Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Booliska Dubai oo xiray dalxiisayaal sharciga dalkaasi ku xadgudbay

    Dubai
    Image caption: Dubai

    Booliska Dubai ayaa xiray koox dalxiisayaal lagu soo eedeeyey iney meel fagaara ah muuqaallo qaaqaawan ay isaga dubeen kaddibna soo dhigay baraha bulshada.

    Muuqaalka oo ay dalxiisayaashu Sabtidi baraha bulshada ku baahiyeen waxaa ka muuqda dumar koox ah oo qaaqaawan oo muuqaallo meel fagaara ah isaga duubaya.

    Qunsulka Ukraine u jooga Dubai wuxuu BBC-da u sheegay dadka ay booliska Dubai xireen iney ku jiraan 11 dumar ah oo Ukraine u dhashay.

    Warbaahinta Ruushkana waxay sheegeen dadka la xiray iney ka mid yihiin muwaaddiniin u dhashay Ruushka.

    Qofka oo meel fagaara ah si ulakac ah isugu qaawiyo sharciga Dubai wuxuu ku muteysanayaa ilaa iyo lix bilood oo xarig ah ama ganaax dhan 5,000 oo dirham.

    Sharciga dalka Iisutagga Imaaraadka Carabta oo intiisa badan waafaqsan shareecada islaamka waxaa jiro ficillo lagu muteysanayo xarig oo uu ka mid yahay xiriirka dhex maro dadka isku jinsiga ah.

  2. Turkiga oo xabsiga u taxaabay saraakiil howlgab ah

    Marin biyoodka uu Turkiga kanaalka cusub uu ka disayo ee ku yaala Istanbul

    Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 10 sargaal oo howlgab ah kaddib marki ay si cad u cambaareeyeen mashruuca kanaalka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hindisay oo laga dhisayo biyo mareen muhiim ah.

    Saraakiishaan howlgabka ah ee la xiray waxay ka mid ahaayeen 104 sargaal oo saxiixay warqad caqabad ku ah mashruuca Erdogan uu damacsan yahay ee Bosphorus Strait.

    Marin biyoodkaasi oo ah mid ay maraakiib badan isticmaalaan ayaa isku xiraa Badda Madow iyo badda Mediterranean.

    Saraakiisha la xiray waxaa lagu soo oogay dacwad ah "iney ku heshiiyeen sameynta dambi halis ku ah amniga iyo awaamiirta dastuuriga ee dalka".

    Iyaga oo la mid noqonaya saraakiil ciidan oo aad u badan oo horay loogu maxkamadeeyey isku daygii afgembigii dhicisoobay ee Erdogan lalal damacsanaa oo dhacay 2016-kii

  3. Ra'isal wasaaraha Isra'el oo la maxkamadeeyey

    Ra’isal wasaaraha Isra'el Benjamin Natanyahu

    Maxkamadda Isra’el ee dhageysanaysa dacwadda musuqmaasuqa ee ra’isal wasaare Benjamin Natanyahu ayaa loo sheegay inuu awood u sheegtay marin habaabinta saxaafadda.

    Ilan Yeshua oo ah markhaatiga ugu horreeyey oo maxkamadda dhageysaneysa dacwadda Netanyahu maanta hortagay wuxuu sheegay inuu ku qasabay shabakadda wararka ee Walla uu isaga mas'uulka ka ahaa inuu ku qoro warbixinno lagu weerarayo dhinacyada ay siyaasadda isaga soo horjeedaan.

    Dacwad oogayaasha waxay sheegeen nin shabakadda wararka ee Walla ka shaqeynayey warbixin uu sida uu rabay ugu qoray uu ku abaalmariyey go'aan malaayiin doolar u dhigma.

    Balse eedda laba ninba loo soo jeediyey waa ay diideen.

    Natanyahu xilliga maxkamadda la soo taagayey xisbigiisa Likud waxay la kulmeen madaxweynaha Isra’el waxayna kula taliyeen in ra’isal wasaaraha amar lagu siiyo inuu soo dhiso dowlad cusub, oo isbahaysi ah.

