Maxay tahay sheekada bukaan u dhintay Covid-19 oo la sheegay inuu `dib u soo noolaaday`?
BBCCopyright: BBC
Muuqaal si aad la
iskula wadaagay baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karaa nin u dhashay Kenya oo la sheegay inuu
u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo `dib u soo noolaaday` xilli ay duugtiisa
socotay.
Farriin la raaciyay
muuqaalka oo la iskula wadaagay WhatsApp-ka ayaa u qorneyd sidan: “Ninkan waa
la aasi rabay kaddibna naxashka ayaa gariiray, waxay go`aansadeen inay furaan,
waxay ogaadeen in ninkan uu neefsanayo. Waxay ka bixiyeen Qalabka Difaaca Qofka
ee PPE kaddibna isbitaalka ayay ula carareen. Ruwaayadda Covid-19.”
Balse sheekadaasi waa
been abuur. Ninka la sheegay inuu soo noolaaday wuxuu ahaa bukaan xirnaa
qalabka PPE oo qaraabo la ahaa ninka geeriyooday, kaas oo suuxay intii ay
duugtu socotay.
Dadka u dhinta
xanuunka Covid-19 waxaa lagu aasaa baco ee ma xirna qalabka PPE. Sidaas
daraaddeed, ninka ka muuqda muuqaalka ma noqon karo kan la aasayay.
Ezra Kirui – oo u
hadlay maamulka deegaanka Bomet oo ay ka dhacday arrintan ayaa BBC-da u sheegay
in ninkaasi lagu xiray qalabka PPE si uu duugta uga qeyb galo.
Wuxuu intaas raaciyay
in ninkan uu goor dambe soo roonaaday.
Muuqaalka ayaa si aad
ah la iskula wadaagay barta Facebook.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uu sida
ba`an u saameeyay xanuunka, iyadoo baaritaan ay BBC-du sameysay lagu ogaaday in
tiro ka badan inta ay sheegtay dowladda ay u dhinteen coronavirus.
Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo ka mid ah saraakiisha
caafimaadka Soomaaliya ee hormuudka u ah la dagaallanka xanuunka ayaa BBC-da u
sheegay in inkastoo ay beryihii dambe aad u yaraadeen kiisaska xanuunka safmarka
ah ee Covid-19, haddana uu jiro walaac ah in dib uu usoo laba kacleeyo
maaddaama haatan ay furan yihiin duullimaadyada iyo iskuullada, isla markaana
jaamacadaha la furi doono bisha soo socota.
“Mar dhow waxaan bilaabi doonnaa wacyigelin ballaaran oo aan
dadka ugu sheegeyno inay nagu soo fool leedahay khatar,” ayuu yiri Dr. Fuje.
Wuxuu intaas ku daray inw asaaradda waxbarashada ay waddo
dadaallo ardayda looga wacyigelinayo khatarta xanuunka coronavirus, sida inay
ardaydu dhowrto kala fogaanshaha bulshada, xirashada maaskarada wejiga iyo
joogteynta farxalka.
Xubin sare oo Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM)
ayaa duqeymo cirka ah oo ka dhacay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka
Jubbada Dhexe ku dilay xubin sare oo ka tirsanaa Alshabaab.
Sarreeye Guuto Miguel
Castellanos, oo ah Taliye Xigeenka Howlgallada AFRICOM ayaa sheegay in
duqeymahaas looga gol lahaa sugidda ammaanka iyo in lagu "wiiqo" howlgallada
mustaqbalka ee Alshabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay
in duqeymahaasi aysan wax khasaare ah u geysan dad rayid ah.
Lama shaacin magaca
ninkan la sheegay in lagu dilay duqeymahaas.
Harry Maguire oo xukun xabsi ah lagu riday
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Kabtanka kooxda Manchester United Harry
Maguire ayaa lagu riday xukun xabsi ah oo dib loo dhigay kaa soo gaaraya 21
bilood iyo 10 maalmood, kaddib markii maxkamad lagu saaray jasiiradda Syros ee
dalka Giriigga.
Weraryahankan u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa
lagu eedeeyay xadgudub jinsi, isku day laaluush, tacaddi uu kula kacay shaqaale
iyo aflagaaddo kaddib markii lagu xiray Mykonos.
27-sano-jirkan ayaa kaddib markii shalay
xukunka lagu riday wuxuu sheegay in kooxdiisa sharciga uu ku amray inay
maxkamadda la socodsiiyaan inuu racfaan ka qaadanayo.
"Waxaan aad ugu kalsoonahay inaan beri ka
nahay arrintan – haddii ay wax jiraan aniga, qoyskeyga iyo saaxiibbadey ayaa
dhibbaneyaal ah," ayuu yiri.
