Dhaarinta xildhibaannada: Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay maanta

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dawladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ee ku dhintay daadadka

    Tirada dadka ku dhintay daadadka Soomaliya oo ka dhashay roobab culus oo bishanba ka da’ayey ayaa gaartay ilaa 96 qof sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA sabtidii manta.

    "Dadka ku dhintay Soomaaliya waxay gaarayaan 96 qof," ayaa lagu yiri SONNA oo soo dhigtay barta X, ee hore loo dhihi jiray Twitter, iyadoo intaas ku dartay in tiradaas uu xaqiijiyay Maxamuud Macallin oo ah madaxa hay'adda maareynta musiibooyinka dalka.

    Sida bariga iyo Geeska Afrika intiisa kale, Soomaaliya waxaa ku dhuftay roobab mahiigaan ah oo billowday bishii Oktoobar, kuwaas oo ay sababeen ifafaalaha cimilada ee El Nino iyo Badweynta Hindiya.

  2. Ruushka oo dalalka qaar uga digay in ay ku biiraan NATO

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Ruushka, ayaa sheegay in haddii dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, ay Moscow xoojin doonto ciidamadeeda dhulka, badda iyo cirka.

    Laakin Lithuania ayaa sheegtay in hanjabaadda Ruushka aysan ahayn wax cusub, Moscowna ay hub Nukliyeer ah geysay magaalada Kaliningrad ka hor dagaalkii Ukraine.

    Kaliningrad ayaa ah meel u dhaxaysa Poland iyo Lithuania. Arbacadii, Finland ayaa sheegtay inay toddobaadyo gudahood go'aan ka gaari doonto inay ku biireyso NATO.

  3. Yurub oo lagu eedeeyay in ay lacagtooda ku beddeshaan dhiigga dadka

    .

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa ku eedeeyay wadamada Yurub ee wali sii iibsanaya saliida Ruushka “in ay lacagtooda ku beddelanayaan dhiiga dadka kale”.

    Wareysi uu siiyay BBC-da, ayaa madaxweyne Zelensky waxa uu si gaar ah u xusay dalalka Jarmalka iyo Hungary, isagoo ku eedeeyay inay xannibeen dedaallada lagu doonayo in lagu cunaqabateeyo iibka tamarta, taasoo Ruushku ka helayo illaa £ 250bn ($ 326bn) sanadkan.

    Waxaa jiray niyad-jab isa soo taraya oo ka dhex jira hoggaanka Ukraine ee Berlin, kaas oo taageeray cunaqabataynta qaar ka mid ah Ruushka, laakiin ilaa iyo hadda waa ay ka soo horjeedaan baaqyada lagu taageerayo tallaabo adag oo ku saabsan iibinta saliidda.

  4. Wadooyin bani'aadannimo oo loo furayo shacabka ku xanniban magaalooyinka Ukraine

    .

    Ra'iisul wasaare ku xigeenka Ukraine, ayaa sheegtay in la furayo ilaa sagaalmarin oo bani'aadannimo si loogu soo samatabixiyo dadka rayidka ah ee weli ku go'doonsan magaalooyinka la heysto, sida Mariupol.

    Meelaha kale ee la marayo ee la isku waafaqay ayaa waxay kala yihiin Berdiansk, Tokmak iyo Enerhodar.

    Bariga gobolka Luhansk, ayay Ms Vereshchuk waxay ciidamada Rushka ee heysta ka codsatay inay joojiyaan duqeynta, si howlaha samatabixinta loo bilaabo.

    Shalayna dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay awoodi weysay in marinno bani'aadannimo ay furto sababo la xiriira ammaanka oo aad u xumaa.

  5. Dooorashadii Garbahaareey oo magaalo kale loo wareejiyay

    muuse

    Xigashada Sawirka, muse

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey hadda loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

    “Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

    Guddiga ayaa sheegay in caqabadaha Amni ee ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey islamarkaana maamulka Garbahaareey "ay diideen xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey".

