Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxamed Dheere: Waan afduubnaa ee ma xirneyn

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Cumar Xabeeb waxa uu xirnaa 40 maalmood

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho maxamed Cumar Xabeeb oo markii ugu horeysay wareysi siiyay BBC tan iyo markii la soo daayay ayaa waxa uu ku tilmaamay in xarigiisa uu ahaa mid sharci darro ah.

Maxamed Dheere ayaa la xiray markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dad lagu dilay banaabax dowladda lagu taageeryay horaantii bishii February, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay sii deynta Maxamed Dheere ay sheegtay in lagu waayay danbiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxamed Dheere waxa uu weeraray Masuuliyiinta dowladda oo uu ku tilmaamay dad aan nidaamka iyo sharciga aqoon, waxaana uu sheegay in afartankii maalmood ee uu xiraan in inta badan si xun loola dhaqmayay.