Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Soomaaliya oo soo gabagabaysay dooddii ay gudbinaysay Maxkamadda ICJ

    Maxkamadda

    Soomaaliya ayaa soo gabagabeysey gudbinta dooddeedii ku saabsaned muranka badda oo ay horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda addunka ee ICJ, iyadoo ku doodeysa in Kenya ay marar badan ku xadgudubtay madaxbannaanideeda dhuleed ee Soomaaliya .

    Qareennada u doodaya Soomaaliya waxay Kenya ku eedeyeen in ay shidaal ka raadinayso dhulka lagu muransan yahay, iyadoo xitaa ka qoday ceel woqooyiga xadka lagu muransan yahay waa sida ay hadalka u dhigeena.

    Qareennada ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay qiratay inay shati siisay ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal si ay shidaal uga baaraan aaga lagu muransan yahay Soomaaliya-na waxay dooneysaa in ruqsadaha lagala noqdo oo la joojiyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadaas.

    Soomaaliya ayaa doonaysa in loo xaqiijiyo xuquudeeda dhulka, iyo in maxkamaddu ay oggaato xadugudbka kenya isla markaana ay Kenya joojiso xadgudubkaas.

    Maxkamadda ayaa Kenya u qabtay illaa 22-ka bishaan Maarso inay ku soo gudbiso jawaab.

    Kenya ayaa horey u sheegtay in aaney ka qayb galeynin dhagaysiga kiiska.

    Soomaaliya sidoo kale waxay heysataa illaa 26-ka Maarso inay ka jawaabto su'aal uu weydiiyay mid ka mid ah garsoorayaasha oo ku saabsan mowduucyadii ay horay ugala hadleen Kenya ee ku saabsanaa soohdinta lagu murunsanyahay ee badweynta Hindiya.

  2. WHO maxey ka tiri tallaalka karona iyo Afrika?

    WHO ayaa sheegtay in dhiig fadhiisiga iyo tallaalka AstraZeneca aanu wax xiriir ah ka dhaxeynin

    Madaxa talaalka ee Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO,u qaabilsan Afrika ayaa sheegay inuusan doonaynin in dalalka Afrika ay ka aamin baxaan amba ay lumiyaan kalsoonida lagu qabi karo tallaalka AstraZeneca.

    Dr Richard Mihigo oo la hadlayey BBC-da ayaa sheegay in hakinta tallaalka ee ay sameeyeen dalalka Yurub ay abuureyso walaac ku saabsan badeecad illaa iyo hadda la caddeeyey inay sugantahay iyado Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dib u dhigtay bilowga barnaamijkeeda tallaalka sababo la xiriira cabsi laga qabo xinjirowga dhiigga.

    Dowladaha Afrika waxay ku tiirsan yihiin tallaalka AstraZeneca, maadaama uu raqiisan yahay kana fudud yahay dhanka keydinta tallaallada kale.

    Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka la gaarsiiyay tallaalka AstraZeneca oo looga hortago fayraska karona ee dhibaatada badan dunida ku haya.

  3. Dowlad ka laabtay go'aan lagu mabnuucayay Xijaabka

    Dowladdu waxaa ay sheegtay in indha-shareerku astaan u yahay xagjirnimada

    Dowladda Sri Lanka ayaa sheegtay in aysan qaadan doonin go’aankeedii ugu dambeeyay ee mamnuucaya xijaabka iyo indha-shareerka,oo ay xirtaan haweenka Muslimiinta ah maalmo uun ka dib markii wasiir xukuumadda dalkaasi ka tirsan uu sheegay inuu saxiixay amar mamnuucaya dhaqankan.

    Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay inuu ahaa uun soo jeedin, dowladduna ay kala hadli doonto arrintan dhinacyada ay khuseyso oo dhan.

    Sri Lanka ayaa xayiraad ku meel gaar ah saartay indha-shareerka ka dib weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Easter-ka ee sanadkii 2019-kii ka dhacay dalkaas kuwaas oo lagu eedeeyay Islaamiyiinta maxalliga ah.

    Horraantii toddobaadkan, wasiir ayaa ku tilmaamay indha-shareerka mid khatar ku ah amniga qaranka.

