Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha Burundi iyo ciidanka Somalia

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku tilmaamay in ciidanka uu waddankiisa ku biiriyey howgalka Midowga Afrika ee Somalia ay ka mid tahay guusha uu gaaray dalkiisa. Waraysi uu siiyey BBC laanta afka-Somaliga ayuu madaxweynuhu wuxuu sheegay in taageerada Burundi ay wax badan ka badashay xaaladda ammaanka ee soomalia.. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burundi ay u dabbaal degtey sannad guurada 50-naad ee ka soo wareegaty tan iyo markii uu xoriyaddiisu qaatay 1962-dii Weriayaha BBC Maxammud Cali ayaa madaxweynaha kula kulmay xafiiskiisa Magaalada caasimada ah ee Bujumbura.