Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Waraysi Wasiirka Qorshaynta

Magaalada Stockholom ee dalka Sweden, ayaa toddobaadka soo socda horaantiisa waxaa ka dhici doona shir caalami ah oo looga hadlayo maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya.

Dawladda Sweden ayaa qabanqaabisey shirka iyada oo kaashaneysa xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa shirka ka qaybgalaya wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga Saciid Cabdullahi Deni

Wariyaha BBC ee Nairobi Yusuf Hassan ayaa ka wareystay wasiirka ujeedada shirkaasi iyo waxa looga hadlayo.