Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Bilowga imtixaanada dugsiyada

Arday ka badan 20 kun ayaa toddobaadkan u fariisanaya imtixaanka shahaadada ee fasalka afraad ee dugsiyada sare iyo fasalka siddeedaad ee dugsiyada dhexe ee Somaliland.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa tegay dugsi ka mid ah dugsiyada imtixaanku ka socdo ee magaalada Hargeysa, wuxuuna la hadlay masuuliyiinta waxbarashada iyo ardada qaarkood.