Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Sudan oo oggolaatay in Imaaraatka uu dhexdhexaadiyo ayaga iyo Itoobiya

    Xiisadda Sudan iyo Itoobiya
    Image caption: Xiisad ayaa in muddo ah u dhaxeysay Sudan iyo Itoobiya

    Gollaha wasiirada dalka Sudan ayaa meelmariyay dedaalo dowladda Imaaraatka Carabta ay ku dooneyso inay ku dhexdhexaadiso dalalka Sudan iyo Itoobiya oo uu u dhaxeeya khilaaf dhanka xadka.

    Dalalkan oo sidookale isku haya qaabka loo buuxinayo biyo xireenka dowladda Itoobiya ay dhistay ee wabiga Nile ayaa xukuumadda Dubai waxaa sidookale la sheegay inay dooneyso inay soo dhex-gasho khilaafka wabiga Nille ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Masar oo isku dhinac ah iyo dowladda Itoobiya.

    Dhulka qaniga ku ah beeraha ee Fashaga oo ku yaalla halka ay ku kulmaan xadka gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyo Sudan ayaa ah dhul ay sheegtaan labada dal, waxaana muddooyinkii dambe uu xuddun u noqday isku dhac iyo xiisad diblomaasiyadeed ee u dhaxeysay Sudan iyo Itoobiya.

    Xiisadda labada dal ayaa keentay cabsi ah in laga baqo inay sii baahdo.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo maalin kahor sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Sudan ayaa xukuumaddiisa waxay horay u sheegtay in aysan oggolaan doonin daraf saddexaad oo aan ka ahayn Midowga Afrika in uu soo farageliyo khilaafka ka taagan biyo xireenka Nile.

  2. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Itoobiya oo eedeeyay ciidanka Eritrea

    Magaalada Aksum ee Tigray
    Image caption: Magaalada Aksum

    Guddiga xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya oo warbixin kasoo saaray xaaladda gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidmaada Eritrea ay magaalada Aksum ee gobolkaas ay ku dileen inkabadan 100 qof oo rayid ah bishii Nofembar ee sanakdii tegay.

    Warbixintan ay soo saareen guddigan oo ah mid dowladeed ayaa lamid ah warbixino ay horey usoo saareen hey’adaha caalamiga ee xuquuqul insaanka.

    Guddigu waxaa kale oo ay sheegeen in dilka, burburinta xarumaha dadweynaha sida goobaha cibaadada iyo kuwa caafimaadka ay ka dhigan tahay dembi dagaal.

    Guddigan oo wareystay markhaatiyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay gur-guri u galeen magaalada, ayna dalbanayeen in qoysaska ay soo saaraan ragga, kuwaas oo marka la qabto la tooganayay.

    Sidookale dadkaas markhaatiyaasha ah ayaa sheegay in dadkii isku dayay inay uruuriyaan meydadka la toogtay.

    Warbixinta guddigan ayaa imaneysa ayadoo ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abiy Ahmed uu maalin kahor qiray in ciidmaada Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalka ka dhanka ah TPLF ee gobolka Tigray.

  3. 'Waxaan dhiseynaa Jubaland loo dhan yahay'

    Abdishakur Asowe

    Journalist, Nairobi

    .

    Wasiirkii hore ee Amiga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur "Janan" oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubaland "uusan horay u ahayn mid loo dhan yahay".

    Hadalkan ayuu Janan sheegay kaddib markii uu heshiis shakhsi ah la galay dowladda federaalka Soomaaliya.

    "Jubaland la isku raacsan yahay oo loo wada dhan yahay, caddaaladdeeda loo wada siman yahay iyo horumarkeeda marna ma dhicin oo ma jirin, laakiin hadda ayaan ka shaqeyneynaa in Jubaland umadda Soomaaliyeed ee reer Jubaland ay isku raacsan yihiin aan ka shaqeyno," ayuu yidhi Janan.

    View more on facebook

    Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xilka ka qaaday wasiirkii amniga maamulkaas, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, ka dib markii ay soo baxday in uu la heshiiyay dowladda Federaalka.

    Ma jiro wax war ah oo mas'uuliyiinta Jubaland ay kasoo saareen hadalka kasoo yeeray Cabdirashiid Janan, noomana suuroobin isku day aan u sameynay inaan la xiriirno oo ay ka jawaabaan.