Xukunka ayaa dib loo dhigay muddo saddex sano
ah ah, sababo la xiriira inuu yahay dembigii ugu horreeyay ee uu galo iyo in
eedeymuhu ay yihiin kuwo dhanka akhlaaqda la xiriira.
Joe Maguire iyo Sharman ayaa eedeymo kuwii
hore la mid ah lagu soo oogay, waxaana labaduba lagu xukumay 13 bilood oo xabsi
ah oo dib loo dhigay.
Dhammaan sadexdoodu way beeniyeen eedeymaha.
Harry Maguire kama uusan qeyb gelin xukunka
maxkamadda ee Syros, balse aabbihiis ayaa goobjoog ka ahaa.
Ololaha doorashada oo maanta ka bilaabanaya Tanzania
Tanzania Electoral CommissionCopyright: Tanzania Electoral Commission
Xisbiga talada haya ee Tanzania ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaas xornimada ka qaatay BritainImage caption: Xisbiga talada haya ee Tanzania ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaas xornimada ka qaatay Britain
Ololaha doorashada
ayaa maanta oo Arbaco ah ka bilaabanaya dalka Tanzania, iyadoo lagu wado in
doorasho guud ay ka qabsoonto dhammaadka October.
Madaxweyne John
Magufuli, oo doonaya in dib loo doorto, ayaa waxaa la tartami doona 14
musharrax.
Xisbiga talada haya ee
CCM ayaa tobnaan sano saameyn ballaaran ku lahaa siyaasadda Tanzania. Mucaarad isbahaystay
ayaa doorashadii hore aad ula loollamay xisbiga.
Balse musharraxiinta
mucaaradka ee kala qoqoban ayaa sanadkan fursad weyn u noqon doonta
madaxweynaha.
Mr Magufuli ayaa aad
loogu ammaanay inuu yahay nin isbeddel wada markii uu xilka dalkaas qabtay shan
sano kahor, balse waxaa tan iyo markaas loo soo jeediyay eedeymo badan.
Bishii June wuxuu si lagu muransan yahay ugu
dhawaaqay in coronavirus laga cirribtiray Tanzania iyadoo la adeegsanayo
ducooyin.
Inta badan dadka
Tanzania ayaa tan iyo markaas dib u bilaabay ganacsigooda.
Jadeecada oo `laga cirribtiray` meeshii ugu darneyd adduunka ee ay ka dillaacday
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Ugu yaraan 18 milyan oo carruur ah ayaa la tallaalay sanadkii horeImage caption: Ugu yaraan 18 milyan oo carruur ah ayaa la tallaalay sanadkii hore
Dowladda Jamhuuriyadda
Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa sheegtay in dilaacitaankii ugu ba`naa ee cudurka
jadeecada oo dilay in ka badan 7,000 oo carruur haatan la soo afjaray.
Dadaallo lagu doonayay
in lagu joojiyo faafitaanka jadeecada dalkaas ayaa waxaa carqaladeeyay
adeegyada caafimaad oo aan wanaagsaneyn iyo sidoo kale colaado.
Khubarrada caafimaadka
ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ka dhalatay jadeecada ay ka
badan karto intaas, maaddaama aan kiisas badan la diwaan gelin.
Isagoo ka hadlayay
shir jaraa`id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas, Kinshasa, ayaa Wasiirka
Caafimaadka, Eteni Longondo, wuxuu sheegay in jadeecadu aysan haatan ka jirin
Congo.
Inkastoo weli aysan
khubarrada caafimaadkuweli xaqiijin arrintan, haddana waxay ku soo aadeysaa
kaddib markii olole tallaal oo ballaaran la fuliyay sanadkii hore, kaas oo lagu
tallaalay ugu yaraan 18 milyan oo carruur ah.
Jamhuuriyadda
Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa la daalaa dhacayay dillaacitaanka ajdeecada
tobankii sano ee ugu dambeeyay, balse caabuqa ayaa aad u faafay bishii June ee
sanadkii hore wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay hannaanka caafimaad ee
dalkaas ee liita.
Shaqaalaha caafimaadka
ayaa sanadkii hore la daalaa dhacayay la tacaalidda jadeecada, dabeysha,
daacuunka, coronavirus, iyo Ebola.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Maxay tahay sheekada bukaan u dhintay Covid-19 oo la sheegay inuu `dib u soo noolaaday`?
Muuqaal si aad la iskula wadaagay baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karaa nin u dhashay Kenya oo la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo `dib u soo noolaaday` xilli ay duugtiisa socotay.
Farriin la raaciyay muuqaalka oo la iskula wadaagay WhatsApp-ka ayaa u qorneyd sidan: “Ninkan waa la aasi rabay kaddibna naxashka ayaa gariiray, waxay go`aansadeen inay furaan, waxay ogaadeen in ninkan uu neefsanayo. Waxay ka bixiyeen Qalabka Difaaca Qofka ee PPE kaddibna isbitaalka ayay ula carareen. Ruwaayadda Covid-19.”