    Dadka tallaabooyinkan dhaliilsan ayaa sheegaya in hadalkaan hadda ka soo yeeray dowladda uu u muuqdo mid lagu raali galinayo dadka haysta diimaha kale .

  4. Dhagaysiga kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo maalintii labaad socda

    MAXKAMADDA

    Waxaa maalintii labaad galay dhagaysiga kiiska muranka badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ.

    Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa hadda dooddoodu ka socotaa maxkamadda.Kenya ayaa horey u sheegtay in aaney ka qayb galeynin kiisakaan arrintaas oo maxkamaddu sheegtay in ay ka xuntahay balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda uu lid ku yahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga .

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaley hadal ka jeediyay maxakamadda ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

  5. Madaxweyne Qoor-qoor oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

    Yamamoto iyo madaxweyanaha Galmudug
    Image caption: Yamamoto iyo madaxweyanaha Galmudug

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Donald Y. Yamamoto.

    Waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa dadaallada ku aadan sidii loo qaban lahaa shir looga hadlayo dhameystirka heshiiska arrimaha doorashada Soomaaliya kaas oo uu muran badan harreeyay.

    Qoor-qoor wuxuu sidoo kale kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

    James Swan iyo Axmed Cabdi Qoor-qoor
    Image caption: James Swan iyo Axmed Cabdi Qoor-qoor
  6. Maamulka Koonfur Galbeed: "Waxaa na laga qadiyay mashruuc muhiim ah"

    Wasiirka Hawlaha Guud ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamad Loxos
    Image caption: Wasiirka Hawlaha Guud ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamad Loxos

    Iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay shaaciyeen mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo waddooyin muhim ah oo ku yaala maamul goboleedyada Jubaland, Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Puntland oo ku kacaya 42 milyan oo Euro ayaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in laga qadiyay mashruucaasi.

    Koonfur Galbeed waxay kaloo sheegtay in muddo dheerba ay dowladda iyo Midowga Yuruba uga cabanayeen inaan deegannadooda lagu darin mashruucan.

    Wasiirka Hawlaha Guud ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamad Loxos ayaa BBC-da u sheegay in Koonfur Galbeed uusan marnaba aqbaleynin in laga qadiyo mashruuc noocan ah.

    "Shacabka Koonfur Galbeed iyo dowlad ahaanba ilaa hadda waxaa u cuntami la' mashruuc baaxaddaa leh intaas oo horumar ah ka shaqeynayo in aan Koonfur Galbeed waxbo oogu jirin arrintaa iyada waxaanu ka muujineynaa cabasho"

  7. Tallaalka Karona oo la gaarsiiyay Somaliland

    Waxaa goordhaweyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka degtay diyaarad wadday in ka badan 60,000 kun oo kuuro oo tallaalka fayraska korona ah.

    Tallaalkaas ayey wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland sheegtay in lagu bilaabi doono dadka safka hore kaga jira la dagaallanka cudurka Covid-19.

    Dhawaan ayay aheyd markii Somaliland ay sheegtay in cudurka Covid-19 uu kusoo laba kacleeyay, dadka xanuunka laga helayaana ay kasii bateen intii hore.

  8. Maxaa ka jiraa in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa?

    Dekedda Mombasa waa midda ugu mashquul badan gobolka
    Image caption: Dekedda Mombasa waa midda ugu mashquul badan gobolka

    Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegayo in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinaha uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xiriira deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinaha ku dhisay khadka tareenka.

    Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku guuldareysato inay iska bixiso deynta gaareyso 3.2 bilyan oo doolar.

    Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaantay ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’

    Balse bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa lagu sheegay ‘Gebi ahaanba ma jirto halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda dalka’

    Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanaka’

    View more on twitter
  9. Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka ka hortagga Karona

    .

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 kaas oo shaley la geeyay dalka.

    Waxaana maanta Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Karona.

    Sidoo kale waxaa tallaalka qaatay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar.

    Soomaaliya waxaa shaley la geeyay ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 shacabka ku nool halkaas.

    Quote Message: “Mas'uuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey, muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” from Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya
    Maxamed Cabdullaahi FarmaajoMadaxweynaha Soomaaliya
    .
  10. Abaaro ka taagan deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Dadka ku nool Gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Somsalida ee Itoobiya ayaa ka cabanaya biyo la’aan baahsan oo ka taagan halkaas.

