Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkii Istanbul ee Qurbajoogta Soomaalida oo qodobo laga soo saaray

Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa lagu soo geba gabeeyay shir ay dawladda Turkigu kharajkiisa bixisay, oo ay ka qayb galayaan dad ka socda Soomaalida qurbaha ku nool.

Geba gabadii shirka ayaa waxaa lagu doortay guddi fulin, waxaana gudigaasi madax looga dhigay Cabdi Xariir Baruud.

Khadka telefoonka ee Istanul ayaa waxaa Cabdi Xariir kula xiriiray Maxamed Cabdiraxman, oo weydiiyay qodobada shirka kasoo baxay.