Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dad isugu soo baxay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay oo dibedbaxyo waaweyn ka dhigay kumanaan qof oo ka soo horjeeda go'aamada ka soo baxay wada hadaladii Madaxweynaha Soomaaliyao iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Kampala.

Go'aamadaasi waxa ku jira in muddo soddon maalmood gudahood ah uu isku casilo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Dadka isku soo baxay oo taageersan xukuumadda Raiisul Wasaare, Maxamed Cabdullaahi, ayaa goobaha ay isugu soo baxeen waxaa ka mid ah isgoyska Number Afar halkaasi oo ay gooyeen jidadka iyo isu socodkii gaadiidka.

Weriyaha BBC, Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo joogay goobta banaanbaxa uu ka dhacayay ayaa telefonka waxa uu ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale oo jooga London.