Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysiyo siyaasadda Djibouti

Doorashooyinka madaxtinimada waddanka Djibouti oo la qabanayo sanadka soo socda ayaa waxa ku dhawaaqay in musharax Madaxweyne in uu isku soo taagi doono Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Boore oo ah ganacsade reer Djibouti ah oo haatan dibedda ku nool. Maxkamad ku taal Djibouti ayaa ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.

Haddaba Cabdiraxmaan Boore oo noogu yimid daartan Bush House ayaa Yusuf Garaad waxa uu weydiiyay faahfaahin ku saabsan musharraxnimadiisa.

Dhinaca kale afhayeenka dowladda Djibouti, ahna wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqanka ee dalka Djibouti, Cali Cabdi Faarax, ayaa ka jawaabaya waraysigaas Cabdiraxmaan Boorre.