Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda Maxamed Wardi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Wardi waxa uu ahaa Fanaan Soomaalidu jeceshahay heesihiisa

Heesaaga caanka ah ee waddanka Sudan, Maxamed Cismaan Wari ayaa ku geeriyooday magaalada Khartuum isaga oo 80 jir ah.

Maxamed Wardi waxa uu soo caan bixiyay muusig dhaqameedka gobolka uu ka soo jeedo ee Nubiya.

Maxamed Wardi oo lagu yaqaanay fikradaha garabka bidix, ayaa waa xiray Madaxweyne, Jaafar Numeri sanadihii 1980, waxaana uu galay masaafuris markii Madaxweynaha hadda awoodda haya Cumar Xasan al-Bashiir uu talada qabsaday 1989.