Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Cilmi baarayaal ogaaday in dadka uu ku dhacay Covid-19 ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda

    .

    Cilmi baarayaal ku sugan dalka Britain, kuwaas oo baaray diiwaanka ku dhawaad rubac malyuun bukaano ah oo Mareykanka ku nool, ayaa waxa ay ogaadeen in dadka uu ku dhacay fayraska Corona ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.

    Cilmi baarayaashan oo ka socda jaamacadda Oxford, ayaa ogaaday in xanuunka inta badan saamaynaya maskaxda ee ay ka midka yihiin dhiigga maskaxda ku furma iyo isla hadalka, ay ku badan yihiin dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 lixdii bilood ee la soo dhaafay.

    Waxa ay sheegeen, in Covid uusan ahayn kaliya fayras dadka ku dhiba neefsashada, balse sidoo kale uu saameyn toos ah ku leeyahay unugyada maskaxda iyo xididdada dhiigga.

  2. War deg deg ahShirkii madaxda Soomaaliya ee doorashada oo fashilmay

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay in madaxda Puntland iyo Jubaland aysan diyaar u aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho.

    Dowladda ayaa sheegtay in wax lagu xumaado ay tahay in labada madaxweyne aysan ogoleyn doorasho.

    "Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo.

    "Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn".

    Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli maanta uu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee ka socday Hangarka diyaaradaha ee garoonkii ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay madaxda dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

  3. Diyaargarowga doorashada Jabuuti

    Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa lagu wadaa in sagaalka bishaan Apriil ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada iyadoo maalmahaanba ay halka ka socdeen ololaha doorashada.

    Madaxweynaha taladda dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad u tartamaya xilka madaxweynimada iyadoo musharaxa kaliya ah ee la tartamaya aanu maalmihii ugu dambeyay sameynin wax ololaha ah .

    Guudomiyaha guudiga doorashooyinka Jabuuti Farah Abdullahi ayaan BBC uga warramay doorashada iyo wararka ku gedaaman.

    Video content

    Video caption: Guddoomiyaha guddiga doorashada
  4. Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Kenya

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Mombasa iyo Malindi ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

    Dad kale oo badan ayey wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen shilkaasi dhacay saaka aroortii.

    Dhibaatada ugu badan waxa ay soo gaartay dad ku safrayay gaari Nissan- ah oo ka tagay magaalada Malindi kuna sii jeeday magaalada Mombasa, gaarigaas oo dadkii saarnaa uu ka badbaaday wiil yar oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Malindi.

    .
  5. Khaasaraha ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

    Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ku yaalla xadka labada gobol
    Image caption: Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ku yaalla xadka labada gobol

    Tirdo dad ah ayaa ku dhintay dagaallo maalmihii u dambeeyay ka socday xadka Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya.

    Wararka waxay sheegayaan in dab la qabadsiiyay dhowri guri oo ku yaallay deegaannadaa lagu muransan yahay.

    Saraakiisha gobolka Canfarta waxay ku eedeeyeen ciidamada Liyuu booliska Soomaalida in 30 qof ay sabtidii ku dileen halkaas.

    Halka mas'uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay sheegeen in ugu yaraan 25 qof oo xoolo dhaqatad ahaa ay maleeshiyaad kasoo tallaabay dhinaca Canfarta ay ku dileen deegaanka.

    Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dadka ku dhintay dagaalladii shaley ka dhacay xadka Soomaalida iyo Canfarta.

    Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac.

  6. Warshadda Nukliyeerka ee Imaaraatka oo la howgeliyay

    .

    Imaaratka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo howlgeliyo warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

    Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada.

    Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Ra'iisul Wasaaraha Imaaraatka ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah kadib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo ku tallaabsado in uu isticmaalo korontada laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

    Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshaha in uu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka marka la gaaro sanadka 2050.

    Imaaraatka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.

