Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Colaadda Gaza: Israa’iil iyo Xamaa soo guulo kala sheeganaya

    Xamaas
    Image caption: Taageerayaasha Xamaas oo dabaal degaya

    Kaddib xabbad-joojintii ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamaas, Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, oo intii uu dgaaalku socday ku jiray guryahooda iyagoo ka baqaya in la dilo, ayaa haatan u soo baxay dibadda iyaga oo indha indheynaya waxa ay Israa’iil ka geysatay halkaas.

    Siyaasiyiinta Israa’iil iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa sheegay in sheegay in waxyeello ba’an ay u geysteen waxa ay ugu yeereen dhismayaasha argagixisada ee ay maamulaan Xamaas.

    Israa’iil iyo Xamaas ayaa labaduba guulo sheegtay.

    Hoggaamiyeyaasha Israa’iil ayaa soo bandhigay dhismayaasha la burburiyay, taliyeyaasha Xamaas iyo dgaaal-yahannada la dilay, iyo guulaga ay ka gaareen burburinta qalabka ka hortaga diyaaradaha.

    Xamaas ayaa iyaduna guulaha u aragta inay badqabto. Hoggaamiyaheeda, Yahya Sinwar, oo aan shaashadaha lagu arkin ayaa hadlay maalin kaddib xabbad-joojinta.

    Boorarka Xamaas ayaa laga lulayay meel 60 meyl (96km) gudaha u jirta Gaza, oo ah masjidka Al-Aqsa mosque ee Qudus. Xamaas ayaa Falastiiniyiinta u duray farriim ah inay u diyaarsan yihiin dagaal.

  2. Sacuudiga oo soo rogay amar hor leh oo Xajka ku saabsan

    Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan. Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da. Si aan wax badan uga ogaanno shuruudaha Xajka sanadkan ee ay soo rogtay boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Dr. Maxamed Xuseen oo ah Soomaali deggan magaalada Riyadh, Kawsar Maxamed Cabdullaahi ayuuna u warramay.

    Video content

    Video caption: Masaajidka barakaysan ee Xaramka
  3. Maxaa maanta looga hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho?

    RW Rooble
    Image caption: Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad galay.

    Shirkna oo ka furmay Teendhada Afisyooni una dhaxeeya dowladda federaalka Soomalaiya iyo madaxda mamaul-goboleedyada ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka Heshiiska 17 September iyo in xal loo helo khilaafka ka taagan doorashada.

    Waxaa xarunta shirka ku sugan oo ka qeyb galay madaxda mamaul-goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Shirka oo ay albababada u xirnaayeen ayaa waxay madaxdu ka doodeen qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaalla shirka.

    Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo lagana soo saaro qodobbada lagu heshiiyay.

  4. Kulamadii ugu dambeeyay ee Premier League oo maanta dhacaya

    Waxaa maanta dhacaya kulamadii ugu dambeeyay ee xilli-cayaareedka Premier League, taas oo xiiso gaar ah leh, iyada oo isha lagu hayo kooxaha soo bixi doona.

    Halkan ka eeg kooxaha isku arki doona kulamadan:

    Premier League
    Image caption: Kooxaha cayaaraya
  5. Weerar ka dhacay Baydhabo oo ay dad ku dhinteen

    Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar xalay ka dhacay magaalada ay ku dhinteen labo qof halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan shan qof oo kale.

    Weerarka oo ka dhacay bar koontarool oo ku taalla xaafadda Berdaale ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidan joogay Isgoyska Boqoleyda ee xaafaddaas.

    Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan carruur ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka magaalada. Waxaa la sheegay in dadka dhaawacmay qaarkood ay rasaasta gurigooda ugu tagtay.

  6. Somaliland: Ololaha doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo bilowday

    Somaliland

    Ololaha doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland.

    Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta billaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

    Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba labo maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah.

    Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

    Halkan ka eeg sawirrada sida ay dakdu isugu soo baxeen ololaha:

    Somaliland
    Image caption: Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe
    Somaliland
    Somaliland
    Somaliland