Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Al-Shabaab oo weerarro iyo qaraxyo ka geystay xadka Soomaaliya iyo Kenya

    Bella Hassan

    BBC Somali

    Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro iyo qaraxyo ka geystay gobolka Gedo, iyadoo bartilmaameedkoodu uu ahaaciidamada Kenya ee gobolkaas ku sugan.

    labo qarax oo waawayn ayay ku weerareenkolonyadaciidamo Kenyaanah oo ka soo ambabaxay saldhigga ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, khasaare kala duwan oo dhimasho, dhawac iyo burbur loo gaystay gaadiidka ciidamada ayaa ka dhashaysida ay Al-Shabaab ku sheegen bar internet oo iyaga taabacsan, balse dhanka dowladda weli wax war ah lagama haayo.

    Weerarkaan waxaa ka horreeyay dhowr weerar oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab la beegsadeen saldhigyada ciidamada Burundi iyo Midowgay Africa oo ku yaalla Cadalle iyo Balcad.

    Si guud, weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan ay Al-Shabaab geysteen, laakiin waxaa xusid mudan in ay mar kasta bartilmaameedsada saldhiyada ciidamada ajbaniga ee ku yaalla koofurta iyo bartama Soomaaliya.

  2. Kacdoonka Mozambique: Dad badan oo u qaxay meelo uu ku badan yahay xanuunka coronavirus

    Mozambique
    Image caption: Dad badan ayaa ka qaxay guryahooda

    Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada dowladda Mozambique iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka socda waqooyiga gobolka Cabo Delgado ayaa kumannaan qof ku qasbay inay u qaxaan meelo uu ku badan yahay xanuunka coronavirus, sida ay sheegtay Hay`adda Laanqeyrta Cas.

    Dad badan ayaa u qaxay Pemba halkaas oo ay hay`addu ka sameysay xarumo lagula tacaalo bukaannada coronavirus.

    Waxay tani u nugleysay inay qaadaan fayraska, sida uu sheegay madaxa Laanqeyrta Cas ee Pemba, Raoul Bittel.

    Kooxaha kacdoonka wada ayaa labadii sano ee la soo dhaafay weerarro ku qaadayay tuulooyin ku yaalla gobolka.

    Kooxdan – oo gudaha dalkaas looga yaqaanno al-Shabab, ama dhalinyarada ayaa la sheegay inay leeyihiin mabda` Islaami ah, balse ay muddo tobnaan sano ah ay gacan ka geysteen jahwareerka dalkaasi ka taagan ee la xiriira shaqo la`aanta, doorashooyinka lagu shubto, musuqmaasuqa iyo rabshadaha.

  3. Taiwan oo isbeddel ku sameysay baasaboorkeeda

    Taiwan
    Image caption: Baasaboorka cusub, midig, Taiwan ayaa la weyneeyay halka Jamhuuriyada Shiinaha la yareeyay si ka duwan baasaboorkii hore, bidix

    Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday inay isbeddello ku sameysay baasaboorkeeda, iyadoo erayga "Taiwan" ka dhigtay mid weyn halka ay yareysay "Jamhuuriyadda Shiinaha".

    Waxay dowladdu sheegtay in isbeddelkan looga gol leeyahay inaan la isku khaldin dadkeeda iyo muwaaddiniinta Shiinaha.

    Shiinaha ayaa Jasiiraddan u arka inay tahay gobol ayada ka tirsan.

    Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in tani aysan beddeleyn in Taiwan ay tahay "Qeyb aan go`i karin oo ka tirsan Shiinaha".

    Taiwan ayaa baasaboorka cusub ku soo bandhigtay xaflad la qabtay shalay.

    Tan iyo intii uu dillaacay xanuunka safmarka ah ee coronavirus "dadkeennu waxay rajo ka qabeen sidii aan u muujin lahayn Taiwan, si looga fogaado inay dadku si khaldan ugu fekeraan inay ka soo jeedaan Shiinaha", ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu.

    Iyadoo dalalku ay soo rogeen xayiraad dhanka socdaalka ah si loola dagaallamo xanuunka coronavirus, ayaa waxay sidoo kale xayiraad ku soo rogeen dadka ka imaanaya Taiwan sida inay ka imaanayaan Shiinaha, ayay dowladdu tiri.

    Faafitaanka Covid-19 ayaa soo caan bixiyay muranka ka taagan Taiwan.

    Inkastoo ay ammaan caalami ah ku muteysatay sida ay wax uga qabatay xanuunka, haddana xubin kama aha Hay`adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Shiinaha uma uusan oggolaan inay ka qeyb gasho shirarka WHO tan iyo sanadkii 2016.

    Taiwan ayaa is maamuleysay tan iyo sanadkii 1949, markaas oo dowladda dhulweynaha Shiinaha ay u qaxday jasiiraddaas kaddib markii uu ka guuleystay Xisbiga Shuuciga intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Shiinaha. Waxay leedahay dowlad si dimuqraaddi ah loo soo doortay, ciidan u gaar ah iyo lacag u gaar ah.

    Balse marka la eego siyaasadda Halka Shiinaha, dowladda Beijing ayaa ku adkeysaneysa inay tahay hoggaamiyaha Taiwan. Waxay sheegtay in mar kale ay maalin uun hoos imaan doonto hoggaankeeda – si qasab ah haddii loo baahdo.

