Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Rag loo haystay inay kufsi kula kaceen wiilal yar oo Baydhabo lagu toogtay

    Raggan ayaa la sheegay in maxkamad ay xukuntay
    Image caption: Raggan ayaa la sheegay in maxkamad ay xukuntay

    Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu toogtay labo nin oo la sheegay in bishii hore ay magaalada dhexdeeda kufsi ugu geysteen ilmo yar.

    Raggan oo maxkamad la soo taagay, kaddibna xukunkan lagu riday ayaa la sheegay in hore ay u geysteen fal noocan oo kale ah.

    Dadweynaha magaalada ayaa soo dhoweeyay arrintaas oo ay aad u hadal hayeen.

    Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Siciid Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan.

    “Runtii maalmihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo ka dhacayay falal gaboodfallo ah oo dhanka jinsiga la xiriira, marka falalkii waxay noqdeen kuwo soo laalaabtay, dad fara badan ayaa loo xiray runtii oo dembigaa lagu helay oo maxkamad la soo taagay, qaarkood weli waa lagu guda jiraa. Arrimahaas waxaad mooddaa in magaalada Baydhabo ay ka dhaceen wax aan hore looga baran annagana ka mas`uuliyad ahaan ay aad noo taabatay.” Ayuu yiri wasiirka.

    Dhawr dhacdo oo kufsi ah oo lagula kacay wiilal yaryar ayaa laga soo weriyay magaalada Baydhabo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo aad uga caraysiisay dadweynaha ku nool magaaladaasi waxaana la rumeysan yahay inay soo dadajisay toogashada labada nin ee dhalinyarada ah ee maanta la toogtay.

  2. Bill Morneau: Wasiirka Dhaqaalaha Canada oo xilka uga degay eedeymo la xiriira musuqmaasuq

    Canada
    Image caption: Mr Morneau iyo Mr Trudeau ayaa labaduba lagu cambaareeyay ku lug lahaanshaha WE Charity

    Wasiirka dhaqaalaha Canada ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyay hay`adda WE Charity.

    Bill Morneau ayaa la kulmay cadaadis ku aaddan inuu xilka ka dego, kaddib markii lagu eedeeyay inuusan soo celin lacagihii uu ku safray ee ay bixisay WE, si uu u tijaabiyo shaqadeeda.

    Wuxuu sheegay inuu dhowaan ogaaday inuusan dib u bixin lacagtaas oo ahayd C$41,000.

    Ra`iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo la xiriira in isaga iyo qoyskiisuba ay ku lug leeyihiin hay`adda.

    Mr Morneau ayaa sheegay inuu iska casili doono xilka uu ka hayo xisbiga Liberal-ka iyo xubinnimadiisa baarlamaanka.

    Labo ka mid ah gabdhaha wasiirka ayaa lala xiriiriyay hay`adda, iyadoo mid ka mid ah ay shaqaale ka tahay.

    Lacagta C$40,000 ah ee loo haysto wasiirka, ayaa isaga iyo qoyskiisa u isticmaaleen safar howlo bani`aadannimo ah oo ay ku tageen dalalka Kenya iyo Ecuador.

  3. Donald Trump oo ku biiray bar mucaarad ku ah TikTok

    Trump
    Image caption: Muuqaalka Mr Trump uu ku sheeganayo inuu "ku wanaagsan yahay tiknolojiyadda", waxaa daawatay 6.1 milyan oo qof

    Donald Trump ayaa akoon ka furtay barta Triller, oo fadhigeedu yahay New York, isla markaana mucaarad ku ah barta Shiinaha laga leeyahay ee TikTok.

    Kaddib labo maalmood uu bartaas ku jiray, ayaa waxaa madaxweynaha bartaasi ka soo raacday 11,000 oo qof.

    TikTok ayaa labo bilood kahor laga mamnuucay Hindiya. Mr Trump ayaa doonaya inuu dacwad ka gudbiyo bartaas iyo barta kale ee isla Shiinaha laga leeyahay ee WeChat.