Balse sheekadaasi waa been abuur. Ninka la sheegay inuu soo noolaaday wuxuu ahaa bukaan xirnaa qalabka PPE oo qaraabo la ahaa ninka geeriyooday, kaas oo suuxay intii ay duugtu socotay.
Dadka u dhinta xanuunka Covid-19 waxaa lagu aasaa baco ee ma xirna qalabka PPE. Sidaas daraaddeed, ninka ka muuqda muuqaalka ma noqon karo kan la aasayay.
Ezra Kirui – oo u hadlay maamulka deegaanka Bomet oo ay ka dhacday arrintan ayaa BBC-da u sheegay in ninkaasi lagu xiray qalabka PPE si uu duugta uga qeyb galo.
Wuxuu intaas raaciyay in ninkan uu goor dambe soo roonaaday.
Muuqaalka ayaa si aad ah la iskula wadaagay barta Facebook.
Telefoonno fayras wata oo lagu iibiyo suuqyada Afrika
Aalad fayras wadata ayaa laga helay kumannaan telefoonnada gacanta ah oo lagu iibiyo suuqyada Afrika.
Shirkadda Upstream ayaa ogaatay in aaladdan laga helay ilaa 53,000 oo telefoonnada shirkadda Tecno ah, kuwaas oo lagu iibiyo suuqyada Ethiopia, Cameroon, Masar, Ghana iyo Koofur Afrika.
Shirkadda soo saartay telefoonnadaas Transsion told Buzzfeed ayaa sheegtay in fayraskaas lagu xiray iyadoo aan ka war qabin.
Upstream ayaa sheegtay in fayraskaasi uu saameeyay dadka ugu nugul ee uu dakhligoodu hooseeyo.
Aaladdan fayraska oo lagu magacaabo Triada ayay shirkaddu ka heshay telefoonnada Android-ka, iyadoo dadka isticmaalana aysan ogeyn.
Aaladdan oo telefoonnada uga diwaan gashan magaca xHelper ayay dadka isticmaala ay ka iibsadaan adegyada internet-ka.
Guud ahaan, Upstream ayaa ogaatay in ilaa 200,000 oo telefoonnada gacanta ee Tecno ah laga helay aaladdan fayraska wadata.
Transsion Holdings waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Shiinaha ee sameeya telefoonnada, Afrikana waa shirkadda ugu sarreysay ee iibisa telefoonnada gacanta.
Shirkadda Tecno Mobile oo eedeyntaasi ka jawaabtay ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay wax hore oo la xalliyay.
Soomaaliya: Kiisaska xanuunka coronavirus oo hoos u dhacay
Mas`uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay inay yaraadeen kiisaska dadka qaada amaba u dhimanaya xanuunka coronavirus.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uu sida ba`an u saameeyay xanuunka, iyadoo baaritaan ay BBC-du sameysay lagu ogaaday in tiro ka badan inta ay sheegtay dowladda ay u dhinteen coronavirus.
Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka Soomaaliya ee hormuudka u ah la dagaallanka xanuunka ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo ay beryihii dambe aad u yaraadeen kiisaska xanuunka safmarka ah ee Covid-19, haddana uu jiro walaac ah in dib uu usoo laba kacleeyo maaddaama haatan ay furan yihiin duullimaadyada iyo iskuullada, isla markaana jaamacadaha la furi doono bisha soo socota.
“Mar dhow waxaan bilaabi doonnaa wacyigelin ballaaran oo aan dadka ugu sheegeyno inay nagu soo fool leedahay khatar,” ayuu yiri Dr. Fuje.
Wuxuu intaas ku daray inw asaaradda waxbarashada ay waddo dadaallo ardayda looga wacyigelinayo khatarta xanuunka coronavirus, sida inay ardaydu dhowrto kala fogaanshaha bulshada, xirashada maaskarada wejiga iyo joogteynta farxalka.
Xubin sare oo Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya
Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeymo cirka ah oo ka dhacay meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay xubin sare oo ka tirsanaa Alshabaab.
Sarreeye Guuto Miguel Castellanos, oo ah Taliye Xigeenka Howlgallada AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaas looga gol lahaa sugidda ammaanka iyo in lagu "wiiqo" howlgallada mustaqbalka ee Alshabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymahaasi aysan wax khasaare ah u geysan dad rayid ah.
Lama shaacin magaca ninkan la sheegay in lagu dilay duqeymahaas.
Harry Maguire oo xukun xabsi ah lagu riday
Kabtanka kooxda Manchester United Harry Maguire ayaa lagu riday xukun xabsi ah oo dib loo dhigay kaa soo gaaraya 21 bilood iyo 10 maalmood, kaddib markii maxkamad lagu saaray jasiiradda Syros ee dalka Giriigga.