    Dalal yar ayaa si diblomaasiyadeed u aqoonsan Taiwan inay tahay dal madax bannaan, Shiinaha ayaana arrintaasi caro ka muujiyay.

  4. Jilaaga ugu mushaarka badan adduunka oo uu ku dhacay coronavirus

    The Rock
    Image caption: Johnson ayaa barta Instagram ku shaaciyay inuu ku dhacay xanuunka

    Dwayne "The Rock" Johnson ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa uu dhammaantood ku dhacay xanuunka Covid-19.

    Johnson oo ahaa feeryahan hore, haatanse ah jilaaga ugu mushaarka badan adduunka ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa iyo labadooda gabdhood uu ku dhacay xanuunka, inkastoo ay ka feejignaayeen.

    Wuxuu sheegay in natiijada baaritaankooda ay aad u xanuunjisay. Balse ay haatan ka soo reynayaan.

    Johnson, oo 48 jir ah, ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa Lauren, oo 35 jir ah, iyo gabdhahooda Jasmine iyo Tiana, oo afar jir iyo labo jir kala ah, ay fayraska qaadeen labo iyo bar toddobaad kahor.

    Waxay ka qaadeen saaxiibbo aad ugu dhowaa qoyskooda, kuwaas oo aan ka war qabin sida ay fayraska u qaadeen.

    "In lagaa helo Covid-19 aad bay uga duwan tahay inaad ka soo kabato dhaawacyo culus, ama in guri lagaa saaro amaba aad lacag la`aan noqoto, xaaladahaas oo dhowr jeer isoo maray," ayuu yiri.

    "Muhiimaddeyda koowaad waa inaan had iyo jeer ilaaliyo qoyskeyga."

    "Waan ku wareeraa markaan arko dadka qaar, oo ay siyaasiyiinta ku jiraan, oo in maaskarada la xirto ka dhigaya qeyb ka mid ah ajande siyaasadeed.

    "Wax xiriir ah lama laha siyaasadda. Xiro maaskaradaada. Waa xaqiiq. Waana waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo."

    Dwayne Johnson ayaa raacay aabbihiis Rocky isagoo noqday feeryahan.

    Guulo waaweyn ayuu ka soo hooyay tartanka feerka, kahor inta uusan u weecan dhanka jilitaanka, wuxuu wax ka jilay filimada kala ah The Scorpion King, Fast & Furious 6 iyo Jumanji franchise.

    Wuxuu sanadkan qaatay mushaar dhan $87.5m (£67m).

  5. Madaxweynaha 82 jirka ah ee Guinea oo sheegay inuu matalayo dhalinyarada iyo haweenka

    Alpha Conde
    Image caption: Madaxweyne Alpha Condé, oo 82 jir ah, ayaa doonaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo

    MadaxweynahaGuinea Alpha Condé ayaa sheegay inuu doorashooyinka soo socda ku matali doono dhalinyarada iyo haweenka.

    Ninkan 82-sano-jirka ah, oo doorashada u tartamaya mar saddexaad oo uu muran ka taagan yahay ayaa sheegay inuu yahay qofka ku habboon ee matali kara.

    Mr Condé ayaa haweenka ku ammaanay inay tiir muhiim ah u yihiin bulshada.

    Wuxuu ka hadlayay shir aaladda la iska arko uu kula yeeshay haweenka siyaasiyiinta ah.

    Mr Condé, waxa markii ugu horreysay la doortay sanadkii 2010, wuxuu markii dambe isbeddel ku sameeyay dastuurka bishii March, kaas oo u oggolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo.

  6. Kenya oo xayiraad saartay hantida dad lagu eedeeyay inay 'maalgeliyaan' Al-Shabaab

    Alshabaab

    Kenya ayaa xayiraad saartay hantida sagaal nin oo ay ku eedeysay inay maalgeliyaan kooxda Al-Shabaab.

    Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay soo cusbooneysiisay ee lagula dagaallamayo “argagixisada”.

    War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda, ayaa Wasiirka Amniga Fred Matiang'i wuxuu ku sheegay in xayiraadda hantida sagaalkan qof oo Kenya u dhashay looga gol leeyahay inaysan mar dambe dhaqaale siin Al-Shabaab “gudaha xudduudaheenna” .

    Wuxuu sidoo kale ka digay in kooxda ay shaqaaleysiinayeen, xagjirnimo u tababarayeen ayna abaabulayeen dhalinyaro gudaha ah “si ay u horumariyaan hadafkooda xagjirnimo iyo argagixisanimo”.

    Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu hoggaamiyeyaasha caalamka us heegay in xanuunka Covid-19 uu sare u qaaday halista falalka argagixisada, uu ka sii daray xasaradda qaxootiga uuna horseeday in hubka fudud lagu dhex baahiyo gudaha Geeska Afrika.

    Kenya ayaa dhowr weerar kala kulantay Al-Shabab tan iyo intii ay ciidamadeeda geysay Soomaaliya sanadkii 2011 si loola dagaallamo kooxda.

    Madaxweynaha ayaa ka hadlayay kulanka Aqaba Process ee Covid-19 kaas oo uu soo abaabulay Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Jordan, waxaa shrikaasi sidoo kale ka qeyb galay Ra`iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte iyo Xoghayaha Guud ee Qm António Guterres.