Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidanka Djibouti oo weerar qaaday

Image caption Ciidanka Djibouti ee ku sugan gobolka Hiiraan oo roondo sameynaya

Labadii maalmood ee u dambeeyay ciidamada Djibouti ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay la wareegeen deegaanno ay ka talinayeen Al-shabaab oo hoos yimaada degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka maanta laga helayo tuulooyinka Luuq Jeeloow iyo Shabeeloow waxa ay sheegayaan in iska hor imaad qasaare geystay uu dhexmaray ciidamada wada socda iyo Al-.

Si aan faahfaahin uga helno waxaan la xariirnay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Colonel Cismaan Dubadd oo telefonka magaalada Beledweyne aan ku weydiiyay inuu nooga warramo hawlgalka.