Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhaqdhaqaaqa Wagosha oo diidan maamulka Azania

Waxaa soo baxaya dad ka soo horjeeda maamul goboleedka dhawaan lagu dhisay dalka Kenya ee Azania, ee madaxweynaha loogu doortay Prof Maxamed Cabdi Gaandhi.

Injineer Yaroow Shariif Aadan oo ah guddoomiyaha dhaqdhaqaaq la yiraahdo WAGOSHA oo ah dadka reer Golleedka ah ee deggaaanada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan maamulkaasi isla markaana aanu ahayn mid ka tarjumaya dadka gobolka.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefonka kula hadlay Injineer yaroow oo jooga magaaladan London ayaa waxa uu weydiiyay waxa ay ka cabanayaan.