Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. UNICEF oo ugu baaqday Nigeria dib u eegista xukunka wiil yar oo diinta Islaamka wax ka sheegay

    Nigeria
    Image caption: Maxkamadaha Islaamiga ah ee Kano waxay leeyihiin booliis u gaar ah

    Hay`adda UNICEF ayaa ugu baaqday dowladda Nigeria inay dib u eegto go`aanka maxkamad Islaami ah ay toban sano oo xabsi ah ugu xukuntay wiil 13 jir ah oo lagu eedeeyay inuu aflagaaddeeyay diinta Islaamka.

    Hay`adda ayaa sheegtay in xukunkaasi uu ka soo horjeedo qaanuunka xuquuqda carruurta ee ay Nigeria saxiixday.

    Wiilkan 13 jirka ah ayaa horraantii bishii hore la xukumay. Waxaa lagu eedeeyay inuu wax ka sheegay Ilaahay xilli ay doodayeen saaxiibkiis iyagoo ku suganaa gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Kano. Waxaa la sheegay inuu xukunkaasi racfaan ka qaadanayo.

    UNICEF ayaa ka dooneysa maamulka gobolka iyo dowladda federaalka inay dib u eegaan kiiska.

    Kano wuxuu ka mid yahay labo iyo tobanka gobol ee Nigeria ee ay ku xooggan yihiin Muslimiinta, kuwaas oo lagu dhaqo shareecada Islaamka iyo sharciga kale ee dalka. Keliya Muslimiinta ayaa lagu maxkamadeeyaa kuwa Islaamiga ah. Xukunnada waxaa ka mid ah garaacid, xubnaha oo laga jaro qofka iyo xukunka dilka.

  2. Xafiisyada ismaamullada Kenya oo albaabbada loo laabayo

    Dowladaha Ismaamullada Kenya ayaa inta badan shaqaalahooda fasaxaya, iyagoo joojiyay adeegyada aan daruuriga ahayn sababo la xiriira lacag la`aan ka dhalatay muranka ka taagan qeybinta lacagta dowladda dhexe ey ugu talo gashay ismaamullada.

    Golaha barasaabyada ayaa shalay ismaamullada kula taliyay in shaqaalahooda ay fasaxaan isla markaana ay joojiyaan in bukaanno la seexiyo isbitaallada.

    Ilaa iyo haatan barasaabka Machakos Alfred Mutua ayaa ku amray dhammaan shaqaalaha inay galaan fasax inta lacagta laga sugayo dowladda dhexe.

    Dowladda Kenya ayaan weli siin ismaamullada lacagihii loo qoondeeyay iyadpp aqalka sare uusan weli isku raacin habka loo qeybsanayo.

    Dastuurka Kenya ee la hirgeliyay sanadkii 2010 ayaa lagu abuuray 47 deegaan si ay dadku ugu fududaato helitaanka adeegyada dowladda.

  3. Afar qof oo loo soo qabtay xeradii gubatay ee Giriigga

    Moria

    Afar qof oo magangalyo doon ah oo u dhashay Afghanistan ayaa lagu eedeeyay inay toddobaadkii hore gubeen xerada Moria ee dalka Giriigga.

    Afartaan nin, ayay haatan booliisku hayaan, waxaana la siiyay saddex maalmood oo ay ugu soo diyaar garooobaan dacwadda loo heysto.

    Dhanka kale, booliiska jasiiradda Giriigga ku taalla ee Lesbos ayaa kumannaan muhaajiriin iyo qaxooti ku jiray xeradii Moria ee gubatay u rartay meel kale.

    Toddobaatan haween saraakiil ah ayaa loo xil saaray in haweenka iyo carruurta ay geeyaan xerada Kara Tepe.

    Sarkaal dowladda u hadlay ayaa sheegay in 1,800 oo qof loo wareejiyay xerada Kara Tepe.

    Balse muhaajiriin badan iyo qaxooti ayaa ka cago jiidaya inay sii joogaan Lesbos, maadaama Moria ay ahayd mid buux dhaaftay. Waxay rajeynayaan in la geeyo meelo ka tirsan Yurub, gaar ahaanna Jarmalka.

    In ka badan 12,000 oo qof ayaa ka qaxay dabka Moria, iyagoo kaddibna wajahay xaalado cunto yaraan, biyo yaraan iyo hoy la`aan.

    Muhaajiriinta ayaa laga baaray coronavirus kahor inta aan la geyn Kara Tepe.

    Dad ka soo jeeda ilaa 70 dal ayaa ku jiray xerada Moria, kuwaas oo badankood ka soo jeeday Afghanistan.

    Dowladda Jarmalka ayaa oggolaatay in 1,553 oo muhaajiriin ah ay ka qaaddo xerada Moria.

  4. Puntland oo ka digtay roobab ku soo wajahan deegaannadeeda

    Iyadoo qeyba ka mid ah gayiga Geeska Afrika ay ka curteen roobabkii dayrta, ayaa wasaaradda deegaanka iyo beeraha ee maamul gobaleedka Puntland waxa ay soo saartay digniin cusub oo ay u jeedinayso dadka deggan gobollada Bari iyo Sanaag. Gobolladaas ayey wasaaraddu sheegtay in labada todobaad ee soo socota ay ku soo fool-leeyihiin roobab xooggan. Wasaaradda ayaa waxa ay dadka ku boorisay inay taxadaraan isla markaana ay u diyaar-garoobaan khatarta ka dhalan karta roobababkaasi. Cabdicasiis Nuur Cilmi waa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo beeraha ee Puntland, digniinta ay soo saareen ayuu uga warramaya weriyaha BBC-da Mucaawiye Muxumed Buraale.

    Video content

    Video caption: .
  5. Uganda: Toddobo ka tirsan dadkii xabsiga ka baxsaday oo la soo xiray

    Patience Atuhaire

    BBC News, Kampala

    Toddobo ka tirsan 219 maxaabiis oo ka baxsaday xabsiga Singila oo ku yaalla waqooyi-bari Uganda ayaa la soo qabtay.

    Maxaabiista ayaa dilay askari isku dayay inuu celiyo intii aysan baxsan.

    Afhayeen u hadlay xabsiga ayaa sheegay in saddex helikobtar iyo ciidamo ay u adeegsadeen soo qabashada maxaabiista. Labo ka mid ah ayaa la toogtay.

    Maxaabiista ayaa loo maleynayaa inay isku dayayeen inay u baxsadaan Kenya.

    Xabsiga oo ay ku jiraan in ka badan 600 oo maxaabiis, ayaa waxaa ku socota baaritaan ku saabsan sida ay u baxsadeen maxaabiista.

    Ciidamada ayaa soo bandhigay sawir ku saabsan ugaarsiga ay ugu jiraan maxaabiista baxsatay:

    View more on twitter
  6. Mareykanka: Duufaanta Sally oo boqollaal kun oo qof dhigtay koronto la`aan

    Duufaanta Sally ayaa ilaa 550,000 oo qof oo ku nool Mareykanka dhigtay koronto la`aan iyadoo roobab xooggan oo dabeylo wata ay ka da`ayaan qeybo ka mid ah dalkaas.

    Duufaanta Sally oo aan hadda sidii hore u xoogganeyn ayaa saameyn ballaaran ka geysatay gobollada Florida iyo Alabama.

    Hal qof ayaa ku dhintay boqollaal kalena waa laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ka dhaceen.

    Pensacola, oo ku taalla Florida, ayay duufaantu aad u saameysay, iyadoo dumisay qeybo ka mid ah buundo halkaasi ku taalla.

  7. Libya: Madaxa dowladda ay taageerto QM oo is casilaya

    Libya
    Image caption: Fayez al-Serraj waxaa ra`iisul wasaare loo doortay sanadkii 2015

    Madaxa dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee saldhiggeedu yahay magaalada Tripoli ee dalka Libya, Ra`iisul Wasaare Fayez al-Serraj, ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu is casilo dhammaadka bisha October.

    Hadalkan oo uu kaga dhawaaqay khudbad muuqaal ahayd, ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu xilka ku wareejiyo gole cusub oo lagu dooran doono wada hadallo u dhaxeeya dhinacyada Libya oo bisha soo socota ka dhici doona Geneva.

    Al-Serraj waxaa cadaadis uga yimid dhinacyo ka tirsan dowladda Tripoli iyo dibadbaxyadii dhowaan looga soo horjeeday xaaladaha nolosha dalkaas ee ka sii daraya iyo musuqmaasuqa dowladda.

    Heshiis ay Qaramada Midoobay garwadeen ka ahayd oo ka dhacay magaalada Skhirat ee dalka Morocco bishii December sanadkii 2015 ayaa loogu doortay inuu noqdo ra`iisul wasaare iyo madaxa golaha madaxtinnimada ee Libya.

    Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in Turkiga iyo Ruushka ay ka wada xaajoodeen xabbadjoojin ka dhacda Libya.

    Turkiga iyo Ruushka ayaa kala taageera dhinacyada isaga soo horjeeda dalkaas.