Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada soo gaarta gabdhaha da'da yar ku guursada

Heerka tirada gabdhaha lagu guursado iyagoo ay da'duudu yartahay ayaa lagu sheegaa in uu sareeyo wadammada Bariga Afrika.

Soomaaliyana, kororka dhimashada caruurta ee xiliga dhalmada ayaa waxaa loo tiriyaa guurka gabdhaha ee xilliga hore, taasoo ay dhakhaatiirta ku sababeeyaan in gabdhaha aanu jirkooda u diyaarsanayn qaadista uurka iyo la tacaalida dhibaatooyinka ka soo wajaha isbadalka jir ahaaneed ee ku dhacaya marka ay guursadaan.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Adan ayaa warbixintan ku eegaya dhiibaatooyinka gabdhaha yar yar ay kala kulmaan guurka waqtiga hore.