    Hindiya iyo Mareykanka ayaa labaduba ka cabsi qaba in xogta uu ururiyay TikTok lala wadaago dowladda Shiinaha.

    TikTok ayaa si xooggan u beeniyay arrintaas wuxuuna sheegay in xogta macaamiishiisa caalamka ku sugan aan lagu keydin Shiinaha.

    Dhanka kale, shirkadda Microsoft ayaa haatan wada xaajood kula jirta inay iibsato TikTok ama qeyb ka mid ah shirkadda.

    Kooxda Mr Trump ayaa barta Triller soo dhigay afar muuqaal.

    Muuqaalkii ugu horreeyay, oo uu ku sheegayo "inuu ku fiican yahay tiknolojiyadda", waxaa daawatay 6.1 milyan oo qof.

    Inkastoo la furay sanadkii 2016, sanad kaddib Triller, TikTok waxaa lagu qiyaasaa in la soo dejiyay in ka badan labo bilyan oo jeer, marka loo barbardhigo Triller oo la soo dejistay in ka badan 250 milyan.

  4. 'Heerkulkii ugu sarreeyay dunida oo laga soo sheegay Harada Dhimashada ee Mareykanka'

    Cimilada

    Heerkulkii cimilada ugu kululaa oo cabirkiisu yahay - 130F (54.4C) – ayaa laga soo sheegay Beerta Harada Dhimashada eek u taalla California, Mareykanka.

    Waxaa arrintan xaqiijisay Waaxda Cimilada ee Mareykanka.

    Waxay ku soo aadeysaa iyadoo heerkul sare uu ka jiro xeebta galbeed ee Mareykanka, halkaas oo la sheegay in cimiladu ay sii kululaan doonto toddobaadkan.

    Cimilada kulul ayaa saabtay in labo maalmood ay koronto la`aan ka dhacdo California, kaddib markii ay cillad ku timid qeybiye koronto.

    Heerkulkii ugu kululaa dunida ee hadda kahor la diwaan geliyay ayaa wuxuu cabirkiisa ahaa 129.2F (54C) – waxaana laga soo sheegay isla Harada Dhimashada sanadkii 2013.

    Waa maxay saameynta ka dhalan karta cimilada kulul?

    Saraakiisha ayaa ku qeexay cimilada kulul inay tahay labo ilaa saddex maalmood oo kuleyl xooggan iyo huur ah, iyo cimilo heerkulkeedu ka sarreeyo 90F (32C).

    Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa sheegtay in cimilada kulul ay dishay dad badan.

    Si kastaba, kulka aadka ah ayaa ka sii dari kara xaaladaha uu qofku hore u qaban sida cudurrada sambabbada, wadnaha iyo kilyaha, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

  5. 'Fadlan igu salaama carruurteyda iyo wiilka aan awoowaha u ahay'

    Weriyaha u dhashay Kenya ee Yassin Juma, oo ku xiran Itoobiya, ayaa sheegay in laga yaabo inuusan sii noolaan doonin, iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dareyso kaddib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus.

    Mr Juma ayaa 47-da maalmood ee uu xabsiga ku jiray uga sheekeeyay warqad lagu soo daabacay wargeyska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa.

    "Waxaan hadda ku xiranahay qeybta (W) waxaa igula jira 68 maxaabiis kale oo qaba Covid-19 isla markaana aan qolalka ciriiriga ah ku heli karin dawo, biyo iyo cunto isku dheellitiran oo xaaladdooda wax ka tareysa. Caafimaadkeyga wuu ka sii darayaa maalin walba, mana hubo inaan ka bixi karo iyo in kale. Waa 50-50 marka la eego coronavirus balse xaaladaha ka jira xabsiga ayaa yareynaya suuragalnimada ah inaan badbaado," ayuu ku qoray warqadda.

