Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya oo hawl gallo ka wada xeryaha qaxootiga Suuriya

    Colaadda Suuriya ka taagan
    Image caption: Colaadda Suuriya ka taagan

    Kurdiyiinta Suuriya iyo kooxo miditiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay hawl gal nabadgelyo ka bilaabmeen xero qaxooti oo ay ku jiraan qoysaska miditiinta kooxda la baxday dawladda Islaamka oo ku taal woqooyi bari Suuriya.

    Hay’adda la socodka gabood fallada xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in la xidhxidhay tobanaan qof.

    Af-hayeen u hadlay xoogagga dimuqraadiga ah ee Suuriya ayaa sheegay in qiyaastii lix kun oo dagaalyahan ay ka qayb galeen hawl galkaas oo bilaabay waaberigii oo la doonayey in lagu soo afjaro dilalka ka dhaca xerada Al-Hawl oo lagu eedeeyey in ay fuliyaan miditiinta Daacish.

    Sannad kii hore waxa xeradaa lagu dilay saddex iyo soddon qof sannadkan 2021 kana waxa lagu khaarajiyey afartan qof.

  2. Madaxweynaha Brazil oo aflagaado haween lagu ganaaxday

    Jair Bolsonaro
    Image caption: Jair Bolsonaro

    Maxkamad ku taal Brazil ayaa ku xukuntay madaxweynaha dalkaas lacag dhan 3500 oo doolar oo magdhow uu u siiyo haweenay saxafiyad ah oo uu erayo laf jab ah ku yidhi.

    Jair Bolsonaro ayaa bishii Feeberweri ee sannadii 2020 sheegay in haweenaydaas weriyaha ahi ay jidhkeeda u bixiso si ay u hesho xogaha lidka ku ah isaga.

    Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in Madaxwene Bolsonaro dhaawacay sharafta haweenaydaas.

  3. Weriyeyaal Kenyan ah oo loo xidhay aflagaado haween oo ay idaacad ka sii daayeen

    Mid ka mid ah weriyeyaasha shaqada laga eryey
    Image caption: Mid ka mid ah weriyeyaasha shaqada laga eryey

    Saddex weriye oo ka shaqayn jiray idaacad Kenya laga leeyahay ayaa shaqada laga eryey ka dib markii ay haweenay la faraxumeeyey iyadii eedda saareen oo ay ku soo hadal qaadeen barnaamij ay daadihinayeen.

    Waxa lagu eedeeyey in ay dacwad maxkamad hor taal oo ku saabsan nin lagu eedeeyey inuu haweenay ay Facebook iska barteen ka tuuray guri ku yaal dabaqa 12 daaqadiisa oo kulankoodii ugu horeeyey ka dhacay.

    Maamulka Kenya ayaa sheegay in weriyeyaashaasi raganimo ku tilmaameen dhibaatada haweenka loo gaysto, waxaana la joojiyey barnaamijkiii ay idaacaddaa ka sii dayn jireen.

    Idaacadda ay u shaqaynayeenna waxa lagu ganaaxay lacag dhan hal milyan oo shilin ka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 9000 oo doolar iyo dheeraad.

  4. Milatariga Myanmar oo lagu dhaleeceeyey rayidka la laayey

    Rayidka oo yaacaya rasaasta ciidanku ku ridayo
    Image caption: Rayidka oo yaacaya rasaasta ciidanku ku ridayo

    Ciidamada nabadgelyada Burma ayaa lagu soo waramayaa in ay tacshiirad ku fureen dad ka qayb galayey aaska mid ka mid ah dadkii lagu dilay mudaharaadadii Sabtidii dhacay ee lagaga soo horjeeday afgembiga milatari.

    Dad goob joog ahaa ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in aanay cidna waxba ku noqon goobtaas oo ku taal duleedka magaalada ganacsiga ee Yangon, laakiin ugu yaraan laba qof oo kale lagu dilay mudaharaaddo mar kale ka bilaabmay dariiqyada oo lagaga soo horjeedo milatariga oo boqol qof iyo dheeraad Sabtidii laayey.

    Warbxin dhif ah oo ay si wada jira u soo saareen taliyeyaasha ciidamada laba iyo toban dal ayaa lagu cambaareeyey Myanmar oo lagu dhaleeceeyey awoodda ay u adeegsanayso rayidka aan hubaysnayn.

  5. Howlgallo ka socda waqooyiga Mozambique kadib weerar ka dhacay Palma

    Kumanaan qof ayaa ka qaxay waqooyiga Mozambique tan iyo markii maleeshiyaadka ay weerarada ka bilaabeen halkaas
    Image caption: Kumanaan qof ayaa ka qaxay waqooyiga Mozambique tan iyo markii maleeshiyaadka ay weerarada ka bilaabeen halkaas

    Howlgallo lagu soo badbaadinayo shaqaale ajaaniib ah oo ku xayiran magaalada Palma ayaa ka socdaa waqooyiga Mozambique.

    Shaqaalahan ayaa ku go'doonsan magaalada xeebta ku taalla ee Palma halkaas oo maleeshiyaad islaamiyiin ah ay weerar ku qaadeen.

    Doomo ayaa loo diray Palma si loogu soo daadgureeyo shaqaale ku howlanaa shidaal qodis kuwaas ku go'doonsan maqaaxi ku taalla halkaas iyo deegaanno kale oo ku yaalla Mozambique.

    Dadka qaar waxay u carareen dhinaca keymaha.

    Warar ayaa sheegayo in koox dadka deegaanka ay u yaqaannaan 'Al Shabaab' ay burburiyeen guryo ku yaalla magaalada.

    Dowladda Mozambique weli kama aysan hadlin weerarka ay maleeshiyaadka ku qaadeen halkaas.

    Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in kumanaan qof ay ka qaxeen magaalada Palma kadib weerarka.

  6. "Markii wax dhacayeen ma joogin" liiska 15-ka xildhibaan ee la mamnuucay waa la iigu daray

    Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada 15-ka ah uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka saaray ayaa sheegay in isaga lagu soo daray liiska xildhibaanada la sheegay in shirka ay is hortaageen balse uusan joogin kulanka.

    Wuxuu intaas ku daray in liiska horraanba lasii diyaariyay.

    "Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay...warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn"

    Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku gacan seydhay xayiraad uu guddoonka ka saaray ka qeybqaadashada shanti fadhi ee baarlamaanka oo soo socota.

    Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo nuqul ka mid ah BBC-da la soo gaarsiiyay, ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15-ka xildhibaan.

    Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasa yeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda qarsoon ay wateen oo ay donayeen iney meelmariyaan.

    Guddoonka baarlamaanka weli kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

    Video content

    Video caption: Dr Cilmi Maxamed Nuur
  7. Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale lagu wado inay yeeshaan kulan

    Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro.

    Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

    Guuldarro ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay ee ahaa in lagaga hadlo cudurka Covid-19.

    Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

    View more on facebook
  8. Masar oo ay ka socdaan dadaallo lagu furayo kanaalka Suez ee xirmay

    .

    Waxaa dalka Masar ka socdaa dadaallo lagu soo jiidayo markab xiray marin muhiim u ah kanaalka Suez kaas oo hakad geliyay isu socodka maraakiibta isaga kala goosho halkaas.

    Qalab badan oo lagu soo jiidayo markabka ayaa la gaarsiiyay kanaalka Suez.

    Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in meel wanaagsan ay marayaan dadaallada marinka looga soo jiidayo markabka isla markaana ay suurtagal tahay in saacadaha nagu soo aadan laga saaro goobta.

    Markabka Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa xiray kanaalka Suez isaga oo doonayey inuu galo badda Mediterranean.

    Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Talaadadii fariistay meel muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.

  9. Qarax ka dhacay kaniisad ku taalla Indonesia

    Qaraxa ka dhacay afaafka hore ee kaniisadda
    Image caption: Qaraxa ka dhacay afaafka hore ee kaniisadda

    Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay afaafka hore ee kaniisad ku taalla caasimadda Indonesia ee Makassar.

    Booliska waxay sheegeen in labo qof oo isa soo miidaamiyay ay beegsadeen dad saaka ka baxayay kaniisadda isla markaana ay ku dhinteen qaraxa.

    Weerarro dhowr ah ayaa horraan ka dhacay Indonesia, waana dal ay ku nool yihiin muslimiin badan.

    Wasiirka arrimaha diinta Indonesia ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuu ugu baaqay booliska inay sare u qaadaan howlgallada lagu ilaalinayo amniga goobaha cibaadada.

  10. Somaliland oo shaacisay kiisas cusub oo ku saabsan Covid-19

    Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay 38 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baaray 145 qof.

    Guud ahaan cudurka Somaliland waxaa laga helay 2,855 qof halka tirada dhimashada ay gaareyso 133 qof.

    Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

    bbc
  11. Biyo la'aan ka jirta deegaanno ka tirsan Mudug

    Qaar ka mid ah deegaannada ku yaalla waqooyi-bari gobolka Mudug ee mamaul-goboleedka Puntland ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo yari baahsan, iyadoo roobabkii Gu’ga ee la filayay inay da’aanna ay u muuqdaan kuwo soo daahay.

    Deegaanka Qorilley oo ka mid ah meelahaas abaaraha laga soo sheegayo ayaa dadka deegaanka waxay sheegayaan in dadka iyo duunyaduba ay biyuhu gabaabsi ku yihiin, oo haddii aanay roobabka di’in ay galayaan xaalad biyo la’aan oo halis ah.

    Siciid Cabdullaahi Cumar oo kamid ah odeyaasha deegaanka ayaa BBC u sheegay in dad badan ay biyo la'aan uga qaxeen deegaanno ka tirsan gobolka isla markaana dadka iyo xoolaha ay u baahan yihiin biyo.

    Video content

    Video caption: Biyo la'aan ka jirta deegaanno ka tirsan Mudug
  12. Mozambique: Maleeshiyaad weerar gaadmo ah ku qaaday dad firxad ahaa

    Dagaalka ayaa maalmo ka socday magaalada Palma
    Image caption: Dagaalka ayaa maalmo ka socday magaalada Palma

    Maleeshiyaad ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo baabuur ah oo isku dayeysay inay badbaadiyaan dad maqaaxi ku xayirnaa xilli uu dagaal ka socday waqooyiga Mozambique, sida ay wararka sheegayaan.

    Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka balse wax faahfaahin ah lagama hayo weerarkaas.

    Boqolaal shacab ah ayaa ka qaxay dagaalka kaas oo Arbacadii ka bilowday magaalada Palma, waxaana dadkaas kamid ah shaqaale ajaaniib ah oo ku howlanaa shidaal qodis.

    Shirkadda wayn ee shidaalka qodda ee Total ayaa waxa ay hakisay inay waqooyi bari Mozambique dib uga bilowdo qodista gaaska dabiiciga ah kaddib maleeshiyaad halkaas ka dagaalama ay weerrar ku ekeeyeen magaalada halkaas u dhaw ee Palma.

    Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa miciin biday gacanka Afugi oo ah goobta shidaalka laga qodayo.

    Shirkadda ayaa sheegtay in shaqaalaheeda aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin dagaalka.

    Waase markii labaad oo ay shirkaddaasi howlaheeda arrimo ammaan u hakinayso.

  13. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.