Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Toos ula soco xuska Mandela ee Soweto

Kumanaan kun oo ruux ayaa gaaray garoon ku yaalla xaafadda Soweto, halkaas oo ay ka socoto xus loo samaynayo Hoggaamiyihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela.

Lahaanshaha sawirka Getty

Dadweynaha nasiibka u yeesha inay helaan kuraas ay ku fariistaan, waxaa ku soo biiri doono madaxda caalamka ee ka kala socda dowlado kala duwan.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynayaasha Maraykanka, Faransiiska iyo Kuba ayaa ka qeybgalayo xuska Mandela.

Ku dhawaad 80 hoggaamiye oo caalami ah ayaa gaaray xaafadda Soweto, oo lagu qabanayo xuska hoggaamiyahaas hore.

Waxaa la filayaa in Mandela la aaso 15-ka bishan December.

Lahaanshaha sawirka AP

Mandela ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee madow ahaa ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu astaan u noqday halganka kaddib markii uu xabsiga ku jiray muddo 27 sano ah.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Mandela ayaa markii uu xabsiga ka soo baxay madaxweyne ka noqday Koonfur Afrika.

Waxaa uu dalkiisa ku hoggaamiyay hanaan ku dhisan is cafis iyo dib u heshiisiin.