    Mr Juma ayaa laga soo qabtay guriga Jawar Mohammed oo ah milkiile warbaahineed oo u dhashay Itoobiya, kaddib dilkii fannaanka Hachalu Hundessa ee sababay dibadbaxyada.

    Waxaa lagu eedeeyay kicin iyo ku lug lahaansho rabshadaha, waxaa lagu sii daayay damaanad, balse dib ayaa loo soo xiray lamana oga sababta.

  6. Eedeysanayaal lagu soo oogay dacwad ka dhan ah korsashada carruur u dhalatay Uganda

    Uganda
    Image caption: Maxkamadaha ayaa loo sheegay in carruurtan u dhalatay Uganda ay yihiin agoon

    Dowladda Mareykanka ayaa eedeymo la xiriira lacag is daba marin iyo musuqmaasuq ku soo oogtay dad la sheegay inay ka dambeeyeen mashruuc korsashada carruur Uganda u dhalatay oo la sheegay inaysan agoon ahayn.

    Labo u dhashay Mareykanka laguna kala maggacaabo Margaret Cole iyo Debra Parris, iyo qareen Uganda ka soo jeedda, Dorah Mirembe, ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeeyeen in carruurtan loo geeyo qoysas Mareykanka u dhashay oo carruurta korsada, iyagoo kaddibna malaayiin doollar ka sameeyay arrintaas.

    Carruurta u dhalatay Uganda ayaa la sheegay in laga soo kaxeeyay waaliddiintooda loona ballan qaaday in Mareykanka laga siin doono waxbarasho khaas ah.

    Taas beddelkeedana waxaa maxkamadaha loo sheegay inay yihiin agoomo la doonayo inay korsadaan dadka u dhashay Mareykanka.

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay qareenadda, seygeeda iyo labo qareen oo Uganda u dhashay, kuwaas oo ka qeyb qaatay kiisaska korsashada carruurta.

  7. Kenya oo beenisay in la musuqmaasuqay lacagihii loogu talogalay Covid-19

    Coronavirus
    Image caption: Siyaasiyiin ayaa la sheegay in la siiyay qandaraasyo lagu keenayo qalabka difaaca

    Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa beenisay wararka sheegaya in xatooyo ballaaran lagula kacay malaayiin doollar oo deeq ahayd iyo qalab loogu talogalay wax ka qabashada faafitaanka Covid-19.

    Baaritaan uu sameeyay telefishin gudaha dalka ah ayaa lagu sheegay in laga yaabo in in ka badan $400m (£304.5m) oo deeq ahayd aanan loo adeegsan wax ka qabashada xanuunka Covid-19.

    Shaqaalaha caafimaadka Kenya ayaa ku hanjabay inay shaqo joojin sameyn doonaan sababo la xiriira inaysan heysan qalabka difaaca.

    Baaritaanka waxaa lagu sheegay in shakhsiyaad ay ka mid yihiin siyaasiyiin ay ka faa`iideysteen qandaraasyo lagu keenayo qalabka difaaca oo ay ku jiraan maaskarada wejiga iyo dharka difaaca.

    Qaar ka mid ah shirkadaha la siiyay qandaraasyada malaayiinka doollar ayaa keliya la aasaasay bilooyin kahor, sida lagu xusay baaritaanka.

    Shirkado kale oo qandaraasyo la siiyay ayaa iyagana lala xiriiriyay qaraabada saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

    Isagoo baarlamaanka la hadlayay ayaa wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe, wuxuu baaritaanka ku sheegay mid aan sal lahayn, wuxuuna intaas raaciyay in wasaaraddiisa ay sharraxaad ka bixin karto halka ay ku baxday in ka badan $200m (£152m) oo deeq ahaan u soo gaartay.

    Balse baaritaanka ayaa lagu xusay in labalaab lacagtaas aan la ogeyn halka ay ku baxday. Dowladda ayaasebeenisay eedeymahaas.