Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jawaari: Kama badnaaneyso toddobaad

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhigiisi ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen hoggaanka cusub oo ah Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Kulanka maanta ayaa waxyaabaha ay kaga hadleen uu Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uga warramay BBC wareysi gaar ah oo uu na siiyay.

Mudane Jawaari waxa uu sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya hadda hortaal inay tahay sidii ay u soo dooran lahaayeen Madaxweynaha dalka.

Mar la weydiiyay xilliga ay noqon doonto doorashada Madaxweynaha, waxa uu sheegay in arrintaasi uu ku wareejinayo Guddiga doorashada, sida ugu dhaqsaha badan, waxaana uu intaa sii raaciyay inaanay ka badnaan doonin toddobaad ama toban maalmood.