Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar buug ka qortay noolasha qoxootinimo ee qoyskeeda

Xalima Cabdiqaadir, waa gabar da'yar oo wax ka qortay nolosha uu soo maray qoyskeeda oo hadda ku nool dalka Maraykanka.

Buug ay qortay oo ay u bixisay ' Dardaarankii Aabo' oo ku qoran af-ingiriss ayaa waxa lagu soo bandhigay maraykanka.

Qoyska Xaliimo waxa ay ku noolayeen oo ay soo mareen xeryaha qaxootiga ee U tanga ee dalka Kenya, ka hor inta aanay u gudbin maraykanka.

Xaliimo ayaa ka badbaaday cudurka kansarka, kaasi oo horey uu ugu dhintay aabaheed, waxayna rajenaysaa in mar uun ay dib ugu laabato soomaliya.

Mohmmed Hussein Shiine ayaa la kulmay warreysigan ayuuna la yeeshay.