Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madoobe Nuunow oo eedeeyay dowladda

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madoobe Nuunow waxa u doortay guddoomiyaha baarlamaanka xubno ka tirsan baarlamaanka

Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo garab ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ay u doorteen Afhayeenka baarlamaanka ayaaku eedeeyay Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha inay iska indhatiryaan axdiga KMG ah ee u degsan dalka.

Madoobe Nuunow waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Shariif inuu la socdo dhinac ka mid ah baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in ay magacaabeen guddiga doorashada Madaxweynaha oo uu sheegay inay dhici doonto 30 bishan April.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif ayaa mar uu dhawaan ka hadlay khilaafka barlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in aan loo xayirnaan doonin baarlamaan laba u qeybsan oo leh, sida uu yiri "laba guddoomiye".

Madoowe Nuunoow oo ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho waxa telefonka ku wareystay Farxaan Maxamed Jimcaale.