Xafladdii ka dhacday Kasarani

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Abriil, 2013, 19:27 GMT 22:27 SGA

Media Player

Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa waxaa maanta loogu dhaariyay xafiiska madaxtinimada xaflad weyn oo ka dhacday garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Uhuru Kenyatta waxa loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa waxaa maanta loogu dhaariyay xafiiska madaxtinimada xaflad weyn oo ka dhacday garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda caleemo saarka Uhuru Kenyatta, waxaa ka soo qeybgalay hogaamiyayaal ka socda Afrika iyo diblomaasiyiin caalami ah iyo tobanaan kun oo qof.

Raila Odinga kama soo qeybgalin xafladda dhaarta Uhuru Kenyatta.

Mr. Kenyatta, ayaa waxaa loo doortay xilka madaxtinimada bishii la soo dhaafay, isaga oo ka guuleystay Raiisul Wasaaraha xilka hayay Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa waxa uu muran ka keenay natiijada doorashada oo uu sheegay in lagu shubtay, waxaana uu dacwad geeyay maxkamadda sare ee Kenya oo markii dambe go'aamisay in natiijada doorashada ay ahayd mid sax ah.

Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto waxay dacwad uga socotaa Maxkamada caalamiga ee dambiyada

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.