Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda bini'aadamnimo ee South Sudan oo laga dayrinayo

Deeqbixiyayaal ay ka mid yihiin dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa shir ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway, waxay lacag dhan 600 oo milyan oo dollar u ballanqaadeen dalka ay colaada ka jirto ee South Sudan si loo gaarsiinayo gargaar bani'aadanimo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalkaasi uu xaalad adag oo bani'aadanimo qarka u saarsan yahay, iyada oo ay macluul u dhiman karaan caruur ay tiradoodu gaareyso 50,000.

Haddaba si aanu wax badan uga ogaano xaallada bani'aadanimo ee haysata South Sudan ayaa waxaan ka wareysanay Cabdikariim Daahir Guure oo ah xiriiriyaha mashaariicda MSF ee magaalada Bentiu ee dalka South Sudan, waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.