Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Tallaalka Ruushku sameeyey oo la xaqiijiyey in waxtarkiisu 92% yahay

    Tallaalka Ruushku soo saaray ee Sputnik Vee
    Image caption: Tallaalka Ruushku soo saaray ee Sputnik Vee

    Natiijo hordhac ah oo ka soo baxday tijaabadii tallaaka Ruushku soo saaray ee ka hortagga fayraska korona ayaa muujisay in talaalkaa oo la yidhaa Sputnik Vee waxtarkiisu yahay 92%.

    Natiijadan oo ka soo baxday tijaabo saddex qaybood ahayd ayaa lagu faafiyey majallada lagu qoro cilmi-baadhista caafimaadka ee la yidhaa Lancet Medical Journal.

    Qiyaastii labaatan kun oo qof ayaa ka qayb qaatay tijaabada waxaana dadkaa lagu mudayey laba irbadood oo talaalka ah. Hase yeeshee, waxa markii hore jiray walaac laga qabay talaalkaa markii dawladda Ruushku ogolaatay in dadka la siiyo iyada oo aanay tijaabadiiba dhamaan.

    Wadamo ay ka mid yihiinn Argentina iyo Bolivia ayaa talaalka Sputnik Vee ka door biday talaallada kale ee la soo saaray. Madaxa waaxda maalgashiga ee shirkadda soo saartay talaalkan ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in talaalkan lagu sidki doono kuwa kale ee la soo saaray si dadka dunida loo badbaadiyo.

  2. Maraykanka oo ka cadhooday rag maxkamadda sare ee Pakistan sii daysay

    Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo afar nin oo dhawaan lagu waayey in ay afduubeen oo ay dileen saxafigii Maraykanka ahaa ee Daniel Pearls sannadkii 2002.

    Garsooreyaasha ayaa sheegay in raggaas, oo uu ku jiro ninkii dembiileyaashaas hogaaminayey oo la yidhaa Axmed Cumar Saciid Sheekh iyo saddex kale, ay waajib tahay in la geeyo guri martiyeed oo ay dawladdu leedahay si ay muddo dhawr maalmood ah ugu nastaan iyaga oo aan xorriyadooda xayiraad la gelinayn.

    Go’aankan Maxkamadda Sare ee dalkaasi soo saartay todobaadkii hore wuxuu burinayaa xukunkii hore ugu dhacay raggaas waxaanay u cuskatay in aan caddaymo buuxa la soo hor dhigin. Arintaas ayaa ka cadhaysiisay Maraykanka, hase yeeshee xukuumadda Pakistan ayaa qaadaysa talaabo ay sii daynta raggaa racfaan kaga qaadanayso.

    Axmed Cumar Saciid oo ka mid ah ragga maxkamaddu sii daysay
  3. Tanzania oo sheegtay in aanay soo iibsan doonin tallaalka korona

    WHO ayaa Tanzania ku tirtirsiday in ay ka fekerto talaalka shacabka

    Iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka fayraska korona, ayaa wasiirka caafimaadka Tanzania, Dorothy Gwajima, sheegtay in aanay xukuumadda qorshaha ugu jirin in ay soo iibsato talaalka cudurkaas.

    Hadalkan wasiirka ayaa soo baxay todobaad uun ka dib markii Madaxweyne John Magufuli uga digay shaqaalaha caafimaadka in ay qaataan tallaalka fayraska korona, isaga oo sheegay walow aan caddayn soo bandhigin in talaalkaasi dhibaato u keeni karo bulshada.

    Bishii hore ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku tirtirsiday Tanzania in ay ka fiirsato sidii shacabka dalkaas loo talaali lahaa, laakiin madaxweyne John Magufuli ayaa shaki geliyey wax tarka talaalka waxaanu shacabka ku dhiirri geliyey in ay is uumiyaan oo ay Alla baryaan.

    Tanzania waxay ka mid yahay dhawr dal oo dunida ka mid ah oo aan shaacinin tirada dadka fayrasku ku dhaco. Shaqaalaha isbitaallada ayaa se sheegay in tirada dadka waadhadhka loo dhigayo fayraska ku dhacay iyo kuwa u dhintayba ay kordhayso.

  4. Madaxweyne Deni oo ka degay Cadaado sababo aan la sheegin aawadood

    Deni

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in uu ka qeybgalo shirka madaxda Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa ka degay magaalada cadaado.

    Sida wararku sheegayaan, Madaxweyne Deni ayaa Dhuusamareeb ku tagi doona safar dhanka dhulka ah, lamana cadeynin sababta uu safarka sidaas uga dhigtay.

    Balse, wax loo maleeyay dhawaqa hobiyeyaal ayaa xalay la sheegay in laga maqlay magaalada Dhusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka.

    Ilaa iyo hadda fahfaahin dheeraad ah laga ma hayo dhawaqaasi iyo haddii uu jiro khasaarah ka dhashay.

    Waxaa jiro warar sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada la duqeeyay, balse weli ma jiro war cad oo arrintaas ku saabsan.

  5. Yaa sugaya amniga madaxda ku shireysa Dhuusamareeb?

    .

    Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug waxaa ku sugan madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada oo halkaa lagu wado inay uga arrinsadaan khilaafka harreeyya hanaanka doorashada Soomaaliya.

    Maadama wufuud heer Fedaraal iyo heer maamul gobaleed ah ay magaaladaas joogaan haddaba waxyaabaha muhiimka u ah magaalada waxaa ka mid ah amniga madaxda iyadooo qaar ka mid madaxda maamul gobaleedyada ay wataan ciidamo gaar ah oo amnigooda sugaya.

    Halkan ka akhriso faahfaahinta warbixinta:

  6. Malaayiin shini ah oo laga yaabo in loo laayo heshiiska Yurub iyo Britain

    .

    Malaayin shini ah oo lagu waday in la geeyo UK ayaa laga yaabaa in dib loogu celiyay halkii la keenay ama in la laayo kaddib meel marinta sharcig ka bixidda Ingiriiska ee Midowga Yurub, waxaa hadalkaas laga soo xigtay nin doonayay in shinida uu usoo dhoofiyo UK.

    Patrick Murfet wuxuu doonayaa in shinada uu kasoo dhoofsado Talyaaniga si uu uga ganacsado maadama shiniada ay beeraleyda ka caawineyso xoojinta tayada dalagga.

    Sharciyo cusub oo dhaqan galay ayaa muujinaya in boqorka shinada ah loo dhoofin karo Ingiriiska.

    Sanad kasta Mr Murfet wuxuu UK geeyaa shini badan oo uu kasoo dhoofsado Talyaaniga.

    Si uu uga gaashanto in shinida uu geeyo halkaas uuna u hogaansamo shuruucda cusub, wuxuu go'aansaday in shinida uu marka hore ka dejiyo waqooyiga Ireland bisha April balse waxaa loo sheegay in la laayn doono waa haddii uu isku dayo tallaabadaas.

    Mr Murfet wuxuu sheegay in uu geli doono khaasare lacageed oo gaarayo £100,000 oo gini waa haddii uu dalkaas geyn waayo shinida.

    Patrick Murfet wuxuu si weyn u jeclahay dhaqashada shinida
    Image caption: Patrick Murfet wuxuu si weyn u jeclahay dhaqashada shinida
  7. Muslimiinta UK oo ku dhibban lacagta ribada ah ee lagu dhigto jaamacadaha

    Caasha waxay kamid tahay ardeyda soomaalida ee wax ka dhigta jaamacadaha UK
    Image caption: Caasha waxay kamid tahay ardeyda soomaalida ee wax ka dhigta jaamacadaha UK

    Ardeyda muslimiinta ah ee ku nool dalka UK ayaa sheegayaa inay ku dhibban lacagta ribada ah ee lagu dhigto jaamacadaha dalkaas.

    Sanad kasta ardeyda waxay gaaraan go'aan adag oo ku saabsan sida ay iyagu isaga dabari lahaayeen lacagaha waxbarashada..

    Seynab oo kamid ah ardeydaas ayaa BBC u sheegtay inay dhibaato kala kulmaan lacagaha ribada ah ee waxbarshada maadama aysan jaamacadaha ku biiri karin ribo darteed isla markaana doordibaday inay shaqeysto.

    Ardeyda waxay sheegayaan inay ku qasbanaadeen inay iyagu iska bixiyaan lacagaha waxbarashada iyagoo ka cararaya lacagaha ribada ah ee lagu dhigto jaamacadaha.

    Sanadkii 2013-kii, dowladda UK waxay sheegtay inay hirgelineyso baarnaamij gaar ah oo ardeyda muslimiinta loogu talagalay inay ku maareeyaan waxbarashadooda dhanka jaamacadaha dalkaas.

  8. Shirka Dhuusamareeb oo lagu wado in si rasmi ah uu furmo gelinka dambe ee maanta

    Galinka dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo shirka madaxda Dawladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo kuwoodii ugu dambeeyay qaarna gaareen Dhuusamareeb qaarna ay hadda ku sii socdaan.

    Madaxda Dawladda Federaalka sida madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo shalay halkaasi gaaray.

    Waxyaabaha looga hadli doono shirka waxaa kamid ah heshiiskii madaxda ay ku gaartay Muqdisho 17-kii bishii September, xiisadda ka taagan gobolka Gedo iyo arrinta ku saabsan xubanaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

  9. Taiwan oo Somaliland ka caawineysa horumarinta wax soo saarka beeraha

    Wasaaradda Beeraha Somaliland oo soo saartay tirakoobka dalagii soo go'ay sanadkii 2017-kii (Sawir hore)
    Image caption: Wasaaradda beeraha Somaliland oo soo saartay tirakoobka dalagii soo go'ay sanadkii 2017-kii (Sawir hore)

    Taiwan ayaa billaabaysaa barnaamij ay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaga caawinayso kor u qaadidda wax soosaarka beeraha.

    Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madaxda safaaradda Taiwan ay ku leedahay magaalada Hargeysa oo wadajir u shaaciyay barnaamijkan ayaa sheegay in beeralayda Somaliland lagu barayo sida dhul kooban loogu beeri karo wax badan.

    Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland Rooble Cabdi Muuse ayaa BBC-da u sheegay in barnaamijkan uu kamid yahay mashruucyo dhowr ah ay Taiwan ka hirgelineyso Somaliland si loo horumariyo kobcinta iyo wax soo saarka beeraha.

    "Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah"

    "Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan"

  10. Madaxweynaha Jubaland oo gaaray Dhuusamareeb

    Axmed Madoobe ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb
    Image caption: Axmed Madoobe ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb

    Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb iyadoo lagu wado in halkaas uu ka dhaco kulan looga hadlayo khilaafka ku aadan arrimaha doorashada.

    Waxaa horey halkaas gaaray madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Ra'iisu wasaaraha.

    Dhanka kale wax loo maleeyay dhawaaqa hobiyeyaal ayaa xalay la sheegay in laga maqlay magaalada Dhusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas'uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka.

    Shirkan Dhusamareeb ayaa looga hadli doonaa ismari waaga ka taagan arimaha doorashooyinka oo in muddo ah uu khilaaf ka tagnaa.

  11. Shiinaha oo xabsiga dhigay dad lala xiriiriyay tallaal been abuur ah

    .

    Booliska Shiinaha ayaa xiray in ka badan 80 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen fadeexaad ku saabsan tallaal been abuur ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    Dadkan ayaa laga soo qabtay guud ahaan bariga Shiinaha.

    Waxay sidoo kale dowladda gacanta ku dhigtay in ka badan 3,000 xabbo oo tallaal ah oo been abuur ah.

    Waxaana la sheegay in tallaalkan la qabtay laga sameeyay biyo cusbo ah.

    Fadeexadaha ku saabsan tallaalka been abuurka ah ayaa socday tan iyo bishii September ee sanadkii tagey iyadoo Shiinaha uu sheegay in uu tallaal gaarsinayo 50 malyan oo qof ka hor munaasabadda sanadlaha ah ee xuska sanadka xuska sanadka cusub oo lagu wado inay ka dhacdo Shiinaha dabayaaqada toddobaadkan.

  12. Golaha guurtida Somaliland oo is waafajiyay muddo kordhinta iyo xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada

    Golaha guurtida Somaliland
    Image caption: Golaha guurtida Somaliland

    Golaha guurtida ee Somaliland ayaa sheegay in muddo kordhintii ay u sameeyeen golaha wakiilada ay ku egtahay xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo dowladaha hoose taas oo guddiga doorashada ku cayimeen in la qabanayo 31-ka bisha May ee sanadkan.

    Golaha guurtida ayaa shaley waxay ka shireen sidii la isu waafajin lahaa maalinta doorashada oo komishanka u cayimeen 31 bisha May ee sanadkan iyo muddo kordhintii loo sameeyay golayaasha la dooranayo oo aan dhamaanin kana soo hormartay maalinta komishanka cayimay.

    Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday golaha guurtida inay kasoo talo bixiyaan xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo dowladaha hoose.

  13. Mucaaradka Jabuuti oo farriin u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAD ee dalka Jabuuti ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay madaxeyne Ismaaciil Cumar Geelle in aanu mar shanaad isku soo sharixin hogaaminta dalkaas.

    Sidoo kale waxa uu ka codsaday beesha caalamka gaar ahaan dalalka waaweyn ee saldhigyada milatari ku leh Jabuuti in ay la saftaan shacabka oo aanay taageerin madaxweyne Geelle.

    Duqii hore ee caasimadda Jabuuti imikana ah madaxa xisbiga mucaaradka ee Raad, Cabdiraxmaan Maxamed Geele oo BBC la hadlay ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen ay ku xusan yihiin arrimo dhowr ah oo khuseeyo xaaladda siyaasadeed ee Jabuuti.

    Video content

    Video caption: Mucaaradka Jabuuti oo baaq u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

    Dhawaan ayay aheyd markii mucaaradka ay dowladda Jabuuti ku eedeeyeen in ay cuburinayso xubnaha ka tirsan xisbiyada mucaaradka xilli bisha April lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

  14. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.