Weraryahankan u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa lagu eedeeyay xadgudub jinsi, isku day laaluush, tacaddi uu kula kacay shaqaale iyo aflagaaddo kaddib markii lagu xiray Mykonos.
27-sano-jirkan ayaa kaddib markii shalay xukunka lagu riday wuxuu sheegay in kooxdiisa sharciga uu ku amray inay maxkamadda la socodsiiyaan inuu racfaan ka qaadanayo.
"Waxaan aad ugu kalsoonahay inaan beri ka nahay arrintan – haddii ay wax jiraan aniga, qoyskeyga iyo saaxiibbadey ayaa dhibbaneyaal ah," ayuu yiri.
Gelinkii dambe ee shalay, maamule Gareth Southgate ayaa Maguire ka saaray koox bisha soo socoda la cayaari doonta dalalka Iceland iyo Denmark.
Xukunka ayaa dib loo dhigay muddo saddex sano ah ah, sababo la xiriira inuu yahay dembigii ugu horreeyay ee uu galo iyo in eedeymuhu ay yihiin kuwo dhanka akhlaaqda la xiriira.
Maguire waxaa lala xiray walaalkiis Joe, oo 28 sano jir ah, iyo Christopher Sharman, oo 29 sano jir ah.
Joe Maguire iyo Sharman ayaa eedeymo kuwii hore la mid ah lagu soo oogay, waxaana labaduba lagu xukumay 13 bilood oo xabsi ah oo dib loo dhigay.
Dhammaan sadexdoodu way beeniyeen eedeymaha.
Harry Maguire kama uusan qeyb gelin xukunka maxkamadda ee Syros, balse aabbihiis ayaa goobjoog ka ahaa.
Ololaha doorashada oo maanta ka bilaabanaya Tanzania
Ololaha doorashada ayaa maanta oo Arbaco ah ka bilaabanaya dalka Tanzania, iyadoo lagu wado in doorasho guud ay ka qabsoonto dhammaadka October.
Madaxweyne John Magufuli, oo doonaya in dib loo doorto, ayaa waxaa la tartami doona 14 musharrax.
Xisbiga talada haya ee CCM ayaa tobnaan sano saameyn ballaaran ku lahaa siyaasadda Tanzania. Mucaarad isbahaystay ayaa doorashadii hore aad ula loollamay xisbiga.
Balse musharraxiinta mucaaradka ee kala qoqoban ayaa sanadkan fursad weyn u noqon doonta madaxweynaha.
Mr Magufuli ayaa aad loogu ammaanay inuu yahay nin isbeddel wada markii uu xilka dalkaas qabtay shan sano kahor, balse waxaa tan iyo markaas loo soo jeediyay eedeymo badan.
Bishii June wuxuu si lagu muransan yahay ugu dhawaaqay in coronavirus laga cirribtiray Tanzania iyadoo la adeegsanayo ducooyin.
Inta badan dadka Tanzania ayaa tan iyo markaas dib u bilaabay ganacsigooda.
Doorashada sanadkan ayaa lagu wadaa inay noqoto mid loollan adag wadata.
Jadeecada oo `laga cirribtiray` meeshii ugu darneyd adduunka ee ay ka dillaacday
Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa sheegtay in dilaacitaankii ugu ba`naa ee cudurka jadeecada oo dilay in ka badan 7,000 oo carruur haatan la soo afjaray.
Dadaallo lagu doonayay in lagu joojiyo faafitaanka jadeecada dalkaas ayaa waxaa carqaladeeyay adeegyada caafimaad oo aan wanaagsaneyn iyo sidoo kale colaado.
Khubarrada caafimaadka ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ka dhalatay jadeecada ay ka badan karto intaas, maaddaama aan kiisas badan la diwaan gelin.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa`id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas, Kinshasa, ayaa Wasiirka Caafimaadka, Eteni Longondo, wuxuu sheegay in jadeecadu aysan haatan ka jirin Congo.
Inkastoo weli aysan khubarrada caafimaadkuweli xaqiijin arrintan, haddana waxay ku soo aadeysaa kaddib markii olole tallaal oo ballaaran la fuliyay sanadkii hore, kaas oo lagu tallaalay ugu yaraan 18 milyan oo carruur ah.
Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa la daalaa dhacayay dillaacitaanka ajdeecada tobankii sano ee ugu dambeeyay, balse caabuqa ayaa aad u faafay bishii June ee sanadkii hore wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay hannaanka caafimaad ee dalkaas ee liita.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sanadkii hore la daalaa dhacayay la tacaalidda jadeecada, dabeysha, daacuunka, coronavirus, iyo Ebola.