Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre oo bogaadiyay heestii Sharma Boy

    Cabdullaahi Goodax Barre

    Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boggiisa barta Facebook soo dhigay fariin uu ku bogaadinayo dhalinyaro soo qaaday hees aad looga hadal hayay baraha bulshada.

    Wasiirka ayaa heesta ku tilmaamay mid xikmadaysan.

    "Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan dareenka maskaxdooda ka guuxaya. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena."

    View more on facebook
    View more on facebook
  2. Maxay tahay qaddiyadii Falastiin miyey ka dhimatay dhanka Carabta?

    Ka dib markii ay dhowaan Imaaraadka Carabta iyo Israel galeen heshiis ay ku wanaajinayaan xidhiidhkooda, ayaa madaxda ururka Jaamacadda Carabtu Arbacadii shalay yeesheen kulan ay kaga arinsanayaan qaddiyad Falastiin.

    Waxaa se jirta aragti ah in Carabtu aad ugu kala aragti duwan yihiin qaddiyadaa Falastiin iyo heshiisyada Israel lala galo.

    Maamulka Falastiiniyiinta ayaa Axaddii Imaaraadka iyo Baxrayn ku eedeeyey in ay horjoogsadeen meel marinta qaraar qabyo ahaa oo ku baaqayey in Carabtu ku adkaystaan oo aanay baal marin heshiiskii qorshaha Carbeed ee nabadda ee sannadkii 2002-dii.

    Hadaba isweydiintu waxay tahay qaddiyadii Falastiin miyey ka dhimatay dhanka Carabta? Ururka Jaamacadda Carabta qudhiisu muxuu ku dambayn doonaa? Su’aalahas wax aka jawaabaya Prof Cumar Aadan Qaadi oo ka faalooda arimaha dunida Carabta oo Xasan Sheekh Cumar u waramay.

    Video content

    Video caption: .
  3. Bankiga Adduunka oo lacag dhan 750 milyan u qoondeeyey gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya

    Bankiga Adduunka ayaa lacag dhan 750 milyan oo doolar u qoondeeyey mashaariic horumarineed oo laga fulin doono gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

    Mashaariicda qorshaysan ee lacagtaasi ku bixi doonto waxa ka mid ah waddooyin iyo isgaadhsiinta internet ka.

    Maxamed Guuleed Simba, oo ah gudoomiyaha gudida horumarinta degmooyinka gobolka woqooyi bari ee Kenya ayaa BBC-da u faahfaahiyay arintaas.

    Video content

    Video caption: .
  4. Muxuu yahay xayawaankan khilaafka ka dhex abuuray dowladda gobolka ka tirsan Australia?

    .

    Gobolka New South Wales (NSW) ee dalka Australia ayaa waxa ka taagan dhibaato la xiriirta muran ka dhashay sharci lagu ilaalinayo badqabka xayawaankan oo loo yaqaano koalas.

    Xisbiga qaranka ayaa sheegay inaysan taageeri doonin baarlamaanka dowladda kaddib markii ay ka hor yimaadeen sharcigan cusub oo ilaalinaya xuquuqda xayawaankan.

    Balse hoggaamiye ku xigeenka xisbiga John Barilaro, ayaa yiri “kama soo horjeedna sharcigan.”

    Wuxuuna sheegay in xildhibaanada ka soo hor jeeda sharcigan aysan aqalka baarlamaanka ee gobolka fadhiisan doonin.

    Muranka ka taagan ansixinta sharcigan lagu ilaalinayo xayawaankan ayaa xisbiyada gobolka ka dhex abuuray xiisad.

    Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha xayaawanada ayaa ku doodaya in sharciyada hadda jira uusan ahayn mid ilaalinaya xuquuqda iyo badqabka xoolaha.

  5. Shirkii madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta la filayo inuu Muqdisho ka furmo

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka.

    Ujeedada kulankan ayaa ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka hadheeyay doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo billowga sanadka dambe.

    Madaxda Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo hore uga qeybgalay shirkii Dhuusamareeb-3 ayaa ku adkeysanaya in qodobbadii ka soo baxay shirkaasi ay dan u yihiin Soomaaliya, halka kuwa Jubbaland iyo Puntland oo aan shirkaasi qeyb ka ahayni ay doonayaan in arrimahaasi dib looga wadahadlo.

    Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada