Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dooda Jimcada

Barnaamijka Jimacaha wuxuu ku saabsan su'aasha ah ma la joogaa waqtigii dib loogu celin lahaa Soomaaliya boqolaalka kun ee qaxootiga ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee Kenya waqti ka badan 20 sano.

Waxay ka dambeysay heshiis bishan ay wada saxiixeen dawladaha Kenya, Soomaaliya iyo hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR, oo nuxurkiisu ahaa in dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay iskood ugu noqdaan Soomaaliya la caawiyo, laakin aan cidna lagu qasbin in ay ku noqoto Soomaaliya.