  6. Xafladda dhaarinta baarlamaanka oo Muqdisho ka billaabatay

    bbc

    Xigashada Sawirka, bbc

    Waxaa si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal.

    in ka badan 200 oo xildhibaan ayaa maanta la dhaarinayaa.

    Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sugaya amniga goobta lagu qabanayo dhaarinta xildhibaanada.

    Koox koox ayaa loogu yeerayaa xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobleayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeedin doono madasha.

  7. Sawirro: Diyaargarowga dhaarinta xildhibaannada

    Waxaa hoolka Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabada xafladda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka 11 aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Guddiga doorashooyinka ayaa horey u diiwaan geliyay in ka badan 200 oo xildhibaan.

    Mar sii horreysay maanta waxaa shahaaddada qaatay tiro kale oo ay ku jiraan kuwa ka yimid Koofur Galbeed, ka dib markii guddiga fasaxeen labo kamid ah sadexda kursi ee guddiga doorashooyinka horey u diiday natiijada doorashadooda.

    Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sugaya amniga goobta lagu qabanayo dhaarinta xildhibaanada.

    Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka la doortay
    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka la doortay
    d

    Xigashada Sawirka, bbc

    Qoraalka sawirka, Waxaa jira walaac laga qaba in kooramka haweenka ee baarlamaanka oo ahaa 30% aan la gaarin.
    bb

    Xigashada Sawirka, b

  8. Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay hoolka doorashada ee degmada Eyl

    Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoolka doorashada degmada Eyl, halkaas oo la filayey in maanta lagu qabto doorashada guddoonka golaha deegaanka.

    Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay in iska horimaad kooban oo ay la galeen ciidanka booliska ka dib ay la wareegeen hoolka doorashada.

    Wararka qaar ayaa sheegay inuu jira dad ay wax ka so gareen rabshadahaasi.

    Ma cadda waxa sababay shaqaaqadan balse wararka qaar ayaa sheegaya inay ka dhalatay khilaaf gu'aaddan doorashada guddoonnka Golaha magaaldaasi.

    Eyl waxay ka mid ahayd seddax degmo oo Puntland ah oo lagu qabtay doorasho qof iyo cod ah sanadkii la soo dhaafay

    s
    Qoraalka sawirka, Eyl waxay ka mid ahayd seddax degmo oo lagu qabtay doorasho qof iyo cod ah sanadkii la soo dhaafay
  9. Hirshabelle oo war hor leh ka soo saartay kursiga lagu muransan yahay ee Fahad Yaasiin

    BBC

    HirShabeelle ayaa ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashadadalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

    Kursigaasi waxaa ku guuleystay Fahad Yaasiin, balse guddiga FEIT ayaa su'aal geliyay qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

    Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markiiGuddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086

  10. Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyadoo maanta la dhaarinayo xildhibaannada cusub

    bb

    Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay halkaasi maanta ka dhacayesa munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

    Xafladda dhaarinta ayaa ka dhaceysa Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay isugu tegi doonaan xildhibaanada cusub.

    Waxaa la xiray dhammaan waddooyinka gala Afisyooni oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

    In ka badan 200 oo xildhibaan ayaa lagu wadaa in si wadajir ah loogu dhaariyo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

  11. Daadadka ku soo rogmaday qaybo ka mid ah Koonfur Afrika oo khasaare weyn dhaliyey

    ,

    Xigashada Sawirka, AFP

    Tirada dhimashada gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa gaartay in ka badan 250 qof, ka dib markii daadad khasaare geystay ay halkaas ku soo rogmadeen.

    Maamulka deegaanka ayaa ku baaqaya in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah, kadib markii deegaanada qaar ay ka da’een roobab mahiigaan ah.

    Saraakiisha ayaa ku tilmaamay "mid ka mid ah duufaanadii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalkaas".

    Dhiiqo ay daadadku soo rogeen ayaa dadka ku hoos xayirtay dhismayaasha, iyadoo la filayo in daadad kale ay soo rogmadaan.

