Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shabaab oo soo dhaweysay geerida Qaddaafi

Image caption al-Shabaab

Hoggaamiyaha xarakada Islaamiga ah ee al-Shabaab Axmed Godane ayaa soo dhaweeyay geerida Colonel Qaddaafi.

Farriin cod ah oo laga sii daayay idaacad ay Shabaabku leeyihiin, ayaa hoggaamiyaha al-Shabaab waxa uu ku tilmaamay hoggaamiyihii hore ee Libya inuu ahaa keligii taliye, waxaana uu ugu baaqay dadka reer Libya in aanay oggolaan inay in mid kale aanu booskiisi gelin.

"Waa inaad ilaalisaan miraha kacaankiina" ayuu yiri Godane oo la hadlayay dadka reer Libya.

Dhinaca kale, waxaa hoggaamiyaha al-Shabaab uu ka hadlay dagaalkii dhawaan Shabaabku kula galeen ciidamada AMISOM magaalada Muqdisho.