  7. Shirka wadatashiga doorashada oo mar kale ka furmay Muqdisho

    Waxa dib uga bilowday Hangarka diyaaradaha ee garoonkii ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho shirka horudhaca ah ee madaxda dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo hakad ku jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay.

    Shirka oo Sabtidii bilowday ayaa ujeedkiisu ahaa in la dhiso kalsoonida madaxda shirka ka qaybgalaysa iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka soo socda ee rasmiga ah s ixal looga gaaro khilaafka ku hor-gudban in dalka ay ka qabsoonto doorasho heshiis lagu yahay.

    Waxaana shirka guddoominaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shirkan ayaa ah mid horudhac ah oo looga hadlayo ajanddaha shirka la filayo in maalmaha socda uu dhexmaro madaxda sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada Soomaaliya.

  8. Itoobiya oo si kulul u eedeysay Masar iyo Suudaan

    .

    Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay caqabad ku yihiin wadahadallada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay muranka biyaha webiga Nile.

    Wadahadalladii ugu dambeeyay ayaa lagu guuldareystay iyadoo dhinacyada ay isku jeediyeen eedeymo, waxaana wadahadalladaas lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sheegtay in wadahadallada lagu guuldareystay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhageen qodobo laisku heystay oo ku saabsan saamiga biyaha webiga Nile.

    Itoobiya waxay sheegtay in 'labadan dal ay qaadeen tallaabooyin ay kaga hortagayaan hannaanka wadahadallada ah ee lagu xallinayo muranka ee uu hogaaminayo Midowga Afrika'

    Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya u handdadeyso dadka uu ka dhexeeyo qeybsiga biyaha Nile gaar ahaan shacabka Suudaan.

    Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar iyo Suudaan ayaa ka baqayaa in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

    Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha.

  9. 14-ka maalmood ay Kenya u qabatay UNHCR inay kusoo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha Dhadhaab oo maanta ku eg

    Xeryaha Dhadhaab
    Image caption: Xeryaha Dhadhaab

    Waxaa maanta ku eg xilligii dowladda Kenya ay u qabatay Qaramada Midoobeey in ay ku soo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah .

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xeryahaasi ay dhibaato ku yihiin dhanka amniga.

    Hay'adda Amnesty International qeybteeda Kenya ayaa ka digtay in si sharciga caalamiga ah khilaafsan loo xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

    Xukuumadda Nairobi ayaa shaacisay qorshe ay ku doonaysa in todobaadkan gudihiisa ay ku xirto xeryahaas iyadoo sheegtay in amni darro ay ka soo wajahday dalkeeda.

    Amnesty ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah ay masiibo bani'aadannimo u horseedi karto caalamkan la daalaa dhacay xanuunka Covid-19.

    Waxay sheegtay in ay rajeyneyso in Kenya ay aqbasho baaqa ay ugu jeedisay dib uga noqoshada go'aanka xiritaanka xeryaha.

    Cabdullahi Xasan (Cabdullahi Soomaali) oo ah mas'uulka Amnesty u qaabilsan Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in Ha'yadda si weyn uga soo horjeeddo qorshaha ay Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

    Amnesty International: Saddex arrimood oo Kenya ka hor istaagaya inay Xirto xeryaha Qaxootiga

  10. Masar oo lagu gubay meydka qof u dhintay cudurka Karoona

    Mas’uuliyiinta ayaa baaraya dhacdo lagu gubay meydka qof u dhintay cudurka Karoona.

    Waxaana lagu soo warramayaa in god lagu riday meydka isla markaana dab la qabadsiiyay.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, in meydka la gubay uu ahaa kalkaaliye ka howlgalayay cisbitaalka Helwan ee ku yaalla koonfurta magaalada Al Qaahira oo u dhintay cudurka.

    Faquuqa ka dhanka ah dadka uu ku dhacay cudurka ayaa kusii badanaya Masar iyadoo bulshooyinka qaar ay kasoo horjeedaan in meydadka dadka u dhintay Covid-19 lagu aaso qabuuraha.

    .
  11. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.