Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Sucuudiga oo sheegay in qof aan tallaanayn loo ogolaanayn suuqyada waawayn iyo gaadiidka dadweynaha

    Digreeto ay soo saartay xukuumadda Sucuudigu ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay waajib tahay in dadka gelaya tukaamada iyo goobaha ganacsiga ama isticmaalaya gaadiidka dadweynuhu ay ka talaalan yihiin fayraska korona.

    Wasaaradda arimaha gudha ayaa sheegtay in talaalku shardi u yahay adeegsiga goobahaas guud ahaan gobollada dalka oo dhan.

    Sucuudigu waxa kale oo uu haatan sheegay in loo ogolaan doono in ay dalka soo galaan dadka shisheeyaha ah hadii ay tallaalan yihiin oo ay sitaan shahaado muujinaysa in ay talaal buuxa qaateen iyo sidoo kale warqadda baadhitaanka oo ah in aan qofkaasi aanu qabin fayraska korona.

    .
    Image caption: .
  2. Ciyaartoy ka qayb galaysay Olombigga oo Midowga Yurub magangelyo weydiisatay

    Kryscina Tsimanouskaya
    Image caption: Kryscina Tsimanouskaya

    Wararka ka imanaya Tokyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socota dalka Belarus ay isku dayeen in ay qasab dalkeeda ugu celiyaan gabadh ciyaartoy ah oo dhaliishay maamulka dalkaas.

    Kryscina Tsimanouskaya oo ah orodyahan ayaa booliska madaarka u sheegtay in ay ka cabsanayso in ay u duusho Belarus.

    Waxay sheegtay in ay doonayso in ay magangelyo weydiisato dalalka Midowga Yurub waxaanay ka codsatay gudida olombigga caalamiga ah in ay caawiso.

  3. Dab ka holcaya kaymaha Giriigga, Turkiga iyo Lubnaan

    .
    Image caption: .

    Dab ka holcaya kaymaha oo ay uga sii dareen heer kulka oo sareeya iyo dabaylo xooh lihi ayaa ka hulaaqaya qaybo ka mid ah dalalka Giriigga, Turkiga iyo Lubnaan, waxaana qasab noqotay in kumanaan qof la daad gureeyo.

    Dad Turki ah iyo dalxiiseyaal badan ayaa laga gurayaa xeebaha koonfureed ee dalkaas. Lix qof ayaa ku dhintay dabkan oo bilaabmay Arbacadii oo ah dhacdadii ugu xumayd ee soo marta Turkiga muddo toban sano ah.

    Lubnaan na qof ayaa ku dhintay dabkaas oo weli holcaya. Ku dhawaad lixdan goobood oo ku yaal kaymaha galbeed ee Giriigga ayaa dabku ka hurayaa afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey. Shan tuulo oo u dhaw magaalada Patras ayaa dadkii laga guray.

    Khubarada ayaa sidoo kale ka sii dardaar werinaya korodhka iyo xaddiga dabka kaymaha ka kaca sababtuna tahay isbedelka cimilada.

  4. Daalibaan oo sheegay in ay soo jiidhaan difaaca ciidamada Afghanistan

    Dagaalyahannada Daalibaan
    Image caption: Dagaalyahannada Daalibaan

    Dagaallo qadhaadh ayaa ka socda magaalada koonfurta Afghanistan ku taal ee Lashkar Gah, halkaas oo miditiinta Daalibaan ay kolba ku soo rogaal celinayaan oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan magaaladaas xarunta u ah gobolka Helmand.

    Wararka halkaa ka imanaya ayaa tibaxaaya in diyaarado lagu duqeeyey fadhiisimada Daalibaan. Daalibaanku waxay sheegeen in ay galeen meelo ka mid ah Lashkar Gah oo ka mid ah xarumaha saddexda gobol ee ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan.

    Boqolaal askar ah oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ayaa gaadhay magaalada Herat ee galbeedka dalkaas si ay dib ugu riixaan fallaagada. Dhamaan hawlihii duulimaadyada Kandahar ee koonfurta dalka ayaa la joojiyey ka dib markii mididiintu laba gantaal ku dhufteen dhabbaha diyaaraduhu ka duulaan ee madaarka magaaladaas.

  5. Iran oo beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab ay laheyd Israa’iil

    Iran ayaa beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab shidaal oo ay laheyd Israa’iil kaas oo marayay xeebaha Cummaan labo maalmood ka hor.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

    Israa'iil ayaa ku eedaysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay weerar lagu qaaday markabka shidaalka.

    Waxaana weerarka ku dhintay labo kamid ah shaqaalaha markabka.

    .
  6. Ciyaaraha gobollada Puntland oo bilowday

    Waxaana maanta magaalada Garowe ka furmay ciyaaraha gobollada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay furitaanka ciyaarahan.

    Waxaana hadda socotaa ciyaar u dhexeysa gobollada Bari iyo Nugaal.

    .
  7. Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyay kulanka ugu horreeyay ee Golaha Wakiilada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta Talaadada ah ee soo aaddan uu qabsoomi doono kulanka ugu horreeya ee xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dhawaantan la soo doortay.