    Waxay sheegeen in abaarta ay goordhow saameyn doonto dadka haddii aan gurmad lala soo gaarin.

    Geedi Cabdi Calasow waxaa oo kamid ah dadka ku nool deegaanka Darse oo hoos taga degmada Doollo-baay ayaa BBC u sheegay in biyo la’aan baahsan ee saameysay deegaanka isla markaana ay harraad iyo oon u dhimanayaan xoolaha.

    Video content

    Video caption: Abaaro ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
  11. Khuburro loo xil saaray inay baaraan tallaalka ka hortagga Karona

    Dalal badan oo ka tirsan Yurub oo joojiyay isticmaalka tallaalkan
    Image caption: Dalal badan oo ka tirsan Yurub oo joojiyay isticmaalka tallaalkan

    Khuburro loo xil saaray inay wax ka ogadaan badqabka tallaalka Karona oo ka socday Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa maanta yeelanaya shir ay uga golleeyihiin inay dib u eegis ku sameeyaan tallaalka ka hortagga cudurka Karona ee Oxford-AstraZeneca kadib dalal dhowr ah oo ka tirsan Yurub ay joojiyeen adeegsiga tallaalka.

    Waxaa jira ilaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo dadka tallaalka qaatay uu ku dhacay xinjirowga dhiigga.

    UK iyo WHO waxay sheegeen in uusan jirin caddeymo ku aadan in tallaalka lala xiriiriyay xinjirowga dhiigga.

    Waaxda dawooyinka u qaabilsan Yurub ayaa maanta shir ka yeelanaya walaaca laga muujiyay tallaalka.

    Waxaana lagu wadaa inay kasoo saaraan go'aan ku aadan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

    Ku dhawaad 17 milyan oo qof oo ku nool Yurub iyo UK ayaa qaatay tallaalka ka hortagga Covid-19 xilli lasoo weriyay kiisas ku saabsan in dad qaatay tallaalka lagu arkay xinjirowga dhiigga.

    Dhawaan ayay aheyd markii Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ay ugu baaqday dalalka in aysan joojin isticmaalka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira inuu sababo xinjirowga dhiigga.

  12. UK oo Soomaaliya ku dartay dalalka ay ka mamnuucday dalkeeda

    .

    Xukuumadda UK ayaa sheegtay in wixii loo gaaro 19-ka bishan Maarso aysan dalkeeda soo geli karin dadka ka imaanaya Soomaaliya ama safarka ku sii maray 10-kii cisho ee ugu dambeeyey sababo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19.

    Sidoo kalena muwaadiniinta Ingiriiska iyo Ireland iyo muwaadiniinta kale ee haysta degenaanshaha UK ee imaanaya England kana imaanaya Soomaliya ayaa looga baahnaan doonaan in ay huteellada isku karantiilaan isla markaana ay iska bixiyaan kharashka.

    UK ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka heysta dhalashada dalkaas ee ku sugan Soomaaliya inay taxaddaraan.

  13. Madaxweyne Qoor-qoor oo goordhaw gaaray Muqdisho

    .

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Waxaana la filaya inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee dhawaan ka furmaya Muqdisho,waxaana hore u sii joogay caasimada Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

    Waxaan wali Muqdisho soo gaarin madaxweynaha Koonfur Galbeed.

  14. Dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo maalintii labaad galeysa

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shaley hadal ka jeediyay maxkamadda
    Image caption: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shaley hadal ka jeediyay maxkamadda

    Waxaa maanta halkeedii ka sii socon doonta dhagaysiga dacwadda ee kiiska badda ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya inkasta oo Kenya ay sheegtay in ay ka baxday kiiskaas.

    Qareenada difaacaya Soomaaliya ayaa maanta mar kale jeedin doona dooddooda, ayadoo sidii markii hore qorshuhu ahaa lagu waday in qareennada Kenya ay berri bilaabaaan doodooda balse haatan taasi aanay dhici doonin kaddib markii Kenya ay isaga baxday dhagaysiga dacwadda.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaley hadal ka jeediyay maxakamadda ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

    Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga .

  15. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.