Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aaska Mandela

Nelson Mandela ayaa lagu aasay meeshii ay ku aasnaayeen reerkiisa, oo ah meel u gooni ah, kadib markii loo qabtay aas qaran. Waxaa aaska oo ka dhacay tuulada Qunu ka soo qayb galay, afar kun iyo shan boqol oo qof, oo qaar ka mid ah ay ka hadleen nolosha Mandela.

Xaaskiisa, Graca Machel, iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa joogay aaska gaarka ah ee reerkiisa ay qabteen, oo ah mid dhaqan u ah dadka degan tuulada Qunu ee Mandela lagu aasay.

Mandela ayaa dhintay 5 December isagoo jira 95.