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bayaan uu goordhaweyd soo saaray waxa uu isugu yeeray Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo daba socotay go'aankii Maxkamadda Sare ee Somaliland ay 7-dii bishii tagtay ee July ku ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada.

    Madaxweynaha Somaliland oo haystay muddo 30 cisha ah oo dastuuri ah oo ka soo bilaabanaysay 7-dii bishii July ayaa leh awoodda shaacinta marka la qabanayo kulanka ugu horreeya ee xildhibaannada golaha Wakiillada, markaas oo la dhaariyo mudayaasha, isla maalintaasna ay iska dhex-doortaan shir-guddoonkooda.

    Waxaana kulanka ugu horreeya ay xildhibaanadu yeelan doonaan maalinta Talaadada ah.

    .
  8. Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaanno dhaca Mudug

    Warbaahinta dowladda oo baahisay weerarka
    Image caption: Warbaahinta dowladda oo baahisay weerarka

    Diyaaradaha Drones-ka ee Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanno u dhexeeya degmada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al Shabaab ,sida ay sheegtay dowladda.

    Duqeynta waxaa barbar socotay dagaal ka dhan ah kooxda oo ku lug lahaayeen militeriga Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Galmudug.

    Dowladda waxay sheegtay in duqeynta lagu burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen halkaas.

    Waxaa halkaas ka socday howlgallo baraallan oo Shabaab looga saarayo deegaanada dhaca Galmudug.

  9. Koonfur Galbeed oo maanta diiwaangelineysa musharraxiinta doorashada Aqalka Sare

    Magaalada Baydhabo waxa maanta ka socota diiwaangalinta 10 murashax oo u tartami doona shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka oo doorashadiisu dhawr jeer oo hore dibu dhac ku yimid.

    Diiwaangalinta kadib waxa la filyaa xubnaha buuxiya shuruurdaha guddiga doorashooyinka inay beri ku tartamaan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo isagu u codeyn doona shanta kursi ee lagu tartamayo.

    Labo kamid ah kursiyadan loo tartamaya ee doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed waxaa loo xiray afar dumar ah oo ku tartami doono.

    Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

    Shaley ayay aheyd markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar kamid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.

  10. Gargaar la gaarsiiyay qoysas kasoo barakacay dagaalkii Garbo Ciise

    .

    Waxaa gargaar deg deg ah la gaarsiiyay qoysas kasoo barakacay dagaalladii dhawaan Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmaray magaalada Garba Ciise halkaas dad badan ay ku dhinteen, sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.

    Dadkan soo barakacay oo hadda ku sugan dugsi hoose oo dhexe oo ku yaalla degmada Ma’ayso ee gobolka Sitti ayaa la gaarsiiyay gurmad isugu jiray raashiin, maacuun, bustayaal iyo alaabo kale.

    Mas’uuliyiin ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gargaarka geeyay goobta ayaa sheegay in dadkan ay gaarayaan 1,100 oo kasoo barakacay dagaallada Soomaalida iyo Canfarta.

  11. Madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay in uu soo gudbiyo liiska musharraxiinta Aqalka Sare

    Guddiga maamulaya doorashada maamulka Galmudug ayaa ka codsaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor in uu soo gudbiyo liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.

    Shaley ayay aheyd markii Koonfur Galbeed ay shaacisay magacyada musharraxiinta doorashada Aqalka Sare.

    Jubaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee qabto doorashada Aqalka Sare iyadoo lasoo doortay afar sanatar inkasta oo howlaha doorashadaas aysan weli dhammaan.

    .
  12. Wiil uu dhalay Qadaafi oo doonaya in uu madaxweyne ka noqdo Libya

    Saif Islam
    Image caption: Saif Islam

    Saif Al Islam waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Al Qadaafi, wuxuu sheegay in uu doonayo in midnimada iyo isku duubnaanta uu kusoo celiyo Libya.

    Saif Islam oo 49 jir ah oo wareysi siinayay wargeyska New York Times wuxuu sheegay in maamulka hadda ka jiro Libya uusan wax horumar ah keenin isla markaana dhibaato u horseeday shacabka Libya 10 sano ee lasoo dhaafay.

    Wuxuu ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in uu tartami doono doorashada madaxtinimada ee Libya.

    “Haatan waxaa la joogi xilliggii dalka dhibaateysan dib loogu laaban lahaa…dhaqaale ma lahan..nabadgelyadii faraha ayay ka baxday..nololna ma jirto”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in hataan uu yahay nin xor ah oo qorsheynayo in dib uu ugu laabto siyaasadda Libya.

    Saif Islam
    Image caption: Saif Islam

    Waa kuma Saif Islam

    Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.

    Wuxuu hoggaamin jiray ha'yadda lagu magacaabo ha'yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines.

    Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay 'wajiga casriga ah ee Liibiya' balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii.

    Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay.

    Sanadihii u dambeeyay wax war ah lagama heynin xaaladdiisa iyo halka uu ku nool yahay.

    Waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha uu ka geystay Libya, waxaana ku raad joogtay maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah.

  13. Post update

    Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.