Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shuruudaha musharaxa laga rabo

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay shuruudaha looga baahan yahay dadka u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya inay soo buuxiyaan.

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta ayaa ah sidan:

  • Inuu Soomaali yahay.
  • Inuu caafimaad qabo.
  • Inuu afartan sano ka weyn yahay.
  • In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
  • In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
  • Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
  • Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
  • Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
  • In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
  • In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.

Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa BBC uga warramay shuruudaha.

Guddiga doorashada baarlamaanka ayaa waxa berri uu bilaabayaa qabashada araajida musharaxiinta, taasi oo socon doonta ilaa Lixda bisha.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember.