya xilli xiisadda laba dal u dhaxaysa ay sare u sii kacaysay in mudda ahba.

    Hindiya ayaa sidoo kale Shiinaha ku eedeysay in ay kummanaan ciidamo ah u dirtay xuduuda kala dhaxaysa Shiinaha ee Kashmir Ladakh.

  6. War deg deg ahKuuriyada Waqooyi 'oo qarxisay xafiis kaladhaxeeyay' Koonfurta

    Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay qarxisay xafiis kaladhaxeeyay Koonfurta oo ku yaallay meel u dhaw magaalada xadka ku taal ee Kaesong, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

    Tallaabada ayaa waxa ay imaanaysaa saacado uun kaddib markii Waqooyigu uu soo cusboonaysiiyay hanjabaaddiisa ah inuu Koonfurta ka qaadi doono tallaabo milateri.

    Goobta oo ka tirsan dhulka Waqooyiga ayaa waxaa la furay 2018 si ay uga caawiso labada Kuuriya inay xiriir isgaarsiineed yeeshaan. Xafiiskan labada dal ka dhaxeeyay ayaanay cidina joogin tan iyo bishii Janaayo xayiraadaha Covid-19 awadii.

    Kim Jong-un
  7. Ilhaan Cumar aabaheed oo ku geeriyooday Maraykanka

    .

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ayaa shaacisay geerida aabaheed Nuur Cumar Maxamed.

    Fariinta ay baraha bulshada ku shaacisay ayey Ilhan ku cabirtay dareenkeeda ku aadan geerida aabaheed Allaha unaxariiste.

    Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ayaa shaaciyay in Mr Nuur uu u dhintay cudurka corona balse Ilhan Cumar fariinta kuma aysan daray sababta geerida aabaheed.

    View more on twitter

    Xildhibaan Ilhan, oo la doortay sanadka 2018-kii, ayaa ka mid ah labada haween oo Muslim ah oo markii ugu horreeysay loo doortay Congress-ka Mareykanka.