Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaallada bani'aadanimo ee Soomaaliya oo laga digay

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa ka digtay in laba boqol oo kun (200,000) oo caruur Soomaali ah ay khatar ugu jiraan in ay macluul u dhintaan, haddii aanan gar gaar deg deg ah lala gaarin.

Dhanka kale, ku dhawaad 7,000 oo barakacayaal ah ayaa ku nool xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho, dadkaasi waxa ay ka cabanayaan cuno yari iyo in aanay helin biyo nadiif ah.

Waxaa xerada booqday weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbixintan ka soo diray.