  4. Dad ka badan 18 qof oo lagu dilay gobolka Daarfuur

    Daarfuur

    Dhakhaatiir ku sugan dalka Suudaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay, 50 qofna ay ku dhaawacmeen dagaal Galbeedka Gobolka daarfuur ku dhex maray beelo halkaasi wada daga.

    Dagaalka ka socda meel u dhow magaalada Al-Janiinah oo bilaawday maalintii Sabtida.

    Wararku waxay intaasi ku darayaan gaadiidka gurmadka degdegga oo siday dad dhaawac ah in la weeraray.

    Gobolka Daarfuur waxaa ku yaalla xerooyin loogu tala galay dadka ka soo qaxay colaaddii lagu hoobtay ee soo billaabatay 2003.

    Walina waxaa gobolka ka dhaca isku dhacyo salka ku haya helitaanka dhul iyo biyo.

    Dowladda ku meelgaarka ah ee Khartoum waxay heshiis nabadeed la gashay kooxaha macaaradka ah ee ku sugan deegaannada ay colaadda ugu badan ka taagneyd oo ay ka mid tahay Daarfuur.

  5. Ugu yaraaan 113 qof oo ku dhimatay daadad ku dhuftay Indonesia

    Daadad ku dhuftay Indonesia
    Image caption: Daadad ku dhuftay Indonesia

    Daadad ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo ku dhuftay dalka Indonesia ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 100 qof qaarkalana la la'yahay.

    Dhul go’ ka dhacay Jasiiradda Flores ee dalka Induunissiya ayaa sababay inuu gabiyada jabsado biyo xireen halkaasi ku yiillay kaddibna qarqiyey kumannaan guri oo ku yalalay toddoba tuulo oo jasiiraddaasi ku yiillay.

    In ka badan 40 qof ayaan weli geeri iyo noolal lagu hayn iyada oo laga cabsi qabo iney tirada dhimashada sii kororto.

    Madaxweynaha Induniisiya Joko Widodo wuxuu telefishiinka afka dowladda ku hadlo uu tacsi uga diray ehelada dadki masiibada daadadka ku dhintay.

  6. Qoor-qoor: Ma waxaa sii dhamaaneysay muddada dastuurka uu u ogolanaayo in uu kasii maqnaado Galmudug?

    .

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaw dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib in muddo ah uu ka maqnaa maamulka.

    Wuxuu kamid ahaa madaxdii xerada Afisyoone uga qeybgalaysay shirka horudhac ahaa ee la doonayay in looga sii hadlo khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya.

    Wararka waxay sheegayaan in sababta uu dib ugu laabtay maamulka ay tahay in muddada dastuurka Galmudug uu u ogolaanayo in uu kaga sii maqnaado maamulka ay sii dhamaaneysay sidaa darteed uu si deg deg ah kaga soo laabtay Muqdisho.

  7. Wafdi ka socda Zambia oo tagay Somaliland

    .

    Wafdi ka socda dalka Zambia ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax bannaanida ee Somaliland kuwaas oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

    Waxaana wafdigan hoggaaminayay wasiirka caddaalladda Zambia iyo mas'uuliyiin kale, waxaa soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa BBC u sheegay in wafdigan ay casuumaad u fidiyeen isla markaana ay ka qeyb tahay dadaalladaa ku aadan qadiyadda madaxbanaanida iyo sidii xiriir iyo iskaashi ay ula yeelan lahaayeen dalal dhowr ah.

    Waxaana lagu wadaa in wafdigan ay kulan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland ayna ka wadahadli doonaan arrimo siyaasadeed iyo kuwo iskaashi.

    Wafdiga waxaa horkacayay wasiirka caddaalladda Zambia
    Image caption: Wafdiga waxaa horkacayay wasiirka caddaalladda Zambia
  8. Dabley weerartay xabsi ku yaalla Nigeria

    .

    Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsi iyo saldhig boolis oo ku yaalla koonfurta Nigeria, waxay dableyda ku guuleysatay inay xabsiga kasii daayaan maxaabiis ku xirnaa halkaas.

