Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada Cabdiwali Cali Gaas

Image caption Doorashadaii Puntland ee lagu doortay Cabdiwali Cali Gaas.

Dhaqaalyahan wax ku soo bartay dalka Mareykanka, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulka Puntland, kadib markuu kaga adkaaday hal cod madaxweynihii hore Cabdiraxman Faroole, oo aqbalay natiijada doorashada.

Mr Gaas oo Ra'iisul wasaare ka noqday dowladdii ku meelgaarka ee Soomaliya ayaa laga yaabaa inuu xiriir dhow la yeesho dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sanadkii tagay, ayaa maamulka Puntland waxa uu xiriirka u jaray dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamud. Hadaba muxuu noqon karaa xiriirka cusub ee Puntland iyo dowladda federaalka.