  4. Daraasad muujineysa in musuqmaasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya

    Lacag Soomaali
    Image caption: Lacag Soomaali

    Hey’ad la dagaallanta musuqmaasuqa Soomaaliya oo daraasad ka sameysay heerka musuqa ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya.

    Daraasaddan cusub oo ay sameysay hey’adda Marqaati ayaa muujineysa in qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan 50 boqolkiiba dadkii ay la hadashay hey'adda ay sheegeen inay bixiyeen laaluush sanadkii lasoo dhaafay.

    Afar iyo toban boqolkiiba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya ayay daraasaddu muujineysaa inay laaluush bixiyeen, halka qaarkoodna ay toddobaadkiiba mar bixiyaan.

    Inta badan lacagahan laalushka ah ayaa la sheegay in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

    Ciidamada maamul goboleedyada iyo kooxda Al Shabaab ayaa daraasaddu muujineysaa inay meel sare kaga jiraan liiska.

    Hey’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Marqaati waxaa kale oo ay sheegtay in musuqa uu aad ugu badan yahay meelaha ay ka talliyaan maamul goboleedyada.

  5. Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faragelin shisheeye

    Cisman Dubbe
    Image caption: Cisman Dubbe

    Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka digtay wax ay ku tilmaamtay faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha.

    Xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya ay ilaaliyaan madaxbannaanida Soomaaliya.

    Wasiirka warfaafinta ee dowladda federaalka, Cismaan Dube oo weriyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qoraallo ay soo saareen safiirada dalalka shisheeye qaarkood aysan waafaqsaneyn shuruucda diblumaasiyadeed.

    “Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin”, ayuu yiri wasiir Dubbe.

    Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qoraallo adag lasoo dhigay baraha bulshada ee safaaradaha shisheeye qaarkood, taas oo u muuqatay mid lagu canaanayo hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee wali isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka.

  6. Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweeyay Beled Xaawo

    .

    Waxaa maanta Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku qaabilay wasiir dowlaha wasaaradda gadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala

    Waxaana la socday ciidamo fara badan oo isaga ka amar qaata kuwaasoo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dowladda.

  7. Qaramada Midoobey oo ka hadashay qorshaha Kenya ay ku xireyso xeryaha Dhadhaab

    Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab
    Image caption: Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

    Ha'yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Kenya ay ha'yadda ku wargelisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma muddo gaaban gudahood.

    UNHCR waxay sheegtay in go'aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

    Waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas'uuliyiinta Kenya.

    "UNHCR waxay taageero la garab taagan tahay dowladda Kenya gaar ahaa in lasii xoojiyo howlaha socday si xal loo gaaro isla markaana la qaddariyo dadka qaxootiga ah" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.

  8. Cudurka Karoona oo fara ba'an ku haya Baydhabo

    Magaalada Baydhabo
    Image caption: Magaalada Baydhabo

    Warrarka laga helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya inay korodhay tirada dadka u dhimanaya cudurka COVID19 iyadoo la soo weriyay labadii bilood ee ugu dambeeyay inay dhinteen tobannaan qof.

    Maamulka magaalada ayaa isku dayaya inay xakameeyaan faafitaanka cudurka oo sidoo kale la soo sheegay inay u jiifaan boqollaal qof.

    Maayarka Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay mamnuuceen isu imaatinnada ay kamidka yihii tacsida iyo aroosyada.

    Wuxuu intaas ku daray in laa 230 qof ay cudurka ugu dhimatay Baydhabo, sidaas darteed ay qaadeen tallaabooyinkan lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

  9. Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweynayo Beled Xaawo

    Magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxa ka socotaa qabanqaabada munaasabadda lagu soo dhaweynayo wasiirkii amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Wasiir Janan ayaa waxaa la socda ciidamo faro badan oo isaga ka amar qaata kuwaasoo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada Dawladda.

    Goor sii horeysayna madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamad Islaam ayaa sheegay inuu xilkii ka qaaday wasiir Cabdirashiid Janan.

  10. Biden oo ka hadlay gantaallo ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

    Biden ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shir jaraa'id ku qabtay Aqalka Cad
    Image caption: Biden ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shir jaraa'id ku qabtay Aqalka Cad

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in gantaallada riddada gaaban ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi aysan aheyn kuwo daandaansi ah.

    Biden wuxuu intaas ku daray in saaraakiisha gaashaandhigga Mareykanka in tijaabada gantaallada ay tahay arrin iska caadi ah isla markaana wax dhib ah aysan horseedeyn tallaabada ay qaadeen.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay tijaabisay labo kamid ah gantaallada riddada gaaban kuwaas oo ku dhaca xeebaha badda Yellow Sea.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa markii hore tebisay tijabaada gantaallada, waxaana markii dambe xaqiijiyay saraakiil Amerikaan ah iyo wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Waqooyi.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli maamulka Biden uu waday isku dayo uu kala xiriirayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

    Gabadha awoodda badan ku leh dalka Kuuriyada Waqooyi ee la dhalatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un ayaa dhawaan cambaareysay dhoolatuska militari ee ay sida wadajirka ah u qabteen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

  11. Baaqa beesha caalamka ay u jeediyeen madaxda Soomaalida

    Weli waxaa Muqdisho ka taagan khilaafka ku aaddan doorashada xilligeedii ka dib dhacday.

    Waxaa taagan baaqyada kasoo baxay Beesha Caalamka xilli magaalada Muqdisho uu weli ka taagan yahay khilaafka arrimaha doorashada.

    Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay degdeg xal uga gaaraan arimaha ku gedaaman doorashada.

    Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in madaxda Soomaalida ay si deg deg ah uga heshiin doono arrimaha doorashada si loo qabto doorasho nabad ah.

    Shir uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana la filayay in shalay lagu saxiixo heshiiska doorashada ayaan sidii la filayay u dhicin.

    Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn ay uga walaacsan yihiin ismari-waagga siyaasadeed ee sii socda ee harreeyay doorashada Soomaaliya.

    Qaramada Midoobey waxay dowladda ugu baaqday in laga khilaafka si loo sii ambaqaado shirkaa ka socday garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

    Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirka iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

    View more on twitter
    View more on twitter
  12. Qarax lala eegtay bas marayay Mandheera

    Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Mandera iyo Lafey
    Image caption: Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Mandera iyo Lafey

    Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala eegtay bas marayay meel u dhexeysa magaalada Mandheera iyo degmada Lafey, waxaana qaraxa ku dhawaacmay ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen booliska.

    Baska rakaabka ah ayaa waxaa saarnaa 15 qof xilli miinada ay la qaraxday abbaare lixdii subaxnimo.

    Baraasabka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay inay jiraan dad dhaawacyo culus uu soo gaaray isla markaanaku amray in loo duuliyo magaalada Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.

    Waxaan deegaankan horey uga dhacay weeraro dhowr ah oo looga shakisanaa inay geysteen ururka Al Shabaab.

  13. Kenya oo dalbatay qorshe lagu xirayo xeryaha Dhadhaab

    Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha'yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha.

    Kenya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha xiritaanka xeryahan aanan wax wadahadal oo kale laga yeelan doonin.

    View more on facebook
  14. Dowlad Deegaanka iyo Hirshabeelle oo heshiis ka garaay dhul lagu muransanaa

    Mas'uuliyiin ka socda dowlad deegaanka Soomaalida iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku heshiiyay qaab xal looga gaari karo deegaanno ku teedsan xuduudda oo ay horay uga dhaceen dagaallo salka ku hayay muran ka dhashay dhul beereed.

    Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in beeraha lagu muransan yahay ay xannibaan oo aysan cidna tabcan karin illaa loo go'aaminaya shakhsiyaadka xaqa u leh.

    Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Cabdullaahi Dheere) oo ah kuxigeenka hoggaanka nabadgelyada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa BBC u sheegay in khilaafka ka dhashay dhul beereedka uu in muddo ah soo jiitamayay isla markaana heshiis laga gaaray muranka.

    Video content

    Video caption: Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobbiya iyo Maamulka Hirshabeelle oo ka heshiiyey dhul beereed cido labada dhinac ka tirsani isku haysteen.
  15. Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Cabdirashiid Janan

    Cabdirashiid Janan
    Image caption: Cabdirashiid Janan

    Warqad kasoo baxday madaxweynaha Jubaland ayaa xilka looga qaaday wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

    Jubaland kama aysan hadlin sababta xilka ka qaadista loogu sameeyay Janan.

    Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka uu u socdo wadahadallo.

    CabdirashidJanan ayaa shaley BBC u xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin.

    .
  16. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.