Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadahadalka Somalia iyo Somaliland

Image caption Wadahadalka Somalia iyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yonis, ayaa cadeeyay in wareeg kale ee wadahadalladii Somaliya iyo Somaliland lagu qaban doono

dalka Turkiga 16-19 January 2014.

Wasiirka Maxamed Biixi Yonis, oo hogaaminayay wafdi ka kooban wasiiro iyo golayaasha guurtida iyo wakiilada Somaliland oo maanta ka duulay magaalada Hargeysa wuxuu

kaloo sheegay inay Adis Ababa ku sii hakan doonaan dhawr maalmood oo tababar ku qaadan doonaan ku saabsan habka wadahadallada, kuna sii diyaar garoobi doonaan.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yonis la yeeshay, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay socdaalkooda.