    Waxaa jira warar sheegaya in caqabadda ugu wayn ee hortaagan dadaallada samata bixinta ay tahay iyadoo aan waxba la arki karin waxayna diyaaradaha qummaatiga u kaca ay sii wadaan in ay dadka u daad gureeyaan meel ammaan ah.

  12. Intee le'egyahay khasaaraha ka dhashay shaqaaqadii jeelka weyn ee Hargeysa?

    ,

    Xigashada Sawirka, ,

    Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Somaliland oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada asluubta ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in wax dhibaato ah oo wayni aysan ka dhicin xabsiga weyn ee Hargeysa.

    Taliyaha ciidanka asluubta ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd shaqaaqo ka dhex dhacday maxaabiista oo aysan jirin maxaabiis hub iyo rasaas ku dhex haystay jeelka isla markaana aysan jirin maxaabiis jeelka ka baxsatay.

    Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhaawac fududi uu soo gaaray labo askari oo ka tirsan ciidanka asluubta isla markaana uusan jirin khasaare intaas dhaafsiisan oo jeelka ka dhacay.

    Wasiirka cadaallada ayaa sheegay in shaqaaqadii maxaabiista dhexdeeda ka dhex dhacday la xakameeyey oo si buuxda ay ciidamadu gacanta ugu hayaan ammaanka jeelka.

    Dhanka kale suxufiyiin ka hawgala Hargeysa ayaa laga xirxiray afaafka hore ee jeelka ka dib markii ay toos u soo tabiyeeen wixii halkaa ka socday.

    Wasiirka oo saxaafadda madaxa bannaan la hadlay ayaa yiri “Saxaafadda Madax banaan waxa aan u sheegaynaa in ay hubiyaan Wararka ay baahinayaan hayskana ilaaliyaan Deg Dega Bulshaddana haw sheegaan Warar Run ah hufan. Bulshadda Reer Somaliland waxaan u sheegaynaa wax wayn oo halkaas ka dhacay ma jirto. Aynu meel uga soo wada jeedsano Dadka warar ka Borobogaandada ah Bulshadda iyo suuqa ku baahinaya”

  13. Ruushka oo sheegay in kun ka tirsan ciidamada Badda Ukraine ay isa soo dhiibeen

    ,

    Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

    Ruushka ayaa sheegay in in ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Ukraine ay iska soo dhiibeen dekedda la go'doomiyay ee Mariupol.

    Suxufifiyiinta wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay holac ka kacay warshado waaweyn oo birta ama xadiidda lagu sameeyo halkaas oo ciidamada baddu ay difaac kaga jireen.

    Telefishinka Ruushka ayaa soo bandhigay sawirro uu ku sheegay in ay ahaayeen ciimada badda Ukraine iyo shaqaalaha warshadaha xadiida iyo nuxaasta oo isa soo dhiibay.

    Hase ahaatee mid ka mid ah latiluyeyaasha sar sare ee madaxweyne Zelensky, ayaa sheegay in magaaladu ay wali gacantooda ku jirto.

  14. Weriyayaal tebinayay xaaladda jeelka weyn ee Hargeysa oo la xiray

    .

    Xigashada Sawirka, social media

    Ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 wariye, kuwaas oo jeelka u tagay sidii ay u soo tebin lahaayeen wararka la xirriir xaaladda jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo maanta rabshado yar ay ka dhaceen.

    Weriyayaasha halkaasi lagu xiray ayaa waxaa ka mid ah weriye Xassan Galaydh oo BBC-da si madax-banaan uga soo warramo magaalada Hargeysa.

    Waxaa la sheegay in wasiiro iyo taliyayaal ciidan ay hadda ku sugan yihiin xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

  15. Cali Xarbi Cali oo ahaa ninkii dilay xildhibaankii UK oo xukun lagu riday

    .

    Xigashada Sawirka, METROPOLITAN POLICE

    Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa'iin ka dib markii lagu helay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabo Sir David Amess.

