Xaawa Cabdi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe

BBC ayaa waxa ayaamahan ay wadday taxane ay ugu magac dartay 100 haween ah dunida barkeed oo hadleysa - kuwaasi oo lagu eegayo nolosha haweenka adduunka hawlaha iyo caqabadaha horyaal, iyo weliba fursadaha ay sameeyeen oo qaar ka mid ah ay meelo waaweyn dunida ka gaareen.

Haddaba haweenka somalida qaarkood ayaa guulo waaweyn ka gaaray wax u qabadka bulshada oo waxaa jira gabdho somali ah oo dadalkoodii ku muteystay abalmarinno caalami ah.

Drs Xaawa Cabdi oo hawlaha samafalka bulshada ku soo jirtay tan iyo berigii dagaalada sokeyee somalia ayaa xarun caafimad oo ay ka faaiideystaan hooyada iyo dhallaanka waxay ka furtay jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya oo hadda loo bixiyey degaanka Hawa Cabdi.

Drs Xaawo Cabdi ayaa wariyaha BBC Suheba Badqas oo wareysatay aya wax ka waydiisay sidii ay ku bilowday xarunta caafimaad iyo wixii ku dhaliyey ?