    Goob joogayaal ayaa sheegay in saaka ay maqleen dhawaaqa rasaasta xilli kooxda ay weerarayeen xabsiga ku yaalla magaalada Owerri.

    Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ugu yaraan 30 baabuur oo la gubay iyo dhowr guri.

    Ha'yadda Amnesty International ayaa sheegtay in xabsiga Oweri ay ku jireen 2,000 oo maxaabiis ah inkasta oo saraakiisha ay BBC u sheegeen in xabsiga uu qaadi karo 900 oo maxaabiis ah.

  9. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Jabuuti oo codsi u diray guddiga doorashada

    Doorshada madaxtinimada ayaa lagu wadaa in ay 9 bishan ka dhacdo dalka Djibouti, waxaase soo baxaya codsiyo ay dirayaan dadka dalkaas ee qaba baahiyaha gaarka ahi.

    Gudoomiyaha ururka dadka baahiyaha gaarka ah leh ee Djibouti, Idiris Muumin Cabdi ayaa guddiga doorashooyinka ugu baaqay in ay dadkaas u diyaariyaan meelo gaar ah oo u sahlaya in ay si fudud codkooda u dhiibtaan,.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyin kale oo ay dadkaasi qabaan.

    Video content

    Video caption: Doorashada Jabuuti
  10. Militeriga Mozambique oo sheegay inay dib ula wareegeen Palma

    .

    Militeriga Mozambique ayaa sheegay inay dib ula wareegeen magaalada Palma oo ku taalla waqooyiga dalkaas kadib markii dhawaan maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen.

    Tirada rasmiga ah ee dadka halkaas ku dhintay ayaanan illaa hadda la ogayn, hasayeeshee waxaa halkaas ka soo ifbaxaysa dhibaato bini'aadamnimo xilli kumannaan qof ay colaaduhu barakiciyeen.

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 11,000 qof ay isaga qaxeen magaalada Palma.

    Afahayeen u hadlay militeriga Mozambique ayaa sheegay in haatan gebi ahaanba ay dib u qabsadeen magaalada kadib markii ay ka saareen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday halkaas.

    Waxaa adag in la xaqiijiyo warkan maadama ay go'an yihiin adeegyada isgaarsiinta tan iyo markii bishii hore ay maleeshiyaadka weerareen Palma.

  11. Jabuuti oo shaacisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Karoona

    Jabuuti ayaa shaacisay in 24-tii saac ee u dambeysay in cudurka Covid-19 lag helay 187 qof kadib markii la baaray 848 qof.

    Waxaana saacadihii u dambeeyay cudurka u dhintay 4 qof.

    Jabuuti waxaa ka socda ololaha doorashada iyadoo 9-ka bishan lagu wado inay ka qabsoonto doorashada madaxtinimada.

    Waxaana markii shanaad xilka madaxtinimada u tartamayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo musharraxa kaliya ah ee ka qeybgalaya doorashada madaxtinimada Zakariye Ismaaciil Faarax.

  12. Soomaaliya oo taageero u muujisay boqorka Urdun oo walaalkii uu ka shakiyay xiray

    Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas.

    Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay "Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go'aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada"

    Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray BBC-da, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

    Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.

    View more on twitter
  13. Dowlad Deegaanka Soomalida “Waxaa isugu key darmay abaar xun iyo daacuun caloola"

    Wararka ka imaanaya degmada Maa’iso ee gobolka Sitti ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in abaarta jirta ay macaluul u raacday deegannada degmadaa hoos taga qaarkood.

    Intaa waxa dheer in ay beryahan taagnayd colaad dhex taal qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

    Xuseen Qayaad Gadiid oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maa’iso ayaa BBC u sheegay in dad ay u dhinteen gaajo darteed kadib saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay deegaanka.

    Wuxuu intaas ku daray in dadka ay sida weyn u saameysay abaarta ay kamid yihiin haweenka iyo dadka da’da ah.

    “Waxaa isugu key darmay abaar xun , daacuun caloola iyo dadka oo gaajo laaysay ..oo geelina uu dhimanayo”

    Video content

    Video caption: Macluul daran oo ka taagan degaan ka tirsan gobolka Sitti
  14. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.