Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yaa Soomaaliya uga qeybgalaya?

Image caption Tuulada cayaaraha Olombikada ay ka dhici doonaan

Magaalada London waxaa 27 ka bishan July ka furmaya cayaaraha Olombikada adduunka oo ay ka qabgalayaan in ka badan 200 oo waddan.

Shalay waxa dalalka ugu horreeya ee soo gaaray London la tusayay kooxaha kala duwan ee ka socda goobaha ay degi doonaan inta cayaaruhu socdaan.

Waxaa ku jiray haddaba dalalkaasi Soomaaliya oo shalay la tusay halka ay kooxdoodu degi doonto.

Haddaba ka wareystay inta cayaaryahan ee dalka Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee London iyo rajadoodu sida ay tahay ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu ka warreystay Ku simaha guddoomiyaha olombikada Soomaaliyeed Durraan Axmed Faarax.