Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Dowladda Soomaaliya: Dowladda Jabuuti ayaa xannibtay Fahad Yaasiin

    Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay xayiraad la sheegay in Jabuuti loogu geystay la taliyaha amniga qaranka Farah Yaasiin.

    Video content

    Video caption: Dowladda Soomaaliya: Dowladda Jabuuti ayaa xannibtay Fahad Yaasiin
  2. War deg deg ahRasaas laga maqlayo xabsiga dhexe ee Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in rasaas xooggan laga maqlayo gudaha xabsiga dhexe ee magaaladaas.

    Dad ku sugan agagaarka xabsiga ayaa BBC u sheegay in dhawaaqa rasaasta ka dhaceysa gudaha xabsiga ay maqleen halka mararkood ay maqlayeen qaraxyo.

    Ilaa hadda ma cadda waxa ka socda gudaha xabsiga.

  3. Maxay ka dhigan tahay in waxbarashada Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Maamulka Gobolkaasi?

    Wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa nidaamka maamulka waxbarashada ee gobolka banaadir ku wareejisay maamulka gobolka banaadir.

    Arrintan ayaa daba socota is-afgarad dhex maray labada dhinac, iyada oo ujeedka u weynina yahay maamul daadejin. Nidaamka federaalka ee ka jira Soomaaliya ayaa ay dhacday in dhawr jeer ay muranno ka dhashaaan waxbarashada, gaar ahaan habmaamulkeeda dawladda dhexe iyo iyo maamullada qaar.

    Haddaba ku wareejintan waxbarashada Caasimadda maamulka gobolka Banaadir maxay ka dhigan tahay, waxaan su'aalahaas iyo qaar kaleba weydiinnay Maxamrd Cilmi Tooxow, oo u dhundaloola heerarka waxbarasho ee Soomaaliya waxa uu u warramay Axmed Badar.

    Video content

    Video caption: Maxay ka dhigan tahay in waxbarashada Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Maamulka Gobolkaasi?
  4. Post update

    Qorsho Xasan ayaa ka sheekaysay safarkii dheeraa ee ay u martay abaalmarinta macalinkii ugu wanaagsanaa sanadkan magaalada Minnesota Maraykanka.

    View more on facebook
  5. Booliska Hong Kong oo xabsiga u taxaabay nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dimuqraaddiyadda

    Jimmy Lai

    Booliska Hong Kong ayaa xabsiga u taxaabay nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dimuqraaddiyadda, sidoo kalena ka mid ahaa milkiilayaasha warbaahin ka howl gasho dalkaas, kaas oo lagu magacaabo Jimmy Lai.

    Waxaa ninkan lagu tuhunsan yahay inuu wadashaqeyn qarsoodi ah la lahaa waddan shisheeye.

    Aroornimadii hore ee maanta ayaa la xiray isaga iyo ugu yaraan lix qof oo kale, oo dhammaantood loo heysto inay ku xad gudbeen sharciga u yaalla qaranka.

    Mr Lai ayaa la aaminsan yahay inuu noqonayo qofkii ugu caansanaa ee loo xiro arrimo la xiriira sharciga waddankaas.

    View more on twitter
  6. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka

    .