Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

K'naan oo tegey Muqdisho

Image caption K'naan Warsame

Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed, K'naan Warsame, ayaa maanta tegey magaalada Muqdisho si uu u arko dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed.

K'naan waxa uu sheegay in xaaladda dadka ay sii xumaatay marka uu barbar dhigo xilligii ugu dambeysay Soomaaliya.

Waxa uu intii uu jooga Muqdisho uu soo arkay dhibaatada heysa carruurta iyo hooyooyinka ku jira Isbitaalka Banaadir.

Waxaa kale oo uu soo maray xero ay ku jiraan dadka barakacayaasha ee macluushu heyso. waxa uu sheegay inuu gacan ka geysanayo sidii loogu gar gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.