    Xildhibaanka oo laga soo doortay deegaanka Southend West ee magaalada London ayaa 20 jeer toorrey la geliyay 15-kii October 2021.

    Xeerbeegtidii qaadeysay dacwadda Cali ayaa waxay keliya ku qaadatay 18 daqiiqo iyagoo sidoo kale xukmiyay inuu qorsheynayay falal argagixiso.

    Cali oo ka soo jeeda Magaalada Kentish, waqooyiga London, hayaa hore u beeniyay eedeymahaas wuxuuna sheegay in sababta uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay inuu u codeeyay duqeymihii Suuriya.

    Kaddib weerarka, Cali ayaa sheegay inuu doonayay in "xildhibaan walba oo saxiixay duqeyntii Suuriya, isla markaana oggolaaday dagaalkii Ciraaq, uu dhinto".

    "Waxaan u sameeyay Suuriya darteed," ayuu yiri Cali. "Waxaan u sameeyay dadka aan waxba galabsan dartood. Waxaan u sameeyay duqeynta darteed. Wuu mudnaa inuu dhinto."

    Wuxuu intaa raaciyay: "Wuxuu ahaa dil uu fuliyay nin dhalinyaro ah oo sanado badan qorsheynayay weerar uun, isla markaana ahaa haddana ah argagixiso xagjir ah."

  16. Ragii qarxiyay masaajid Maraykanka ku yaal oo la xukumay

    Minnesota maxkmada Fadaraalka ee Gobolkaas ayaa xukun ku riday 2 nin oo reer Chicago ah kuwaas oo sanadkii 2017-dii qarax u gaystay xarun masaajida oo Muslimiintu ku lee yahiin gobolkaas.

    Maxkamadeynta Labadaas nin ayaa soo jiitamaysay ku dhawad shn sano isolamarkana waxaa si wayn uga war sugayay go'aanka Muslimiinta dalkaasi. H

    adaba sidii ay maxkamada xalay u dhacday iyo dareenka shacabka waxa warbaxinta inooga diyaariyey wariye Siyaad Saciid Saalax.

  17. Faahfaahin ka soo baxaysa rasaas laga maqlay gudaha Jeelka weyn ee Hargeysa

    Hargeysa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Magaalada Hargeysa

    Wararka ka imaanaya caasimadda Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay gudaha Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

    Faafaahinta arrintan waxaa ka warramaya weriye Xassan Galeydh oo hadda ku sugan albaabka jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

  18. War deg deg ah, Dhawaqa rasaasta oo laga maqlayo gudaha Jeelka weyn ee Hargeysa

    Wararka ka imaanaya caasimadda Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa sheegaya in rasaas ay ka socota gudaha Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, iyada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.

    Ilaa hadda ma jiraan wax fafaahin ah oo ka soo baxay waxa ka socda gudaha Jeelka.

    Wixii fafaahin ah ee ka soo baxa waxaan idinkula wadaagi doona tebinteenan tooska ah.

  19. Kuuriyada Waqooyi oo looga dabaaldegayo guul uu soo hoyiyay Kim Jong-un

    Qoraalka Muuqaalka, .
  20. Ruushka oo la sheegay inuu adeegsanayo hubka kiimikada khatarta ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiir ku xigeenka Difaaca Ukraine Hanna Maliar, ayaa sheegtay inay jirto khatar sare oo ah in Ruushka uu isticmaalayo hubka kiimikada ah, taas oo daba socota digniintii madaxweyne Volodymyr Zelensky horaantii todobaadkan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

    Talaadadii, waxay sheegtay in mas'uuliyiintu ay hubinayeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in Ruushka uu horay u adeegsaday hubka kiimikada.

    Wadamada reer galbeedka ayaa ka digay in adeegsiga hubka kiimikada ay calaamad u noqon doonto sii hurinta colaada halista ah, waxayna ballan qaadeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan haddii Ruushka uu fuliyo weeraradan.